Wednesday, December 14, 2016

Muqdisho iyo waayo-waayo

Geerida Abwaan Maxamed Jaamac Kayd


Abwaan Kayd
Allaha u naxariistii waxaan maqlay geerida Abawaan Maxamed Jaamac Kayd oo ka mid ahaa ardaydii aan is barannay barisamaadkii.

Maxamed Jaamaca Kayd waxaan markii ugu horreysay isagu nimid dugsiga Xalane sanadkii 1973dii oo aan ka wada mid ahayn aradaydii soo dhamaysatay dugsiga sare oo sida nidaamkii kacaankii Oktoobar uu ahaa in ardayda soo dhammeysata dugsiyada sare ay galaan xeradaas si ay u qaataan tababar military. AUN kayd wuxuu ka mid ahaa ardaydii ka timid gobollada waqooyi, si gaar ahna waxaan ka sii wada mid ahayn horinta aan ka tirsanaa, waxaana aan ka sii wada mid ahayn ardayda kuwooda ugu firfircoon ee tartamada horimada kale markii laga eego farshaxan iyo fankuba.

Waxaanan weligey illaawin markii aan dib u xusuusto sanooyinkaas iyo xilliyadaas qiimaha lahaa, waxaanan weligey illaawin oo weli sidii filimkii iigu sii muuqda markii maalin ka mid ah maalmihii ugu horreeyay ee la soo galay dugsigii tababarka Xalane iyadoo ay horinteennu u fadhida nasasho oo ay Kayd iyo dhowr dhallinyaradii ka timid gobollada Waqooyi oo ay soo istaageen hortayada si ay noo maaweeliyaan, waxaanse la fajacnay markii ay Kayd iyo Kooxdiisii  horteenna ku jileen riwaayad gaaban oo aan hadal lahayn kuna saabsanayd nin sarkaal hoose ah iyo askartiisii waxa dhexmaray oo amar kala qaadasho ah. Waxaan aad ula yaabnay habkay wax u jilayeen, ma ahayn hab iyo nooc aan naqiinnay, waxayna noqotay in xeradii oo dhan ay la yaabeen, dib dambana uma arag dad sidaas wax u jila.

Markii aan tababarkaas soo dhammeysannay waxaan kala aadnay meelihii nalaku kala qoray, in kastoo aan iska warqabnay haddana si fiican uma wada xiriirin. Nasiib wanaag sannaddii 2002dii baan muddo dheer ka dib isku helnaymagaalada Nairobi ee dalka Kenaya innagoo ka wada hawlgelayna barnaamijkii GEEDKA NABADDA dadkuna ay badankii u yaqaannaa HAAMA DHAWR, waxay ii ahayd maalintaas maalin farxad iyo xusuus badan igu reebtay, waxaan isu helnay aniga iyo Kayd fursad aan isku wareysanno, ka dibna wuxuu Kayd ku laabtay magaalada Hargaysa.
Waa ninba meel u badi, saaxiibkey Maxamed Jaamac Kayd wuxuu magac weyn ku yeesha fanka, wuxuuna noqday hal-abuur dadku wada barteen, qiimeeyeenna hal-abuurkiisa wuxuuna ku caan noqday riwaayado iyo suugaan kala geddisan.

Marxuum Abwaan Maxamed Jaamac Kayd wuxuu ku dhashay magaalada Burco 1952kii ee gobolka Togdheer. Wuxuu noqday macallin wax ka dhiga jaamacaddii Lafoole, isagoo cilmiga suugaantana ku soo qaatay dalka Masaarida. Wuxuuna ka mid ahaa qorayaashii riwaayadaha ee hobollada Waaberi, kuna soo kordhiyo fikrado cusub iyo riwaayado intuba.

Allaha u naxariisto Maxamed Jaamac Kayd, samirna Allaha naga wasiiyo gaar ahaanna ehelkii iyo dhamaan aasxaabtiisii.

Cabdulqaadir Maxamed Mursal

Tuesday, December 13, 2016

Taariikhda Saxaafadda Soomaaliyeed Qaybta 1aad


Hordhac kooban
C.M.Mursal
Saxaafadda Dunida

Inta aanan u gudagelin si gaara taariikhda saxaafadda Soomaaliyeed aan marka hore si kooban uga hadlo taariikhda saxaafadda adduunka si aan ugu soo xirno taariikhda saxaafadda Soomaaliyeed.
 Taariikhda saxaafadda adduunka waxaa lagu tilmaani karaa xilli adag oo baniaadmku u noqotay khibrad, waxaana laga joogaa isku daygeedi ilaa 500 oo sano. 
Jarmalka
Intii u dhexeysay 1400 – 1700 xilliyadaas oo ay waddamada Yurub ku jireen isbeddellada dhaqanka iyo horuumarka ayuu ka bilawday wargeys gacanta lagu qoray kaasooo ay si gaar ah ganacsatadu isuguna gudbin jireen wararka iyo macluumaadka dagaalka, iyo xaaldaha dhaqaalaha, caadooyinka  bulshada iyo ahmiyadda baniaadamka.
Makrii ugu horreysay ayaa wax la dhihi karo wuxuu wargeys lagu daabacay dalka Jarmalka dabayaaqadii 1400, wuxuuna ahaa warside ay ku qoran yihiin warar iyo macluumaad. Waxyaabaha uu qorayay qaarkoodna waxay ahaayeen waxyaabo kicinaya xasaasiyad. 
Sidaad ognahayba  wargeysyadu waxay la bilowdeen oo la jaanqaadeen hannaanka iyo farsamda daabacaadda. Waddamada Yurub gaar ahaan Jarmalka ayaa iska leh fikrada in la soo saaro daabacaaddii u horreysay oo casri ah taasoo lagu magacaabi jiray "Relation," sanadkii 1605kii.

Beljamka 
Goob lagu iibiyo wargeysyada
Belgium ayaa ku xigtay oo iyaduna soo saartay  "Nieuwe Tijdingen" 1616kii.
Faransiiska
Dalka Faransiisa wargesykii ugu horreeyay waxaa la oran jiray (the Gazette de France) waxaana la soo saaray 1632kii.
Denmark
Dalka Denmark ayaa markii ugu horreysay isaguna lagu arkay wargeys la magacbaxay (Danish news media) sanadkii 1540s, markaasoo la arkay warqado gacanta lagu qoray oo ay ku qoran yihiin warar iyo warbixinno.

Ingiriiska

Wargeysyada dalka Ingiriiskuna waxay bilaabmeen qarnigii 17aad. Wargeyskii ugu horreeyay England waxaa la daabacay 1641kii. Haseyeeshee ereyga (word newspaper) lama diiwaangelinin ilaa  1670kii. Wargeys maalinlihii ugu horreeyaya wuxuu ka soo baxay dalkaas Ingiriiska 1690kii

Dalka Ingiriiska waxaa iyaguna markii ugu horreysay soo baxay (Sunday newspaper iyo Sunday Monitor) oo la daabacay sanadkii 1780. Sidaas ayayna sanadba sanadka ka dambeeyaa u soo korayeen wargeysyada Ingiriiska. 

Intii u dhexeysay 1640 iyo xilligii Ingiriiska boqortooyadiisii dib isugu soo celinayay waxaa laga soo saaray  dalka Ingiriiska in ku dhow 30,000  oo warqad-wareed iyo wargeysyo ayaa la daabacay, qaarkoodna maanta waxaa laga heli karaa matxafka Ingiriiska.
Hase ahaatee wargeys sax ah waxaa dalka Ingiriiska laga soo saaray 1666kii, kaasoo la oran jiray (London Gazette), wuxuuna ahaa wargeyska rasmiga ah oo la oran karay waa wargeys.

Maraykanka

Wargeyskii ugu horeeyay dalka Mareykanka wuxuu kasoo baxay Boston 1690kii, isagoon aanan wax ruqsad ah haysanin, taasoo keentay in dhamaan qorayaashiisii la xirxiro oo jeelka loo diray, waxaana la baabi1yay dhamaan nuqulladiisii. Waxay noqotay in layska illaawo arrimihii wargeyskaas ilaa sannaddii 1845tii oo la ogaaday in makatabadda (Library British) laga helay wax raadad ah ee uu lahaa wargeyskii Boston ee la xiray uu ku badbaaday.

Warqad-wareedkii ugu horreyay ee Boston ee guuleysta wuxuu soo baxay 1704kii, kaasoo bilaabay nin la oran jiray John Campbell oo  madax  xafiis boosto. Warqad-wareeddan  waxay ahayd ahayd mid ay dhaqaalo ahaan ay taageerto xukuumaddii isticmaarka , hase ahaatee muddo kaddib waxaa tijaabadaas ku yimid fashal, iyadoo dadka ay gaareysay ay aad u yaraareen aadna u koobnaayeen.
Waxaa kaloo la sheegay iney laba kale warqadahaas ah ay ka soo muuqdeen Philadelphia iyo New York sanadkii 1720kii,  kaddibna aayayar  bay u sii abuurmeen. 

Xilliyadii dagaalladii isbeddeldoonka  ilaa labaatameeyo warqad-wareed baa ka soo baxayay dhammaan meelihii la gumeysanayay, walaow ay magaalooyinka Massachusetts, New York iyo Pennsylvania  ahaayeen bardhaxaadka daabacaadda dalka Mareykanka oo dhan muddo sanooyin ah. 
Sawire: Dan Kirwood
Qoraallada warqad-wareedayda  gumeysigu waxay inta badan ahaayeen kuwa ha soo horjeeda kuwa wada dacaayadaha kacaanka, waxayna ahaayeen xoogaga muhiim ah oo saameyn ku yeeshay ra`yiga dadweynaha iyo in wadahadal lala galo gumeysiga Ingiriiska iyo dib u heshiisiin, ka dibna la qaato xornimo buuxda.

Markii uu dagaalkii dhammaaday dabayaqadii 1783, wargaysyadii waxay gaareen 43 wargays.  Daabacaaddu waxay ciyaartay kaalin muhiim ah markii laga hadlayo arrimana  muhiimka u ah qaranka cusub ee Mareykanka. Waxaa bilowday wargaysyo dhowr ah oo ka hadlaya dhamaan dhinacyada ra`yiga siyaasadda.
Saxaafadda Carbeed
Daabacaaddii u horreysay ee wargeys Carbeed, kuna qoran af-carbeed iyo af-turkish ayaa la oran jiray oo ku qoran (Jurnal al-Iraq), kaasoo ka soo muuqday magaalada Baqdaad sanaddii 1816kii.
Dalka Masaarida magaalada Qaahhira ayaa iyaduna waxay ka bilowday daabacaadda laba wargeys sanadkii 1820s, ka dibna waxaa ku xigsadaya dalal kale ayaa iyaguna bilaabay iney daabacaan wargeysyo sida: 
Aljeria sanadkii 1847kii
Lubnaan - Beirut sanakdii 1858kii.
TunisDamascus iyo Tripoli- Libya sanakdii 1860kii,
 Sanca - Yeman sanadkii 1879kii.
Maroko -Casablanca sanadkii1889kii.
Sacuudi Caraabiya -Makkah sanadkii 1908.
(Maxmad Cabdulfatax (iibiye wargeysyo iyo buugaag)
ayaa kor u haya cadadkii u horreeyay ee  wargeyskii caannka ahaa
ee Al Ahraam)
Dalalka Lubnaan iyo Masar ayaa iyagu hoggaaminayay warbaahinta daabacaadda Carbeed; waxayna kaloo ay hoggaannka u qabteen guud ahaan saxaafadda Carbeed 20kii sano ee qarnigii la soo dhaafay.
Wargeysyadii u horreeyay waxay ka soo muuqdeen dalka Lubnaan magaalada sanadkii 1873kii, iyo wargeyskii caanka ahaa ee  al-Ahram, kaasoo si weyn ugu muuqday inuu hoggaanka u qabtay saxaafadda Carbeed oo ilaa iminka jira xooggiisii iyo sumcaddiisii, wuxuuna ka bilowday dalka Masar 1875kii, wuxuuna wargeyskan qarnigii 21aad uu gaaray in suuqa uu soo galo in ka badan nus milyan oo nusqadood.
Waddmada carbeed ee saliidda hodanka ku ah ee Khaliijka ayaa iyaguna daabacaaddooda iyo wargeysyadooda markiiba degdeg sare ugu kacay, iyagoo markaas  ka faaiideysanaya khubarrada Carbeed ee aqoonta u lahayd warbaahinta, waxayna shaqaaleysiiyeen sida: Lubnaan, Masar, Jordan, Falastiin kuwaasoo soo saaray wargeysyo maalinle ah oo tayadooda aad u sarreysa. Haddii aan tusaale u soo qaadanno waddamada Qatar, Baxrayn iyo Cumman waxay lahaayeen wargeysyo si fiican u hirgalay ilaa sandkii 1970kii, suuqooda hoos uma dhicin
Sacuudi Caraabiya waxay leedahay wargayska ugu qaddiimsan oo ka hadla dhaqanka waxaan ka mid ah al-Bilad iyo alMadina kuwaasoo suuqa soo galay horraantii 1930ki, iyo wargeyska kalee maalinlaha ah ee Ukaz iyo al-Nadwa oo isaguna banka yimid  1960kii. Horrantii 1960kii, Al-Jazira iyo al-Riyadh oo maalinle ah ayaa ka bilaambay magaalada Riyadh.  
Saxaafadda Afrika

Sanadku markuu ahaa 1794tii ayaa daabacaaddii u horreysay ayuu yimid wargeyskii u horreyay ee daabacan Afrika, wuxuuna soo gaaray Freetown dalka Sierra Leone hase ahaatee markiiba waxaa durbadiiba baab`iyay  Faransiiska, taasoo la fahmi karo waxa uu uga jeeday Faransiiska taas.  Wargeys kale ayaa mar kale yimid sanadkii 1800kii wargeys la oran jiray ( the Sierra Leone Advertiser ).

La soco qaybta 2aad
Cabdulqaadir Maxamed Mursal

Isirka Soomaalida iyo Prof. M. C. Gaandi 22 08 2014

Suugaanta Haweenka 1- 6

Naxwaha Afsoomaaliga Casharka 10aad

Xiriiriyeyaal

Qurubyadan hawshooda aasaasiga ahi waa xiriirinta ereyada ama
weeraha. Xiriiriyeyaasha ugu muhimsan iyo waxa ay kala qabtaan waxaa ka
mid ah:

iyo
Xiriiriyahani wuxuu isku xiraa magacyo, magacuyaallo iyo tirooyin.
Tus.:
Cali iyo Maxamed waa walaalo
Aniga iyo adiguba waan aragnay
Labaatan iyo shan sano ayuu jiraa

na
Waxay isku xirtaa laba weerood, siiba marka ay kala leeyihiin yeele ama
fal kala duwan, weerta labaad ereygeeda koobaad ayayna isku lifaaqdaa.
Tus.:
Cali bariis buu cunay Jaamacna baasto
Guriga ayaan aadayaa waana seexanayaa
Waan tagayaa adiguna?

oo
Xiriiriyahan siyaabo kala duwan ayaa loo adeegsadaa, inta ugu
muhimsanina waa kuwan:
- Iskuxiridda labo weer tebineed oo ebyoon ama labo weer amar. Tus.:
Awees waa wiil dheer oo cas
Geeddi oo dhowaan yimid baa keenay alaabta

Soo orodoo ii kalay!
- Iskuxiridda laba fal oo isku mar la qabtay. Tus.:
Anigoo soo socda baa Cali ii yeerey

ee
Xiriiriyahanna siyabo kala duwan ayaa loo adeegsadaa:
- wuxuuna isku xiraa laba weerood. Tus.:
Amed ma seexan ee Ubax baa seexatay
Daah ha cunee
Aan seexannee, nalka naga dami!
- Waxaa kaloo loo adeegsadaa orah magaceed (nominal phrase)
gudaheeda. Tus.:
Dukaanka dahabka ee Caasho ayaa dhow

-se
Waa xiriiriye lid oo isku naba weerta dambe ereygeeda koobaad sida aan
ku soo aragnay –na. Tus.:
Faarax wuu tagay Geeddise wuu seexday
ama/mise
Labadan xiriiriye waxay isku xiraan labo erey ama labo weerood oo kala
duwan. Mise weer weyddiimeed ayaa loo adeegsadaa, amana weer aan
weddiin ahayn.Tus.:
Cali guriga ayuu jiraa ama shaqada
Yaad doonaysaa, Cabdullaahi mise Saciid?

laakiin/haseyeeshee
Labadan xiriiriye, inkastoo aan ahayn qurbyo, haddana hawshoodu kama
duwana waxa ay qabtaan xiriiriyeyaasha kale, sida xiriiriyaha ee ayay u
muujinayaa micno iska soo horjeeda. Tus.:
Calasow wuu yimid laakiin kuma arkin
Saynab way timid haseyeeshee kuma arkin

5.3 Qurub diiradeedyada (focus marker)

Qaybtan waxay ka koobantahay: baa iyo ayaa. labadan qurub oo isku
si loo adeegsado waxay diiradda saaraan magaca ay ka dambeeyaan ama ay ku
ag dhowyihiin, hawshooduna waxay tahay in ay muujiyaan in magacaasi uu
yahay mid sida warka cusub ee la rabo in loo gudbiyo dhageystaha ama
akhriyaha, Tus.:
Cali baa ka yimid Afgooye

(weertan waxaa laga dareemayaa in horey loo ogaa in laga yimid Afgooye,
warka cusubse wuxuu yahay in Cali uu yahay qofka yimid oo ah yeelaha
weerta, weertaa waxay jawaab u tahay weyddiinta ah: yaa ka yimid Afgooye?)
Qurubyadan marka ay diiradda saarayaan layeelaha waxay ku dhafmaan
magacuyaallaka dhimman oo yeelaha ah.Tus.:
Gabadhu Cali bay (baa+ay) aragtay

Gaar ahaan marka la hadlayo qurubkan wuxuu ku lifaaqmi karaa magaca:

Calaa (Cali + ayaa) yimid

Waxaa kaloo qurub diiradeedyada la halmaala ereyga waxaa. Ereygan
hawshiisu kama duwana midda ay qabtaan labada qurub ee aan kor ku soo
xusnay, laakiin dhaqan gaar ah ayuu leeyahay marka laga eego xagga
weereynta, maxaayeelay magaca uu diiradeynaayo wuxuu u wareejiyaa weerta
dhammaadkeeda.Tus.:
Aadan wuxuu arkay faras cad
(Aadan faras cad ayuu arkay)


La soco casharka 11aad
 Diyaarintii: Prof. Cabdalla Cumar Mansuur & Profs. Annarita Puglielli.

Naxwaha Afsoomaaliga Casharka 9aad

 Kooxda 2°: falalka horkabeyaasha leh
Kooxdan waxay ka koobantahay falal tiradoodu aad u koobantahay,
haddana adeegsigoodu aad buu u badanyahay. Waxay leeyihin lifaaqyo
horkabe iyo dibkabeba ah oo isrogroga, waxayna isu rogrogaan qaabka
ugu qaddiimsan ee luqadda. Kooxdan waxaa ugu muhimsan shantan fal
ee hoos ku xusan: aqoo, aal, imow, dheh, ahaw. 
Tus.:
Waxaa nimid marka ay iyagu yimaadeen.
Qofka aad taqaanaa waan kula aqaanaa.
Anigu shalay ayaan imid, idinkuna goormaad timaaddeen?
Xaggay yaallaan buugaagtu.
Ma xasuusantahay waxa aan ku niri ?

Falka shanaad oo ah ahaw wuxuu horkabe leeyahay amminka joogtada
oo keli ah. Tus.:
Waxaad tahay nin wanaagsan

(Falalkan isrogroggooda oo kaamil ah ka eeg bogagga shaxda hogatuska.)

5. Qurubyada (particles)

Qaybtan waxaa lagu qaadaadhigayaa qurubyo aan isbeddelayn oo
weerta gudaheeda ka kala ciyaara kaalimo kala duwan, waxayna kala yihiin:
horyaalayaasha, xiriiriyeyaasha, qurub diiradeedyada, iyo qurubyo cayima
nooca ay weertu tahay.

5.1 Horyaalayaasha (prepositions)

Waa qurubyo bartoodu tahay falka ka hore (halkaasoo ay ku
lifaaqmaan magacuyaallada dhimman oo layeelaha ah), waxay weerta
gudaheeda ku hayaan magaca aan yeelaha ahayn, yacnii horyaalkaas
la’aantiisa magacaas kama mid ahaan karo weerta. Horyaalayaashu waa afar:
ukukala. Sida soo socota ayayna u shaqeeyaan:

a. Ku iyo ka
waxay isku xiraan falka iyo meesha fakaasi uu ka dhacayo. Tus.:
Cali wuxuu ka shaqeeyaa warshadda
Xasan suuqa ayaan ku arkay

Ka waxaa kaloo loo adeegsadaa meel ka imaansho. Tus.:

Nin baa Gaalkacyo ka yimi.

Sidoo kale mawduuc laga hadlayo ayaa loo adeegsadaa. Tus.:
Axmed taariikhdiisa ayuu ka hadlay
Ku waxaa kaloo loo adeegsadaa wasiilo. Tus.:
Bariiska qaaddada ku cun!

b. waa horyaale 4 siyood loo adeegsado:
- hadaf ama ulajeeddo ayuu la xiriiraa. Tus.:
Wiilku wax buu danleeyahay?

- ama jiho. Tus.:
Aadan dibadda ayuu dhoofay.

- ama cid u samafalid. Tus.:
Maryan, wiilka shaah kari!

- ama hab. Tus.:
Si wanaagsan habay!
Si fiicaan akhri!

c. La waa layeele tilmaama la jirid ama wadajir. Tus.:
Cali aabihiis ayuu la joogay.

Horyaalayaasha rugtoodu waa falka hortiisa, magaca ay la shaqeeyaanna meel
uma go’na. Haddii weer gudaheeda laga helo in ka badan hal horyaale waxay
ku wada kulmaan falka hortiisa, mararka qaarkood waxaa dhici karta in
magaca uu la xiriiro lagu wareero sidii loo fasiri lahaa, waxaa keliyah oo lagu
kala saari karaa xaaladda (context), sida weertan:
Axmed baa odayga wiilka guriga ugu geeyey
(yaa la geeyey, yaana loo geeyey?)

Weertan kale ee fudud:
Iskudhafka horyaallada iyo magacuyaallada dhimman ee layeelaha ah waxaad ka eegtaa
shaxda hogatuska.

Axmed baa qaaday buugaagta.

Haddii aan ku darno cidda loo soo qaaday iyo meesha laga soo qaaday
buugaagta waxaa soo baxaysaa weertan ballaaran:
Axmed baa Maryam uga qaaday buugaagta miiska.

Weertan waxay ka timid isku dhafka labadan weerood:
Axmed baa ka qaaday buugaagta miiska +
Axmed. baa qaaday Maryam buugaagta

Horyaallada isku dhafan ama ku dhafan magacuyaallada layeelaha ah oo
kaamil ah waxaad ka eegtaa shaxda horyaallada iyo magacuyaallada.


La soco casharka 10aad

Diyaarintii: Prof. Cabdalla Cumar Mansuur & Annarita Puglielli.

Naxwaha Afsoomaaliga Casharka 8aad

Kooxaynta falalka
Af-soomaaliga, isagoo laga eegayo xagga isrogrogga, waxaa la
ogaadey in falalku ay u kala baxaan laba qayb sarfeed: a) qayb aad u tira badan
oo leh dibkabeyaal, b) iyo qayb sooyaal ah oo si gaar ah ay u leeyihiin sarfe
horkabe iyo dibkabe ah, qaybtaan waxaa ka mid ah falka yahay oo marka uu
yahay tagto u dhaqma sida falalka dibkabayaasha leh, marka uu joogto
yahayna wuxuu noqdaa fal dibkabe ah

a. Kooxda 1°: falalka dibkabayaasha leh (Isrogroggooda)

Falalka kooxdan 1° oo sarfahoodu aanu fududayn waxay ka koobanyihiin
4 nooc isrogrog oo kala duwan.

Isrogrogga 1°

Isrogroggani waxaa u gaar ah falalka aan salkoodu lahayn lifaaqyo, ha
ahaadeen fal-gudbe (cunqorxir...) ama fal-magudbe (tagjabkar…).
Tus.:
Cali baa cunay tufaaxa
Gabadha ayaa qortay warqaddan
Koobku wuu jabay
Nimanku way tageen

Isrogroggan koowaad waxaa kaloo ka mid ah xitaa falal sal ballaariye
wata, saddex qayb ayayna u kala baxaan:

- Qaybta 1° waa fal-magudbayaal oo ka yimaadeen:
magac + ow
baraf + ow = barafow (tus.Biyuhu way barafoobeen)
nacas + ow = nacasow

- Qaybta 2° waxay ka koobantahay fal (-gudbe-sababeeye) + am.
Lifaaqan wuxuu weerta ka dhigaa yeele-laawe (passive), falkuna waa
fal-magudbe.
+ -am
xir + -am (tus.: Albaabku waa xirmay)

- Qaybta 3° waa falalka ku dhammaada -, kuwaasoo u dhaqma
qaabka isrogrogga 1° iyo midka II°ba, sida falka badi oo labada
siyoodba loo adeegsan karo:


Badi
-iyay -iday badiyid (1° isrog.)
Tus.: Kooxdan ayaa badiday

-yay -isay badin (2° isrog.)
Tus.: Kooxdan ayaa badisay

Isrogrogga 2°

Isrogroggani waxaa uu gaar u yahay falalka asalkoodu ka yimid falal
kale oo lagu lifaaqay dibkabe.

F + -is (lifaaq sababeed)
kar (f.mg) Shaahu wuu karay
kar + is = karis (f.g) Ubax shaah bay karisay
jab (f.mg) Dhaladu way jabtay
jab + is = jabis (f.g) Caasha dhalada ayay jebisay

N + -ée/ -ayn
sun + -ée = sumee Yaa cuntada sumeeyey?
qado + ayn = qadayn Xageed ka qadayn rabtaa?
run + ayn = rumayn Wax la rumayn karo ma aha
cidlo + -ée = cidlee Maxay guriga u cidleeyeen?

- Falalka isrogrogga 4°-ée
adag + -ée =adkée Aad ayay u adkeeyeen imtixaanka
yar + ee = yaree Intaa ka badan lama yareeyn karo

Isrogrogga 3°

Kuwa isrogroggan raacsan waxaa ka mid ah falal farcame oo leh lifaaqa
–at oo falka ku soo kordhiya micne wax samaysasho.

F + -at
qaado + at = qaadad Lacag ayuu qaatay (qaadtay = qaattay)
guuris + at = guursad Cali gabar buu guursaday
yarow + at = yaraad Biyuhu way yaraadeen

M + -at
geeri + at = geriyood Xagguu ku geeriyooday ninku?
gaajo + at = gaajood Aad baan u gaajooday

Isrogrogga 4°

Kuwa isrogroggan raacsani waa falal gaar ah oo badankuudu ay
leeyihiin micno aan ka fogayn sifada (adjective), haseyeeshe markii
laga eego xagga sarfaha iyo weereyntaba waxay u dhaqmaan sida falka,
waxayna marwalba ay ku lifaaqanyihiin falka ahaw, sidaa awgeed
waxaa lagu magacaabaa “fal sifo”, oo Andrzejewski-na uu ku
magacaabay “hybrid verbs”.
Falal sifo laba qaybood ayay u kala baxaan: a) fal saleedyo ama fal sifo
oo asal ah ( oo dadka qaarkood ay ku tiriyaan inay yihiin sifooyin), sida:
cadyarweyndheeradaglehjecelmacaanogla’oggolcusub,
iwm. b) fal sifo kuwa ugu badan oo ka soojeeda falal kale ama magacyo
iyagoo lagu kabay lifaaqyada -an / -oon.

(fal saleed): adag, yar, weyn, og
adag Way adagtahay inuu yimaado maanta (adag + tahay)
yar Wiilku wuu ka yaraa gabadha. (yaraa < yar + ahaa)
weyn Anigu waan kaa weynahay (weynahay <weyn + ahay)
og Waan ogaa in aad dhooftay (ogaa < og + ahaa)

+ -an
xir + -an = xiran
xafiisku wuu xiranyahay
Shalayna wuu xirnaa

+ -oon
udug + -oon = udgoon
Catarkan aad buu u udgoonyahay

+ -an
guduud + -an = guduudan
Qalinku wuu guduudanyahay

La soco casharka 9aad

Diyaarintii: Prof. Cabdalla Cumar Mansuur & Annarita Puglielli