Monday, January 9, 2017

Geeeljire

                       

Caynab Kaarshe iyo Miyir Abtidoon (Qaybta 5aad)

Cabdirisaaq Cirro

(Hablaha Soomaalidu jecaylkooda ragga uma muujin jirin)

Miyir dhawr arrimood oo aan kala dhib yarayn ayaa u sinmay; inay dusha u ridato. Caynab oo ceebo waa shan af-maroojis eh ay sidaas dhaawiciisa ku cid galiso. Inay halkaas uga dhaqaaqdo oo aakhiro ninba meeshii Eebbe u qoray buu tagine ay adduunka ku waydo wiilka ay iyaba cindiga ku haysay isaga iyo tuludiisa.

Aan dib kuu xusuusiyee akhriste hablaha Soomaalidu jecaylkooda ragga uma muujin jirin xataa hadday u dhimanayaan. Waxaana taas kuu caddaynaya xikmaddii oranaysay “Baroortu orgiga ka weyn” oo sida ay wariyaan taariikhyahannada Soomaalidu ahayd, gabar nin la siiyey balse aan wali lala aqal-gelin oo iyada oo ardaaga gurigooda fadhida aroos iyo dadab-galna roob da’ lagu ballansan yahay loo soo sheegay in dooxato uu ka mid ahaa ninkii la siiyey la warjeefay.

Markay dhiilladaas maqashayna inta guriga gasada u gashay oohin qabsatay. Waxaa u soo galay aabbeheed oo ku yiri: aabbe maxaad la ooyaysaa? Iyana si fudud yay ugu jawaabtay aabbe soo ma ogid in diraacdii dhawayd orgigii ina qaar-cas ahaa dawaca cuntay. Aabbaha oo hawsha gunkeeda garanaya ayaa inta dhoolla-caddeeyey yiri: aabbe baroortu orgiga ka weyn.

Haddaba aan sheekadeenii dib ugu laabannee Miyir waxay go’aansatay inay Caynab gacan-qabato, naftiisana badbaadiso. Caynab ma lahayn far garaarisa, wuxuuna dangiigay halkii xalay ay aarka ku kulmeen oo aan geed fiyowbi ku oollin. Waxay soo qaaday Caynab, waxayna keentay gurigii ay saaka ariga ka ood-qaadday. Marka ay la soo wareegtay gurigooda waxaa arkay carruur yaryar oo Miyir la dhalatay, balse waxay ku noqotay fajiciso iyo amakaag.

Waxay Caynab hoos dhigtay geed haraca oo guriga ku horyaallay, waxayna ku qulaamisay barax ay khafiif uga dhigtay. Wax uu liqo iyo wax uu qawlasha ka daadiyaba Caynab calooshiisii wax tage. Muddo yar kaddib waxaa gurigii yimid Abti-doon oo xog-mooge ah, waxayse indhihiisu qabteen ninkaan dhallinyarada ah oo aan hiih iyo haah midna lahayn ee geedka bilqan! Carruurtii ayaa la soo booday iyada oo aan cidna su’aal waydiin; aabbe ninkaan Miyir baa siday oo geedka soo dhigtay! Waxay ku noqotay layaab kale oo horleh balse Miyir oo aan weedh kale sugin ayaa ka warrantay wixii maanta ay aragtay iyo inay go’aansatay wiilkaan Soomaalinnimo iyo islaannimo inay u soo badbaadisay.

Abtidoon ayaa dul tegey ninkii dhaawaca ahaa, wuxuuna eegay meelaha dhaawucu ka gaaray iyo sida uu u waxyeeleeyay bahalkii shaashka lahaa, wuxuuse yiri; Miyirey wiilka magaranaysaa adigu?
Miyir ayaa ku jawaabtay aabbe ma garanayo, balse wuxuu iila egyahay wiil geel dheelmataan ah xalay nala dulmaray aniga iyo hooyo oo ariga mayracayna.

Abtidoon wuxuu isla markii ku dhaqaaqay labo tillaabo; midda koobaad arigii ayuu inta dhex aaday wuxuu ka soo qabtay wan subagsiin ah oo 5 jir ah oo isla markii dhegta dhiigga u daray, isagiina geedkii uu hoos jiifay ayuu u dugsiiyay. Wuxuu sidoo kale amar ku bixiyay in geelii gabadhu tiri xalay buu carraabinayay la raacdeeyo. Isaguna wuxuu ahaa nin kammista lafaha dheerdheer yaqaannee wuxuu gudagalay in uu kabo dhammaan lafihii uu ka jabay Caynab.


Caynab shan beri kaddib ayuu indhaha kala qaaday, wuxuuse garan waayay meel uu ka yimid iyo meel uu joogo midna. Wuxuu arkay isaga oo tigtigay oo meel kast ay kaga jiraan ulo dheer dheer oo lagu kabay iyo qolfo geedo kala duwan oo dusha ka saaran, mayrax lagu duubay meelo jirkiisa ka mid ah. markii uu soo miyirsaday wuxuu indhaha ku dhuftay Abtidoon oo dhiniciisa fadhiya oo bari idaad meel dhaawac ah uga dhayaya. Caynab loo sheeg sida wax u dheceen, loogana warran hawshii bilow ilaa dhammaad.

Bilo kaddib, Caynab waxaa laga furay kammihii, wuxuuna ku istaagay addimihiisii, lixdiisii lixaadna waxay u wada caafimaadeen. Markii uu baansaday oo gugii da’ay ayuu u soo ardaa-galay Miyir,  waxaana loo siiyey si sharaf leh, wuxuu yarad uga bixiyay 49 neef oo geel ah, oo kala socota, faras baxdoy ah, xakiim iyo labadiisii shakadood, wuxuuna noqday inan la yaal.

La soco qaybta 6aad

Sunday, January 8, 2017

Muuqaalka quruxda badan ee geela Soomaalida.

                
                    Daawo barwaaqada iyo muuqaalka quruxda 
                    badan ee geela Soomaalida. (Daawad Kismaayo)