Wednesday, January 25, 2017

NAXWAHA AFSOOMAALIGA Casharka 1aad – 11aad


Diyaarintii: Prof. Cabdalla Cumar Mansuur &
Profs. Annarita  Puglielli, waxaana isku soo duway   
habka bloggana u diyaariyay Cabdulqaadir Maxamed Mursal.


Qaybaha ugu muhimsan ee naxwaha af-soomaaliga, oo looga
baahanyahay xagga sifaynta af-soomaaliga, oo caadiyan loo yiqiin “qaybaha hadalka”, waxay yihiin: magacyada, cayimayaasha (determiners), magacuyaallada, falalka iyo qurubyada. Inta aan loo gudaggelin sifaynta qayb walba waxaa muhim ah in hoosta laga xarriiqo waxyaabaha qaarkood ee u gaarka ah ereyada af-soomaaliga.

Ereyada af-soomaaliga waxaa ka mid ah ereyo badan oo lagu magacaabi karo erey-saleedyo, yacnii waa ereyo aan weli naxwe ahaan caddayn waxa ay yihiin.

Erey-saleedyada waxaa laga heli karaa weerta dhaxdeeda iyagoo ah magac, kaasoo noqon kara yeele ama layeele (toosan/dadban), ama isagoo ah fal u
shaqaynayo khabar ahaan (predicate). Tus.:
- qosol (erey-saleed)
Halkan qosol loogama baahna (waa magac)
Wiilku waa qoslay (waa fal)
- caddayn (erey-saleed)
Caddayn baa lagaa rabaa (magac)
Waxaan caddaynayaa inaad shaqaysay (fal)
- quusad (erey-saleed)
Iska ilaali quusadka (magac)
Inta aadan quusanin ayaan kula hadlayaa (fal)
Haddaba waxaa la doorbiday in qaamuuska laba jeer lagu qoro ereyada la
midka ah ereyga qosol isagoo magac ah iyo isagoo fal ah.
Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa astaamaha guud ee ay leeyihin kooxnaxweedyada
ama qaybaha hadalka ee la xiriira ereyada af-soomaaliga.

1. Magacyada

Magacyadu waxay tilmaamaan dad, duunyo, shay, ra’yi, fal iwm sida:
nin, ari, buug, figrad, maanta, bixid iwm. Haseyeeshe waxaa loo sii kooxeeyaa
iyaga oo laga eegayo qaar ka mid ah astaamahooda la xiriira micnahooda,
madaama astaamahaasi ay muujinayaan qaabab sarfeed iyo weereed oo kala
duwan.

Magacyadu waxay la socon karaan cayimayaal (determiners),
kuwaasoo dib loogu lifaaqo magacyada, sida aan ku arki doonno bogagga soo
socda.


1.1 Qaybaha magacyada
Guud ahaan magacyadu waxay u kala baxaan:

a. Magacyo gaar ah, kuwaasoo lagu aqoonsado qof ama shey gaar ah, sida:
Cali, Maryam, Moqdisho iwm.

b. Magacyo guud, kuwaasoo ah macgacyo aan cidna u gaar ahayn, sida:
geed, nin magaalo, duqnimo iwm, waxaana lagu lifaaqi karaa cayimayaal,
waxaana laga dhigi karaa wadar.

Magacyada guud laba qaybood ayaa loo sii kala saaraa:

magacyo cillanaad oo ay tilmaamayaan wax shanteenna dareemayaal
aanu dareemi karin sida: ra’yi, ceeb, run, jacayl, dadnimo iwm.
magacyo caadyaal ah oo tilmaamayaan wax nool ama shay la arki
karo oo la taaban karo sida: nin, guri, ari, geed iwm.
Magacyada caadyaalka ahi waxay u sii kala baxaan laba qaybood:

- Magacyo tirsama oo ah magacyo tilmaamaya dad ama shay la tirin
karo, sidaa darteed magacyadaas qaab wadareed ayay lahaan karaan. Tus.:
buug, guri, nin iwm.
afar buug ayaan akhriyey.
buugag baan kuu soo iibiyey.

- Magacyo aan tirsamin waa magacyo tilmaamaya wax aan la tirin
karin sida: sonkor, biyo, caano, ciid iwm, sidaa darteed suurtaggal ma
ah in aan niraahno:* hal sonkor, * laba caano, *afar ciid iwm. Tus.:
*labo biyo ayaan rabaa (waa qalad)
biyo badan ayaan rabaa (waa sax).

Arrirtan ayaa ugu wacan in ereyadani aanay lahaan karin qaab wadareed.
Waxaa kaloo ka mid ah magacyada aan tirsamin magacyo
kale oo aan tilmaamaynin qof ama neef xayawaan ah oo keliya,
laakiinsee tilmaamaya koox dad ama duunyo ah, oo loo arkayo sidii
wax midaysan ama urur ah, sidaa darteed lama raacsin karo tiro
wadareed, magacyadaasna waxaa lagu magacaabaa magacyo urur
waxaana ka mid ah: dad, dumar, ari, ido, caruur, geel iwm.Tus.:
*afar dad ayaan arkay (qalad)
dad badan ayaan arkay (sax)

Sida muuqata magacyadan lama raacsiin karo tiro wadareed, waxaase la raacsiin
karaa oo keliya ereyga “badan”, sidaa darteed waxay qayb ka yihiin
magacyada aan tirsamin, haseyeeshee qaab ahaan magacyadan waa la
wadarayn karaa iyagoo lagu lifaaqayo dibkabe wadareed oo iyaga u gaar ah
(–yaw), sida: dadyaw, geelyaw oo loola jeedo dad badan, geel badan



Casharka 2aad

a. Caynta: lab iyo dheddig

Caynta magaca, gaar ahaan marka aan qodob raacsanayn, waxaa lagu
gartaa codkaca iyo dhammaad yara kala duwan ee ay leeyihiin
magacyada qaarkood, dib baanse uga faalloon doonnaa arrintaas.
Magacyada labeed
Waxaa ka mid ah: nin(ka), ari(ga), miis(ka), gabay(ga), fal(ka) iwm.
Magacyada labeed waxaa lagu aqoonsadaa codkaca (tone) oo ku dhaca
shaqalka ka horreeyo midka ugu dambeeya, magacyada dheddigna
shaqalka ugu dambeeya ayaa codkacu ku dhacaa. Sidaa darteed aad
ayay u badanyihiin magacyada mataanaha ah, oo kala duwanaanta
codkacooda uun lagu kala sari karo micnaha kala duwan ee ay kala
leeyihiin labada magac oo lab iyo dheddig kala ah sida kuwa soo socda:

L
Dh
ínan (ka)
inán (ta)
ceesáan (ka)   
ceesaán (ta)
dálab (ka)       
daláb (ta)
shílin (ka)       
shilín (ta)

Si loo kala saaro caynta magacyada mataanaha ee hal alanlaha ah,
yacnii hal shaqal oo keliya leh, waxaa jira hab codayn kale oo lagu kala
saaro, waa nooc kale oo shaqalka loogu dhawaaqo: mid culus iyo mid
fudud. Bal isku daya in dhawaaq ahaan aad ku kala saartaan caynta
ereyadan mataanaha ah:

L (shaqal culus)
Dh (shaqal fudud)
ur (ka)
ur (ta)
gar (ka)
gar (ta)
dul (ka)
dul (sha)
tuur (ka)
ttuur (ta)
fool (ka)
fool (sha

Magacyada dheddigeed
Waxaa ka mid ah: naag(ta), bad(da), beer(ta), cunid(da). Waxaa kaloo
dheddig ah magacyada ku dhamaada -ama -intooda badan, sida:
dhalo(da), aragti(da), bari(da), xero(da), jago(da), mindi(da) iwm.

b. Tirada: keli iyo wadar
Magacyada kelida ah malaha qaab ama lifaaqyo gaar ah, waxayna
tilmaamaan dad, duunyo, shay iyo fal, sida: guri, gacan, dal, dhagax,
nin, rati, qarin iwm.
Si magacyada looga dhigo wadar waxaa jira xeerar kala duwan oo ay
kala leeyihiin magacyada labka iyo kuwa dheddigga.

Magacyada labka ee kelida ah
Waxay ku wadaroobaan dibkabayaal kala duwan:
- Magacyada hal alanlaha ah waxay ku wadaroobaan dibkabaha -
shibbanaha ugu dambeeya ee magaca.Tus.:
dal(ka) > dalal(ka),
af(ka) > afaf(ka),
miis(ka) > miisas(ka)

- Magacyada ka kooban in ka badan hal alan intooda badani waxay ku
wadaroobbaan dibkabaha -o, cayntooduna dheddig ayay isu rogtaa. Intaa
waxaa sii dheer in dibkabuhu siyaabo kala duwan uu ugu lifaaqmo
ereyga:
Haddii magac lab oo kelida ah uu ku dhammaado: bdnlr, waxaa
labalaabma shibbanaha ugu dambeeya, cayntiisuna dheddig ayay isu
beddeshaa. Tus.:
sacab(ka) > sacabbo(da),
wadaad(ka) > wadaaddo(da)

Haddii magacu uu ku dhammaado: sqcfxwaxaa -wadareedda
iyo xarfaha ku dhammaado ereyga la dhex dhigaa xarafkan -y-. Tus.:
dugsi(ga) > dugsiyo(da),
magac(a) > magacyo(da)

Qaar ka mid ah magacyada laba alanllaha ah oo ku wadarooba -o
waxay lumiyaan shaqalka 2aad, sidoodii hore ayayna laba alanle1 u
ahaanayaan, cayntuna isma beddesho. Tus.:

jilib(ka) > jilbo(ha),
garab(ka) > garbo(ha),
ilig(ga) > ilko(ha)

-------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

1- Arrintani waa xeer guud oo loo adeegsado markasta oo la arko erey dhismihiisu uu ka
koobanyahay shi+sha+shi+sha+shi+sha (shi = shibbane, sha = shaqal); shaqalka gaaban ee u






Casharka 3aad



- Magacyada ku dhammaada -e waxay ku wadaroobaan dibkabaha
-yaal, cayntuna dheddig ayay noqotaa. Tus.:
bare(ha) > barayaal(sha),
aabbe(ha) > aabbayaal(sha)

- Waxaa jira magacyo labeed oo ay ku wadaroobaan marka codkaca loo
durkiyo xagga shaqalka 2aad, cayntuna dheddig ayay noqotaa. Tus.:
dibi(ga) > dibi(da)
carab(ka) > carab(ta)

- Qaar ka mid ah magacyada ka soo jeeda af carbeedka waxay ku
wadaroobaan qaab wadareedka af carbeedka. Tus.:
darsi(ga) > duruus(ta)
macallin(ka) > macallimiin(ta)

Magacyada dheddig ee kelida ah

Magacyada dheddig waxay ku wadaroobaan hababka soo socda:
- Xitaa magacyada dheddigga ahi dibkabaha -o ayay ku wadaroobaan,
cayntuna lab ayay noqotaa. Tus.:
kab(ta) > kabo(ha)
bad(da) > bado(ha)
habar(ta) > habro (ha)
gacan(ta) > gacmo(ha)2

- Magacyada dheddig ee kelida ah oo ku dhammaada -i waxay ku
wadaroobaan dibkabaha -yo, cayntooduna lab ayay isu rogtaa. Tus.:

mindi (da) mindiyo (ha),
shini (da) shiniyo (ha)
------------------------------------------------------------------
dhaxeeya waa la xadfaa, sidaasaana ereyga ku noqda saddex alalanle, wuxuu dib ugu
noqonayaa laba alanlennimadii hore.
2 Labada erey ee ugu dambeeya waxaaloo adeegsaday xeerka ku xusan tixraaca hoose ee hore.

899

- Magacyada dheddig ee kilida ah oo ku dhammaada -o waxay ku
wadaroobaan dibkabaha -oyin, waxayna isu beddelaan magacyo lab.
Tus.:
waddo(da) > waddooyin(ka),
daawo(da) > daawooyin(ka)

2. Cayimayaasha (determiners)

Cayimayaashu waa koox u qaybsan afar qaybood markii laga eego
xagga waxqabadkooda micneed, yacnii kala qaybintoodu waxay la xiriirtaa
nooca xogwarran ee ay ku biirinayaan hadba magaca dibkabe ahaan loogu
lifaaqayo. Waxayna u kala baxaan: qodobo, tilmaameyaal, weyddiimo iyo
lahaansho. Giddigoodu waxay leeyihiin: qaab labeed oo ku bilaabanaya
xarafka -k iyo qaab dheddigeed oo ka bilaabanaya -t, waxayna waafaqaan
hadba caynta magaca ay ku lifaaqmayaan. Cayimayaashu marna ma
wadaroobaan xataa haddii magaca ay ku lifaaqanyihiin uu yahay wadar.

2.1 Qodobbada

Qodobka oo dowrkiisu yahay in uu cayimo magaca laga hadlayo ayaa afaf
badani u adeegsadaan laba qaab: qodob wax cayima iyo qodob aan wax
cayimin. Af-soomaaliguse wuxuu leeyahay midka wax cayima oo keliya, sida
af carbeedka. Taasi waxay la micna tahay in magaca aanu raacsanayn qodob
uu yahay wax aan cayinnayn ama aan la aqoonin. Tus.:

Nin baa yimid (halkan qofka laga hadlayo lama yaqaan)
Ninka ayaa yimid (halkanse waa la yaqaannaa)

Qodobka soomaaliyeed qaabab kala duwan ayuu leeyahay: -ka iyo -kii oo ay
raacaan magaca labeed iyo -ta iyo -tii oo ay raacaan magaca dheddigeed.
Haddii lagahadluhu uu ka fogyahay qofka hadlaya ama uu yahay wax mar
hore laga hadlay waxaa loo adeegsadaa -kii/-tii, laakiin -ka iyo -ta kuma xirna
labadaa arrimood ee hore.
Qaabka qodobku wuu isbeddelaa, waxuuna ku xiranyahay hadba sida uu
yahay dhammaaka magaca lagu lifaaqayo3

--------------------------------------
3 Xeerarka aan halkan ku soo bandhigaynaa waxaa la wadaaga cayimayaasha kale ee ka
bilaabma -k iyo -t.

900

Qodobka -ka wuxuu isu beddelaa: -ha, -ga, -a. Xaaladaha keena
isbeddelladaasina waa kuwan:
qodobka -ka wuxuu isu beddelaa -ha markuu raaco magac ku
dhammaada shaqalka -e ama –o. Tus.:
kabo + ka = kabaha,
qore + ka = qoraha

- -k waxay noqotaa -g marka ay raacdo magac labeed oo ku
dhammaada: -g, -w, -aa, -u, -y ama –i. Tus.:
buug + ka = buugga, erey + ka = ereyga,
guri + ka = guriga, dhurwaa +ka = dhurwaaga
hu + ka = huga, qabow + ka = qabowga

- -k waxay noqotaa -a marka ay raacdo magac labeed oo ku
dhammaado: -h, -x, -q, -c, -kh. Tus.:
madax + ka = madaxa, rah + ka =raha,
magac + ka = magaca, diiq + ka = diiqa,
tookh + ka = tookha.

Qodob dheddigeedka -ta isna wuxuu isu beddelaa: -da ama -sha.
- -t waxay noqotaa -d marka ay raacdo magac ku dhammaada shaqalka
-o ama -d, -c, -x, -h, -y, hamsa (‘). Tus.:
maro + ta = marada , bad + ta = badda,
qodax + ta = qodaxda, bac + ta = bacda,
gallay + ta = gallayda bu + ta = bu’da

- -t waxay noqotaa -sh marka ay raacdo magac ku dhammaada –l. Tus.:
ul + ta = usha il + ta = isha
bil +ta = bisha dhal + ta = dhasha

2.2 Dibkabayaasha tilmaamayaasha

Tilmaamayaasha, sida qodobbada, ayaa magaca gadaal looga lifaaqaa,
tiradooduna waa saddex, kala duwanaantoodu waxay la xiriirtaa masaafada u
dhexaysa hadlaha iyo waxa uu tilmaamayo. Masafadaas saddex meelood ayaa
loo kala saaraa:

2.2 Dibkabayaasha tilmaamayaasha

Tilmaamayaasha, sida qodobbada, ayaa magaca gadaal looga lifaaqaa,
tiradooduna waa saddex, kala duwanaantoodu waxay la xiriirtaa masaafada u
dhexaysa hadlaha iyo waxa uu tilmaamayo. Masafadaas saddex meelood ayaa
loo kala saaraa:








Casharka 4aad

Tilmaamayaasha, sida qodobbada, ayaa magaca gadaal looga lifaaqaa, tiradooduna waa saddex, kala duwanaantoodu waxay la xiriirtaa masaafada u dhexaysa hadlaha iyo waxa uu tilmaamayo. Masafadaas saddex meelood ayaa loo kala saaraa:

cayn
dhawaan
durugsan
baallayn
Lab
-kan
-kas
-keer
Dheddig
-tan
-tas
-teer

Tilmaamyaashu waxay raacaan xeerarka isbeddel-codeeka ee aan ku soo
xusnay qaybta qodobbada, sida laga dareemaayo tusaalayaashan. Tus.:

qofka
lab
dheddig
-kayga
-tayda
-kaada
 -taada
3° l
-kiisa
-tiisa
3° dh
-keeda
 -teeda
1° w.so
-kaayaga
 -taayada
1° w.mi
-keenna
-teenna
2° w
-kiinna
-tiinna
3° w
-kooda
 -tooda

Gabdhahaas ayaa u socda dugsiga
Wiilkeer baa arday ah

2.3 Dibkabayaasha lahaanshaha

Xitaa dibkabayaasha lahaanshaha waxay u kala baxaan lab iyo
dheddig, waxayna muujiyaan waxa uu milkiiluhu leeyahay:
qofka lab dheddig
1° -kayga -tayda
2° -kaada -taada
3° l -kiisa -tiisa
3° dh -keeda -teeda
1° w.so -kaayaga -taayada
1° w.mi -keenna -teenna
2° w -kiinna -tiinna
3° w -kooda -tooda
Qaababkan lahaansho waxay ka koobanyihiin laba shay: dibkabe lahaansho
iyo qodob, sida dibkabaha kayga oo ka soo jeeda kay + ka.
Xitaa dibkabayaasha lahaanshahu waxay ku billaabmaan -kuwooda labka
ahi, kuwa dheddigga ahina -t, sidaa darteed waxy raacaan xeerarkii
isqabadyada ee aan kor ku soo xusnay. Tus.:
buuggayga < buug + kayga
ardaydiisa < arday + tiisa
dalkeenna <dal + keenna
ushiinna <ul + tiinna
Ishiisa lagu arke
Ushiisa lagu dilaa

903


2.4 Dibkabayaasha weyddiinta

Waxaa loo adeegsadaa marka la weyddiinayo in la ogaado magaca
qofka yeelaha ama layeelaha ah. Dibkabaha –kee labka ayuu u gaar yahay, -tee
na dheddigga. Tus.:
dalkee < dal + kee
meeshee < meel + tee
saacaddee < saacad + tee
Buuggee baad akhrisay?
Ninkee baa yimid?

3. Magacuyaallada

Magacuyaalladu dhowr siyood ayay u kala baxaan.Waxaan ka
hadalkooda ku billaabaynaa magacuyaallada qofeed oo ay u kala baxaan:
magacuyaallo qofeed ee ebyoon iyo magacuyaallo qofeed ee dhimman.

3.1 Magacuyaallo qofeed ee ebyoon

Waxay matalayaan magacyada, weerta gudaheeda waxay ka qabtaan
kaalinta yeelaha iyo layeelaha, waxayna yeelan karaan weer faahfaahineed
(relative phrase) iwm. Tus.:
Iyadu dugsiga ayay aadday (yeele)
Cali iyada buu la hadlay (layeele)
Iyada oo caraysan baa timid
Anigu iyada oo taagan baan arkay

Inta badan waxaa ku lifaaqan qodobka -ka/-ta, sida aniga (ani + ka), mararka
qaarkoodna qodob la’aan ayay ahaan karaan, gaar ahaan marka lagu lifaaqayo
xiriiriyaha -na ama diiradeeyaha baa/ayaa. Tus.:
adiga < adi + ka
adna < adi + na
adigàa < adi + ka baa
adàa < adi + baa

Magacuyaallada qofeed ee abyoon waxay ka koobanyihiin 8 qaab:

1° ke. ani-ga
2° ke. adi-ga
3° ke.l isa-ga
3° ke.dh iya-da
1° w.so anna-ga
1° w.mi inna-ga4
2° w idin-ka
3° w iya-ga

Tus.:

Macallinka aad aragtay waa taariikhyahan
Halka ay Maryan ku sugantahay baan (baa + aan) aqaanaa

Waxaynu rajaynaynaa in maamulahu uu dhakhsi ku yimaado
------------------------------------------------------------
4 Si loo muujiyo qaabka kooban ee magacuyaalka waxaa gaar looga bixiyey qodobka. Midda
kale ereyga so (soocan) waxaa loola jeedaa in qaabka aan/aannu la adeegsado marka lala
hadluhu uusan ka mid ahayn yeelayaasha, ereyga kale mi (mideeya) isna wuxuu tilmaamayaa

in ereyga aynu la adeegsado marka lala hadlaha uu ka mid yahay yeelayaasha.






Casharka 5aad


b. Magacuyaallada dhimman ee layeelaha ah iyaguna markooda laba qayb ayay u kala baxaan:

Kuwan hore ayaana adeegsigoodu badanyahay:

1° ke. I
2° ke. Ku
1° w.so Na
1° w.mi Ina
2° w Idin
3°ke.l/3°w Ø (ma laha)
Tus.:
Way idin arkeen
Waad na hagaajisay
Muxuu ku baray macallinku?

Sida muuqata qofka 3° ee kelida ama wadarta ah ma laha qaabka
magacuyaalka dhimman ee layeelaha ah, haddaba maqnaashihiisa waxaa loo
fasirtaa in uu yahay qofka 3°, qofka falka leh waxaa laga garan karaa waxa
laga hadlayo (context), sida weertan oo kale: way keeneen, yeeluhu wxuu
noqon karaa wadar lab ama dheddig ama waxyaabo aan nooleen.

Kuwa kalena waa kuwan:

1° ke. kay
2° ke. kaa
1° w.so kayo
1° w.mi keen
2° w kiin
3° ke.l/3° w Ø (ma laha)

Magacuyaalladan waxaa la adeegsadaa markii barta koox faleedyada
ay ku wada kulmaan laba magacuyaal dhimman.Tus.:
Wuu iga kaa weyddiiyay
Aan isku kiin sheego

c. Waxaa kaloo ka mid ah qaybaha magacuyaallada dhimman labo
magacuyaal kale: la iyo is.
La waa magacuyaal yeele oo aanu caddayn qofka loola jeedo, waa
qof-laawe (passive), falkuna wuxuu ula dhaqmaa sidii qofka 3° ee lab
oo kelida ah.Tus.:
Waa la xaday
Waa lagu arkay (lagu la + ku mu.2°ly.ke)

Is waa magacuyaal aan isbeddelin oo layeele ah, muujinayana in falku
uu ku noqonayo isla yeelaha ama wax la is weydaarsanayo.Tus.:
Wuu is dilay (fal noqod)
Way is arkeen (isdhaafsi).

3.3 Koox kale oo ka mid ah magacuyaallada ebyoon

Qaababka cayimayaasha (yacnii dibkabayaasha tilmaamaha, lahaanshaha
iyo weyddiimaha ee kor ku xusan) oo lagu lifaaqo magacyada, waxaa
loo adeegsan karaa si madaxbannaan, yacnii magacuyaal ebyoon ayay yihiin.
Magacuyaalladan waxay kaloo cayimayaasha uga duwanyihiin in ay leeyihiin
qaab wadareed oo aan u kala soocnayn lab iyo dheddig iyo arrima kale oo aan
mid mid u arki doonna:

a.    Magacuyaallo tilmaame

Magacuyaalladan laba arrimood ayay uga duwanyihiin dibkabayaasha
tilmaame. Waxay leeyihiin qaab wadareed iyo qaab 4° oo aan lahayn
dibkabayaasha tilmaame oo tilmaamaya wax meel shishe yaalla.

cayn
dhawaan
durugsan
baallayn
shishayn
lab
kan/ka
kaas/kan
keer
koo
dheddig
 tan/ta
taas/tan
teer
too
wadar = l. & dh.
kuwan
kuwaas
kuweer
kuwoo


Tus.:
Kuwaas baa ka yimid dibadda
Keer yimid maanta waa walaalkay
Waa tan mucallimadda cusub
Kani waa walaalkay



b.    Magacuyaallo lahaansho

Xitaa magacuyaallada lahaansho waxay u kala baxaan lab iyo
dheddig, waxayna leeyihiin qaab wadareed cayntiisu aanay u kala
soocnayn lab iyo dheddig.

qof
lab
dheddig
wadar
 kayga
tayda
kuwayga
kaada
taada a
 kuwaaga
3° l
kiisa
tiisa
 kuwiisa
3° dh
keeda
teeda
kuweeda
1° w.so
kaayaga
taayada
kuwayaga
1° w.mi
keenna
teenna
kuweenna
2° w
kiinna
tiinna
kuwiinna
3° w
kooda
tooda
kuwooda

Tus.:
Haddaadan baabuur wadanin kayga qaado
Ardadiinna kuwayaga ayaa ka firfircoon
Wallee ina ragow tala adduun taada uun ma aha
Casharka 6aad

Xitaa magacuyaallada lahaansho waxay u kala baxaan lab iyo
dheddig, waxayna leeyihiin qaab wadareed cayntiisu aanay u kala
soocnayn lab iyo dheddig.

qof
lab
dheddig
wadar
kayga
tayda
kuwayga
kaada
taada
kuwaaga
3° l
kiisa
tiisa
kuwiisa
3° dh
keeda
teeda
kuweeda
1° w.so
kaayaga
taayada
kuwayaga
1° w.mi
keenna
teenna
kuweenna
2° w
kiinna
tiinna
kuwiinna
3° w
kooda
tooda
kuwooda

Tus.:
Haddaadan baabuur wadanin kayga qaado
Ardadiinna kuwayaga ayaa ka firfircoon
Wallee ina ragow tala adduun taada uun ma aha

c. Magacuyaallo aan cayinayn

Magacuyaalladan waxay tilmaamaan qof ama wax aan
cayinayn oo magaciisa aan la aqoon, waxayna noqon karaan yeele ama
la yeele, waxayna leeyihiin qaab wadareed.
Xitaa qodobka kii/tii waxa loo adeegsan karaa magacuyaal ahaan
marka la doonaayo in la qariyo qof magaciisa.

lab
dheddig
wadar
ku
tu
kuwo
koo
too
kuwo
kii
tii
kuwii
mid
mid
kuwo

Tus.:
Tu aan la aqoon baa timid
Mid baan halkaas ku arkay
Ku aan la aqoonin ayaan halkaas ku arkay
Kuwo dibadda ka yimid ayaan ka maqlay
Kii baa yimid

d. Magacuyaallo weyddiimeed

Magacuyaallada soo socda waxaa la adeegsadaa oo keliya
marka la doonayo in la ogaado qof ama shey magaciisa kaasoo yeele ama
layeele noqon kara:

lab
dheddig
wadar
kee
tee
kuwee
kuma
tuma
kuwama
yaa
yaa
kuwee

Tus.:
Kee baa kula quman?
Waa tuma midda soo socota?
Yaa kuu sheegay warkan?
Kuwee baa kula fiican?
Tumaad aragtay



Ccasharka 7aad



Waxaanu halkaan ku soo koobaynaa sifaynta sarfaha hodanka ah ee
falalka af-somaaliga, ha ahaato xagga isrogrogga iyo xagga farcamidda.
Dhismaha aasaasiga ee qaababka falalka af-soomaaliga intooda badani waa
sidatan:

          I                                 II                          III                             IV
Salka ereyga                Salkordhiye                 Qof                  Isrog.(amminka)


Salka ereyga
Waa unugga matilaya micnaha ereyga. Waxaana ka mid ah falalka
sida: cunqorxirdil iwm. Dhammaan sal-faleedyada fal-gudbayaasha iyo falmagudbayaasha
ee aan lahayn lifaaqyo (yacnii dibkabe la’aan ah) waxay ka mid yihiin kooxda isrogrogga 1°.
Sida aan dib ugu arki doonno xitaa salka ereyga wuxuu noqon karaa mid ka
kooban sal iyo dibkabe, sida falalka asalkoodu ka soo jeedo magac: duqcarro
iwm oo markii lagu lifaaqo dibkabaha -ow ay noqonayaan falal.

Tus.:
Duqow < duq + ow
Carrow < carro + ow
micnihii magacyadan waxaa loo rogay micna aan kii hore ka duwanayn,
laakiin leh qaab faleed.

II Salkordhiye

Waa wax markii lagu lifaaqo salka uu ereyga ku kordhiyo micna
dheeraad ah, isagoo beddelaya xataa tirada kaqaybgalayaasha hawsha, sida aan
ka dareemayno weertan:

Koobku waa jabay

Weertani waxay leedahay hal magac oo yeele ah, falkuna waa fal-magudbe,
weerta:

Maryan koobka way jabisay

waxaa ku jira labo magac oo kala ah yeele iyo layeele, falkuna markan waa
fal-gudbe. Haddaba sal-faleedka jab oo ah fal-magudbe ka tirsan kooxda
isrogrogga 1° waxaa lagu kabay salballaariyaha -is oo ka dhigay fal-gudbe oo
ka tirsan kooxda isrogrogga 2°.

III – Qof

Waa shayga muujinaya iswaafajinta falka iyo qofka ah falaha weerta:
 (Iyadu) way cuntay                cun ]               [ ]                             [ ay ]
sal                    waaf. qf 3°dh              isrog. tagto
(Annagu) waan cunnay          cun ]              [ ]                             [ ay ]
sal                    waaf. qf 1°w               isrog. tagto
(Isagu) wuu cunay                   cun ]             Ø                                 ay ]
sal                    waaf. qf 3°ke              isrog. Tagto

IV – Isrogrogga

Isrogroggu waa shayga muujinaya falka amminkiisa (tense), muuqaalkiisa
(aspect) iyo habkiisa (mood). Iskudhafka lifaaqa iswaafajiyaha qofka iyo
amminku wuxuu soo saaraa 5 qaab oo kala duwan, laakiin waxaa loo
adeegsadaa 8 nooc magacuyaal oo kala duwan. Arrintaasna waxaa tusaale
ahaan aan ka arkaynaa falka cun isrogroggiisa amminka joogtada iyo tagtada
ah:

qofka
tagto
joogto
1 ke
 (Waan)
cun – Ø – ay
cun – Ø – aa
2 ke
 (waad)
cun – t – ay
cun – t – aa
3 ke. l
 (wuu)
cun – Ø – ay
cun – Ø – aa
3 ke.
 (way)
cun – t – ay
cun – t – aa
1 w. so
 (waan)
cun – n – ay
cun – n – aa
1 w. mi
 (waynu)
cun – n – ay
cun – n – aa
2 w
 (waad)
cun – t – een
cun – t – aan
2 w
 (way)
cun – Ø – een
cun – Ø – aan


Sida muuqata waa eber (Ø) lifaaqa qof qofka 1°ke, 3°ke.l; 3°w; lifaaqa -twaxuu
u gaar yahay qofka 2°ke, 3°ke.dh, 2°w; lifaaqa -n- isna waxaa u gaar
yahay qofka 1°w. Lifaaqyadan waxaa lagu sii lifaaqaa dibkabaha isrogrogga
falka tagtada oo ah -ay ama -een, marka falku uu yahay joogtana waxaa lagu
lifaaqaa -aa/-aan. Dabcan, isrogrogyada noocyadoodu way badanyihiin oo
kuma eka oo keliya midka la xiriira amminka aan tusaale ahaan kor ku soo
muujinnay, laakiin waxaa jira kuwa kale oo la xiriira muuqaalka (aspect),
habka (mood) iyo xataa marka falku yahay qaab diidmo ah (tusaalooyinka la
xiriira isrogroyadan waxaa laga helayaa shaxda isrogrogga falalka).





Casharka 8aad


Af-soomaaliga, isagoo laga eegayo xagga isrogrogga, waxaa la
ogaadey in falalku ay u kala baxaan laba qayb sarfeed: a) qayb aad u tira badan
oo leh dibkabeyaal, b) iyo qayb sooyaal ah oo si gaar ah ay u leeyihiin sarfe
horkabe iyo dibkabe ah, qaybtaan waxaa ka mid ah falka yahay oo marka uu
yahay tagto u dhaqma sida falalka dibkabayaasha leh, marka uu joogto
yahayna wuxuu noqdaa fal dibkabe ah

a. Kooxda 1°: falalka dibkabayaasha leh (Isrogroggooda)

Falalka kooxdan 1° oo sarfahoodu aanu fududayn waxay ka koobanyihiin
4 nooc isrogrog oo kala duwan.

Isrogrogga 1°

Isrogroggani waxaa u gaar ah falalka aan salkoodu lahayn lifaaqyo, ha
ahaadeen fal-gudbe (cun, qor, xir...) ama fal-magudbe (tag, jab, kar…).
Tus.:
Cali baa cunay tufaaxa
Gabadha ayaa qortay warqaddan
Koobku wuu jabay
Nimanku way tageen

Isrogroggan koowaad waxaa kaloo ka mid ah xitaa falal sal ballaariye
wata, saddex qayb ayayna u kala baxaan:

- Qaybta 1° waa fal-magudbayaal oo ka yimaadeen:
magac + ow
baraf + ow = barafow (tus.Biyuhu way barafoobeen)
nacas + ow = nacasow

- Qaybta 2° waxay ka koobantahay fal (-gudbe-sababeeye) + am.
Lifaaqan wuxuu weerta ka dhigaa yeele-laawe (passive), falkuna waa
fal-magudbe.
F + -am
xir + -am (tus.: Albaabku waa xirmay)

- Qaybta 3° waa falalka ku dhammaada -i , kuwaasoo u dhaqma
qaabka isrogrogga 1° iyo midka II°ba, sida falka badi oo labada
siyoodba loo adeegsan karo:


Badi
-iyay -iday badiyid (1° isrog.)
Tus.: Kooxdan ayaa badiday

-yay -isay badin (2° isrog.)
Tus.: Kooxdan ayaa badisay

Isrogrogga 2°

Isrogroggani waxaa uu gaar u yahay falalka asalkoodu ka yimid falal
kale oo lagu lifaaqay dibkabe.

- F + -is (lifaaq sababeed)
kar (f.mg) Shaahu wuu karay
kar + is = karis (f.g) Ubax shaah bay karisay
jab (f.mg) Dhaladu way jabtay
jab + is = jabis (f.g) Caasha dhalada ayay jebisay

- N + -ée/ -ayn
sun + -ée = sumee Yaa cuntada sumeeyey?
qado + ayn = qadayn Xageed ka qadayn rabtaa?
run + ayn = rumayn Wax la rumayn karo ma aha
cidlo + -ée = cidlee Maxay guriga u cidleeyeen?

- Falalka isrogrogga 4°+ -ée
adag + -ée =adkée Aad ayay u adkeeyeen imtixaanka
yar + ee = yaree Intaa ka badan lama yareeyn karo

Isrogrogga 3°

Kuwa isrogroggan raacsan waxaa ka mid ah falal farcame oo leh lifaaqa
–at oo falka ku soo kordhiya micne wax samaysasho.

- F + -at
qaado + at = qaadad Lacag ayuu qaatay (qaadtay = qaattay)
guuris + at = guursad Cali gabar buu guursaday
yarow + at = yaraad Biyuhu way yaraadeen

- M + -at
geeri + at = geriyood Xagguu ku geeriyooday ninku?
gaajo + at = gaajood Aad baan u gaajooday

Isrogrogga 4°

Kuwa isrogroggan raacsani waa falal gaar ah oo badankuudu ay
leeyihiin micno aan ka fogayn sifada (adjective), haseyeeshe markii
laga eego xagga sarfaha iyo weereyntaba waxay u dhaqmaan sida falka,
waxayna marwalba ay ku lifaaqanyihiin falka ahaw, sidaa awgeed
waxaa lagu magacaabaa “fal sifo”, oo Andrzejewski-na uu ku
magacaabay “hybrid verbs”.
Falal sifo laba qaybood ayay u kala baxaan: a) fal saleedyo ama fal sifo
oo asal ah ( oo dadka qaarkood ay ku tiriyaan inay yihiin sifooyin), sida:
cad, yar, weyn, dheer, adag, leh, jecel, macaan, og, la’, oggol, cusub,
iwm. b) fal sifo kuwa ugu badan oo ka soojeeda falal kale ama magacyo
iyagoo lagu kabay lifaaqyada -an / -oon.

- F (fal saleed): adag, yar, weyn, og
adag Way adagtahay inuu yimaado maanta (adag + tahay)
yar Wiilku wuu ka yaraa gabadha. (yaraa < yar + ahaa)
weyn Anigu waan kaa weynahay (weynahay <weyn + ahay)
og Waan ogaa in aad dhooftay (ogaa < og + ahaa)

- F + -an
xir + -an = xiran
xafiisku wuu xiranyahay
Shalayna wuu xirnaa

- M + -oon
udug + -oon = udgoon
Catarkan aad buu u udgoonyahay

- M + -an
guduud + -an = guduudan
Qalinku wuu guduudanyahay
Casharka 9aad

Kooxdan waxay ka koobantahay falal tiradoodu aad u koobantahay,
haddana adeegsigoodu aad buu u badanyahay. Waxay leeyihin lifaaqyo
horkabe iyo dibkabeba ah oo isrogroga, waxayna isu rogrogaan qaabka
ugu qaddiimsan ee luqadda. Kooxdan waxaa ugu muhimsan shantan fal
ee hoos ku xusan: aqoo, aal, imow, dheh, ahaw.
Tus.:
Waxaa nimid marka ay iyagu yimaadeen.
Qofka aad taqaanaa waan kula aqaanaa.
Anigu shalay ayaan imid, idinkuna goormaad timaaddeen?
Xaggay yaallaan buugaagtu.
Ma xasuusantahay waxa aan ku niri ?

Falka shanaad oo ah ahaw wuxuu horkabe leeyahay amminka joogtada
oo keli ah. Tus.:
Waxaad tahay nin wanaagsan

(Falalkan isrogroggooda oo kaamil ah ka eeg bogagga shaxda hogatuska.)

5. Qurubyada (particles)

Qaybtan waxaa lagu qaadaadhigayaa qurubyo aan isbeddelayn oo
weerta gudaheeda ka kala ciyaara kaalimo kala duwan, waxayna kala yihiin:
horyaalayaasha, xiriiriyeyaasha, qurub diiradeedyada, iyo qurubyo cayima
nooca ay weertu tahay.

5.1 Horyaalayaasha (prepositions)

Waa qurubyo bartoodu tahay falka ka hore (halkaasoo ay ku
lifaaqmaan magacuyaallada dhimman oo layeelaha ah), waxay weerta
gudaheeda ku hayaan magaca aan yeelaha ahayn, yacnii horyaalkaas
la’aantiisa magacaas kama mid ahaan karo weerta. Horyaalayaashu waa afar:
u, ku, ka, la. Sida soo socota ayayna u shaqeeyaan:

a. Ku iyo ka
waxay isku xiraan falka iyo meesha fakaasi uu ka dhacayo. Tus.:
Cali wuxuu ka shaqeeyaa warshadda
Xasan suuqa ayaan ku arkay

- Ka waxaa kaloo loo adeegsadaa meel ka imaansho. Tus.:

Nin baa Gaalkacyo ka yimi.

Sidoo kale mawduuc laga hadlayo ayaa loo adeegsadaa. Tus.:
Axmed taariikhdiisa ayuu ka hadlay
- Ku waxaa kaloo loo adeegsadaa wasiilo. Tus.:
Bariiska qaaddada ku cun!

b. U waa horyaale 4 siyood loo adeegsado:
- hadaf ama ulajeeddo ayuu la xiriiraa. Tus.:
Wiilku wax buu u danleeyahay?

- ama jiho. Tus.:
Aadan dibadda ayuu u dhoofay.

- ama cid u samafalid. Tus.:
Maryan, wiilka shaah u kari!

- ama hab. Tus.:
Si wanaagsan u habay!
Si fiicaan u akhri!

c. La waa layeele tilmaama la jirid ama wadajir. Tus.:
Cali aabihiis ayuu la joogay.

Horyaalayaasha rugtoodu waa falka hortiisa, magaca ay la shaqeeyaanna meel
uma go’na. Haddii weer gudaheeda laga helo in ka badan hal horyaale waxay
ku wada kulmaan falka hortiisa5 , mararka qaarkood waxaa dhici karta in
magaca uu la xiriiro lagu wareero sidii loo fasiri lahaa, waxaa keliyah oo lagu
kala saari karaa xaaladda (context), sida weertan:
Axmed baa odayga wiilka guriga ugu geeyey
(yaa la geeyey, yaana loo geeyey?)

Weertan kale ee fudud:
5 Iskudhafka horyaallada iyo magacuyaallada dhimman ee layeelaha ah waxaad ka eegtaa
shaxda hogatuska.

Axmed baa qaaday buugaagta.

Haddii aan ku darno cidda loo soo qaaday iyo meesha laga soo qaaday
buugaagta waxaa soo baxaysaa weertan ballaaran:
Axmed baa Maryam uga qaaday buugaagta miiska.

Weertan waxay ka timid isku dhafka labadan weerood:
Axmed baa ka qaaday buugaagta miiska +
Axmed. baa u qaaday Maryam buugaagta

Horyaallada isku dhafan ama ku dhafan magacuyaallada layeelaha ah oo
kaamil ah waxaad ka eegtaa shaxda horyaallada iyo magacuyaallada.
Casharka 10aad


5.2 Xiriiriyeyaal

Qurubyadan hawshooda aasaasiga ahi waa xiriirinta ereyada ama
weeraha. Xiriiriyeyaasha ugu muhimsan iyo waxa ay kala qabtaan waxaa ka
mid ah:
iyo
Xiriiriyahani wuxuu isku xiraa magacyo, magacuyaallo iyo tirooyin.
Tus.:
Cali iyo Maxamed waa walaalo
Aniga iyo adiguba waan aragnay
Labaatan iyo shan sano ayuu jiraa

na
Waxay isku xirtaa laba weerood, siiba marka ay kala leeyihiin yeele ama
fal kala duwan, weerta labaad ereygeeda koobaad ayayna isku lifaaqdaa.
Tus.:
Cali bariis buu cunay Jaamacna baasto
Guriga ayaan aadayaa waana seexanayaa
Waan tagayaa adiguna?

oo
Xiriiriyahan siyaabo kala duwan ayaa loo adeegsadaa, inta ugu
muhimsanina waa kuwan:
- Iskuxiridda labo weer tebineed oo ebyoon ama labo weer amar. Tus.:
Awees waa wiil dheer oo cas
Geeddi oo dhowaan yimid baa keenay alaabta

Soo orodoo ii kalay!
- Iskuxiridda laba fal oo isku mar la qabtay. Tus.:
Anigoo soo socda baa Cali ii yeerey

ee
Xiriiriyahanna siyabo kala duwan ayaa loo adeegsadaa:
- wuxuuna isku xiraa laba weerood. Tus.:
Amed ma seexan ee Ubax baa seexatay
Daah ha cunee
Aan seexannee, nalka naga dami!

- Waxaa kaloo loo adeegsadaa orah magaceed (nominal phrase)
gudaheeda. Tus.:
Dukaanka dahabka ee Caasho ayaa dhow

-se
Waa xiriiriye lid oo isku naba weerta dambe ereygeeda koobaad sida aan
ku soo aragnay –na. Tus.:
Faarax wuu tagay Geeddise wuu seexday


ama/mise
Labadan xiriiriye waxay isku xiraan labo erey ama labo weerood oo kala
duwan. Mise weer weyddiimeed ayaa loo adeegsadaa, amana weer aan
weddiin ahayn.Tus.:
Cali guriga ayuu jiraa ama shaqada
Yaad doonaysaa, Cabdullaahi mise Saciid?

laakiin/haseyeeshee
Labadan xiriiriye, inkastoo aan ahayn qurbyo, haddana hawshoodu kama
duwana waxa ay qabtaan xiriiriyeyaasha kale, sida xiriiriyaha ee ayay u
muujinayaa micno iska soo horjeeda. Tus.:
Calasow wuu yimid laakiin kuma arkin
Saynab way timid haseyeeshee kuma arkin




Casharka 11aad


5.4 Qurub weereedyo kala duwan

Weeraha lagu magacaabo: weer caddayn (declarative sentence), weer
weyddiimeed, weer amar, weer shardiiley iyo weer talo (obtative sentence)
waxay leeyihiin qurubyo kala duwan oo muujinayaan kala duwanaanta
hababka (mood) falalka.
Waa kuwan, qurubyada ugu muhimsan (waamahasowy-) iyo
tusaalooyinkooda:

a. weero caddayn

qurubka
qaab faleedka
w. caddayn
waa
sugaa
w. weyddiimeed
ma
sugaa
w. amar
--------------
sug (ke)/ suga (w)
w. shardiiley
waa
sugi lahaa
w. talo
ha
sugo


qurub
q. diidmo
q. faleed
w. caddayn
 --- -------------
ma
sugo
w. weyddiimeed
sow
ma
sugo
w. amar
ha
 ---
sugin/suginina
w. shardiiley
-----------------
ma
sugeen
w. talo
yaanu
---
sugin

Intaas waxaan ku soo koobnay casharradii naxwaha Afsoomaaliga, haddii Alle idmana waxaan bilaabi doonnaa : Hogatuska isrogrogga falalka  ee la soco.

A.      Falalka dibkabayaasha leh

Isrogrogga – I CUN

AMAR MASDAR

Diyaarintii: Prof. Cabdalla Cumar Mansuur & Profs. Annarita  Puglielli, waxaana isku soo duway habka bloggana u diyaariyay Cabdulqaadir Maxamed Mursal.