Wednesday, December 21, 2016

Afsoomaaligu waa qaali

Waa cashar dheer oo aan ku barandoonno jawaabaha su`aalaha hoos ku qoran ee tobanka ah.

1-     Soomaaligu ma yahay af qaali ah?
2-     Xaggee asal ahaan ka soo jeedaa Af-Soomaaligu?
3-     Maxay tahay sugaan?
4-     Immisaa ayuu u  qaybsamaa Af-Soomaaligu?
5-     Immisaa ayey u qabsantaa Maansadu?
6-     Immisaa ayey u qaybsantaa heestu?
7-     Ma taqaan qaybaha maansada?
8-     Yaa tiryey geeraarka- Kanna siib kaana saar?
9-     Goormaa la tiriyey?
10-  Maxaa loo tiriyey?


Afka Soomaalidu waa af ballaaran, erayadiisuna badan yihiin si loo fiiriyaba hadal iyo hawraar, maanso iyo maahmaah, gabay iyo geeraar, masaal iyo madaddaalo, hees iyo hello, sheeko iyo qorriin iyo qun-u-hadal, gees loo dayaba waa af hodan ah ee Eebbe Weyne u yeelay murti bad ah iyo miro macaan ka buuxaan , nuxur, qoto dheeri iyo xigmadina u sii dheer yihiin.

Haddaad eegto af Soomaaliga qaayihiisa, iyo qaabkiisa suugaanta waxaad ogaanaysaa inuu yahay af aad u da'weyn, soona maray taariikh dheer sida Laatiinka, Carabiga iwm. Soomaaliga waxaa looga hadlaa Geeska Afrika, wuxuuna ka mid yahay: Afafka reer Kuush( Cush the son of Ham of Noah).

Dadka af Soomaaliga ku hadlaa waxay ku dhaqan yihiiin deegaan aad u baaxad weyn ee u dhexeeya gacanka Tojorra iyo webiga Taana ee waqooyiga Kenya. Haddii aan si gaar ah u soo qaadanno waxaa af Soomaaliga si gaar ah looga hadlaa Soomaaliya, qayb ka mid ah Jibuti ( weliba inta badan), Itoobiya iyo Kenya. Dadkaas ku hadlana waxaa loo yaqaannaa Soomaali.

Tirada saxda ah ee dadka ku hadla af Soomaaliga lama sheegi karo, waxaase lagu qiyaasay 10-16 milyan, Qoraal ay soo saartay golaha qaxootiga ayaa lagu sheegay in tirade af Somaaliga ku hadashaa ay tahay 7 milyan oo Soomaali ah, hal milyan oo Soomaali galbeed ah iyo 300 kun oo  ka tirsan dalka Kenya

Qiyaaso kale oo cirqi ahaan loo soo saaray ayaa waxay iyaduna sheegeysaa in qiyaasta dadka Af Soomaaliga ku hadlaa 7.78 milyan ilaa 8 milyan.Waxaa iyana tirokoobyo laga soo saaray tirade guud ee Soomaalida o lagu sheegay ilaa 9 milyan. Waxaa lagu sheegaa dadka Soomaalidu iney yihiin dad guurguura, haddana ay ugu sii darsantay kala irdhow, sidaas darteed waxaa dhib badan in la helo tirakoob sax ah, hase ahaatee inta loo badan yahay waa 10-16 milyan.

Af Soomaaligu wuxuu ereyo badan ka soo ergaday afka Carabiga oo ilaa muddadi uu soo galay Islaamku waddanka Soomaaliya oo ahayd waqti aad u fog xiriirkoodu uu soo korayay markii laga eego dhinacyo badan sida Diinta, ganacsiga iyo isdhexgalka. Sidaas si la mid ahna waxaa jira ereyo kale oo ereg ahaan uga soo galay afafka Ingiriiska iyo Taliyaaniga oo iyagu dalka Soomaaliya gumeysan jiray.

In wax laga qoro, lana baaro af Somaaligu waxay bilaabantay sanadkii 1900, waxaana la soo saaray qoraallo isku dayaya in afka Soomaaliga loo yeelo summad amaba qoraal. Run ahaantii waxay ahayd isku day muhiim ah oo ay dad aqoonyahano ah isku dayayeen in tallaabadaas ay qaadaan.

FAAAFIDDA IYO BAAHSANAANTA AFKA SOOMAALIGA

Afka Soomaaliga oo lagaga hadlo sida badan dalka Soomaaliya gudihiisa, Bariga Itoobiya, Jibuuti iyo Kenya, ayaa waxaa iminka lagu soo daray meelo badan ee dunidaa inuu gaaray af Soomaaliga, taasoo kentay qaxotiga faraha badan ee Soomaalida ee meelo badan ee dunida ka mid ah degay, sida Bariga Dhexe, Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo Awstraliya.


LAHJADAHA AF SOMAALIGA

Dad badan ayaa waxaa jira isku khalda afafaka iyo lahjadaha, taasina waxaa badanaa keenta aqoonta loo leeyahay waa maxa AF iyo waa maxay LAHJAD. Taas waxaa lagu ogaan karaa o keliya qofka oo barta cilmiga afafka si uu u kala saaro af iyo lahjad. Af Soomaaligu waxay culimada ku xeel dheer cilmi afeedka u kala saareen sidan: Qaar waxay ku soo koobeen oo keliya inuu leeyahay af  Soomaaliga labo lahjadood oo kala ah MAY iyo MAXAA TIRI. Qaar  kalena waxay ku sheegeen ilaa saddex qaybood, waxayna kala yihiin, WAQOOYI, BANAADIR IYO MAY.

Waqooyiga Somaaliya ama  waqooyi – Bartamaha Somaaliya ayaa isagana ah mid guud oo ay dadka badidii ku hadlaan oo ah mid dadka u dhexeeya. Banaadir ayaa iyaduna ah dhul xeebeed, waxana lagu hadlaa Banaadiriga, iyadoo sida badan looga halo inta u dhexeysa xeebta Cadale ilaa Baraawe ayna ku jirto magaalada Muqdisho. Lahjadahaas reer xeebeedka waxay leeyihiin dhawaaqyo aanan ka jirin guud ahaan Soomaalida.

Waxaa iyana ka jira dalka Soomaaliya luqado kale oo aanan ahayn af Soomaaliga sida :
Jiiddo, Dabarre, Garre iyo Tunni. Markii haddaba la eego dhammaan luqadahaasi luqadda keliya ee dadka af Soomaaliga ku hadlaa ayan fahmmi Karin waa midda Jiiddada.

TAARIIKHDA QORAALKA FAR-SOOMAALIGA

Inkastoo af Soomaaliga ay ku hadlaan dad tiradaas leh ee ku baahsan dhulka baaxadaas leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaaliyeed ku dhaqmaan wuxuu yeeshay 1972 dii. Muddadii intaas ka horreysay qoraallada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xiriiri jireen wuxuu ahaa luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga.

Si arrintaas loo xalliyo waxaa la isku dayey inay wax ka qabtaan aqoonyahanno Soomaali iyo ajinebi isugu jira. Tusaale ahaan, sannadkii 1961 dii waxaa la soo hor bandhigey Guddiga Luuqadaha (Linguistic Commission) 18 nooc oo Af Soomaaliga loo qori karo (scripts). 11 farahaas ka mid ah waxay ka mid ahaayeen faro cusub oo ay aqoonyahanno Soomaaliyeed allifeen, toddobada soo hadhayna 4 ka mid ahi waxay adeegsadeen farta Carabiga, halka ay 3 da kale ku salleysnaayeen qoraalka laatiinka.

Muddadii ka horreysay 1972dii oo ahayd markii xukuumadda Soomaaliyeed soo saartey go’aankii qoraalka la aqoonsan yahay ee af Soomaaliga waxay aqoonyahannada dersa af Soomaaliga ka dhex alloosnaa dood aad u kulul oo ku aaddaneyd nooca qoraalka loo aqoonsanayo af Soomaaliga. 

Run ahaantii, dhibaatada taallay ee marnaba suurto gelin weyday in la helo go’aan la isku raacsan yahay waxay ahayd fikirka iyo aragtiyada ay qeybaha bulshaddu ka qabeen arrinkaas oo aad u kala fogaa. Aqoonyahannada hormuudka ka ahaa fikradahaas kala duwan waxaa ka mid ahaa: Yaasiin Cismaan Kenediid, Shire Jaamac Axmed, Ibraahim Xaashi Maxamuud, Xuseen Sheekh Axmed Kadare iyo qaar kale oo badan. Sidaas daraadeed, waxaa aynu odhan karnaa dadaal ma yareyn, laakiin waxaa jirtey dood la soo af jari kari waayey.

Waxaa iyana intaas dheeraa sababo kale oo dhawr ah oo loo aaneyn karo qoraal la`aanta haysatay af Soomaaliga, kuwasoo ay ka mid ahaayeen xukuumadihii gumeysiga ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga. Waxaa iyana taas barbar socday iyana dadweynaha Soomaaliyeed oo u arkayey in la isticmaalo far aan ahayn tan Carabiga inay diinta Islaamka lid ku tahay. Tusaale ahaan, wax yar ka hor dagaalkii 2aad ee adduunka waxay waaxda waxbarashada ee maxmiyadda Ingiriiska ee ka jirtey gobollada waqooyi isku dayday inay hirgeliso qoraal farta Soomaaliga ah oo ku saleysan xuruufta laatiinka. Waxay taasi dhalisey in kacdoon ballaadhan uu ka dhaco magaalada Burco, halkaas oo dhagax lagu dili gaadhey labadii sarkaal oo ka tirsanaa waaxda waxbarashada, dadkuna waxayku dhawaaqayeen erayada ah “Laatiin waa Laa Diin”, taas oo macnaheedu yahay “Laatiin waa diin la’aan.”

Waxaa dagaallo aad u kulul iskaga hor yimid shacab weynihii mudaharaadka dhigayey iyo ciidamadii booliiska ama amniga. Taas oo dhalisay in dib looga noqdo mashruucaas isaga ah. Waxaa mudan iyadana in la xuso sababaha dib u dhigay in la soo saaro qoraal afka Soomaaligu leeyhaya af Soomaaliga isticmaalka luuqadda Carabiga oo Soomaalidu
aad ugu adeegsan jirtey dhinacyo badan oo ku aaddan adeegyada bulshadda iyo arrimaha ijtimaacdiga ah, sida arrimaha shareecada, ganacsiga iwm. Waxayna dadku aad kalsooni ugu qabeen iney wax walba ku dhameystaan dhinaca shareecada Islaamka ummadduna ay sidaas aamineen, muddo dheerna ay ku soo dhaqnaayeen.


MARXALADIHII QORAALKA SOOMAALIGA

Qoraalka Soomaaligu wuxuu soo maray marxalado kala duwan iyo faro badan xilligii gumeysiga, inkastoo ay dadka qaar isticmaali jireen.1961kii ayaa dawladdii Rayidka ahayd u saartay guddi ka soo baaraan dega farta ku habboon qoraalka farta Soomaaliga, waxaana guddiga la soo hordhigay 11 farood oo luqadda Soomaaliga lagu qori kar oo ay aqoonyanno Soomaaliyeed allifeen . Guddiga loo saaray arrintan waxay soo bandhigeen 17 qodob ama shuruudood oo lagu qiimeeyo far kasta oo la soo hordhigo.

Faraha la soo hordhigay guddigaasna waxaa ka mid ahaa:


1-        Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifay Osmaan Yuusuf Keenidiid 1920, waxaana qoraalkaas loo yaqaan Osmaaniya waxaana loogu magacdaray ninkii allifay.
2-        Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifay Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur 1933 oo loo yaqaanno Gada Buursi, waxaana loogu magacdaray qooyskii uu ka dhashay.
3-        Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifay Xuseen Sheekh Axmed Kadare 1952 oo iyana loo yaqaan fartii Kadariye, waxaana loogu magacdaray ninkii allifay oo Kadare lagu naanayso..

Guddigii luqadda ee 1965 waxay ogaadeen in qaadashada farta laatiinku  aysan carruurta horay dugsiyada ugu bartay afka Ingiriiska ama Taliyaaniga wax dhib ah kala kulmayn. Run ahaantii barashada farta laatiinka ee ay carruurtu afkooda ku bartaan waxay marka danbe u sahlaysaa iney bartaan luqado kale oo ajnabi ah. Ugu dambeyntii waxay guddigaas ku caddeeyeen in marka farta laatiinku ku habboon tahay in loo isticmaalo afka Soomaalilga.

Afka Soomaaigu wuxuu leeyahay ee loo qaatay iney noqdaan xuruufta loo isticmaalyo qoraalkiisa 21 Xaraf oo ahB, T, J, X, KH, D, R, S, SH, DH, C, G, F, Q, K, L, M, N, W, H, Y, Iyadoo loo bilaabay qaabka alif ka ya`da lagu magacaabo ee la dhaxlay xuruufta Carbeed.

Wuxuu leeyahay af Soomaaliga xuruuf lagu magacaabo Shibbanayaal oo 7 ah, waxayna kala yihiin b, d, r, g, l, m, n .

Tusaale

b – Abbaanduul,         d – Addoonsi  r – Carruur      g – Oggol        l- Dhallinyaro 
m – Ammaano                        - Hannoolaato         

Waxaa iyaguna kaalin muhiim ah ka qaata higaadda iyo qoraalka farta Soomaaliga Shaqallada oo iyagu isku xira farta, oo haddii aad meel u baahnayd shaqal dheer ka dhigtid mid gaaban laga yaabo inuu ka yimaad macna kale oo aan ahayn kii loogu talagaly, waxayna shaqalladu yihiin sidan:


Shaqallada gaagaaban                      Shaqallada Dhaadheer

 a         bad                                          aa        shaar 
 e         dheg                                        ee         meel  
 i          il                                              ii          liin  
 o         onkod                                                 oo        roob 
 u         ukun                                       uu        buug 

QAYBAHA AF-SOOMAALIGU U KALA BAXO

Af-Soomaaligu wuxuu u kala baxaa laba qaybood oo ah Hadal iyo Murti:
1. Hadal waa erayada qayaxan oo aan taxnayn, jiib iyo luuq midna aan lahayn,warkana laysugu tebiyo. 

2. Murtiyina waa erayo taxan ,xarafraac/qaafiyad leh, habdhac/jaangooyo leh, deelqaaf iyo laaxinna aan lahayn, warkana laysugu tebiyo.

Murtidu waxay u kala baxdaa laba qaybood sida: Maanso iyo Hees.
Heesku wuxuu u kala baxaa laba badood ee waaweyn, sida: Hees hawleed iyo Hees cayaareed oo haddii la sii falanqeeyo mid waliba noqonayso bad aan laga bixi Karin ama geed laamo badan leh oo aan la tiring Karin caleentiisa.Tusaale:-

·      Hees hawleed,waxaa ah tan xoolaha loogu heeso marka la wado ama la shubahayo, tan carruurta lagu seexiyo, tan roobka lagu wacaysto, iwm.
·       Hees cayaareed, waxaa ka mid ah, kuwa sacabka, jaanta iyo shanqaraha wata, tan muusikada loo garaaco/afuufo, haanta ama durbaanka loo tumo oo dhammaantood looga jeedo, farax, madaddaalo, maaweelo iyo iwm.

Maansadu waxay u kala baxdaa toddoba (7) qaybood oo kala duwan, kuwaasoo kala ah:

1. Gabay, 2. Geeraar, 3. Masafo, 4. Jiifto, 5. Wiglo, 6. Guurow, 7. Iyo Buraanbur.
Toddobadaas qaybood oo maansadu u kala baxdo waxaa calanka u sida gabayga. Siday isugu xigaan bayna u kala qaaya weynyihiin. Sidaas waxaa u qoray abwaanno badan ee suugaanta wax ka qoray, meelo ay ku kala duwanaayeenna waa jireen, hase yeeshee Somaalidu waxay ku maahmaahdaa biyo meel godan bay isugu tagaan, sidaas darteed sidii ugu saxsanayd ee la isku wada raacay.

Guud ahaan Af Soomaaligu murtida iyo macaanka waa ka siman yahay, gabayguna waa ugu horreeyaa, waana ugu tix dheer yahay, waxaana la moodaa inuu ugu hanaqaadsanyahay, uguna tixo xoog weyn yahay, asagoo waliba run ahaantii ka hawl badan kuwa ka tixo gaagaaban sida geeraarka, jiiftada iyo masafada iwm. Sidaan horay soo u sheegay toddobada qaybood ee maansada midiba waa ka madax bannaan tahay kuwa kale dhigaal ahaan iyo luuq ahaanba.

Xeerka maansada qofka kasta waa baran karaa, laakiinse qof kasta gabyaa ama geeraarshe ma noqon karo,maxaa yeelay dareenka maansoodku waa aqoon dheeraad ah ee maanso yahanka Eebbahay qalbigiisa geliyey. Kuwa tiriya maansada laftoodu waa kala heli og yihiin hogogga maansada, erayada arartooda iyo dulucdoodana waa kala heli og yihiin.
La arkee in laba nin oo gabyaa ah ninba tab kaga wacan yahay saaxiibkiisa kale, oo ninba tabtiisa uu kan kale kaga horreeyo.
Meelaha laga maansoodo waxaa ka mid ah kuwaan hoos ku qoran:

Ammaan, CalaacalCay, Digasho, Diradiro, Faan, Guubaabo, Halxiraale, KuhaanWaanada, Kaftan, Xigmadda

Tusaale Gabay
Waa inay dalaysnaataa maansadu(Gabay ama Geeraar), sidii Cali Dhuuxba uga afeeftay deelqaafka markuu hooriskiisii Deelleydii Guba ku yiri: 
Afartaa sidii deleb la riday maysu daba joojey,
Da'dii aan ka qaadiyo miyaan deelkii ka habowshey,
Ma daleeyey deelqaafku waa kaa dilaa gabaye.
Maxaa lagu kala gartaa maansada bilicdasan iyo tan hoosaysa?


·    Maansada bilicdasani, deelqaaf ma leh, habdhaceedu waa sugan yahay, dhihitaankeeda waa la qaban ogyahay, waana xiiso badan yahay, waana qaab xariiro lagu raaxaysto, ee boqol tixood hadduu yahay iyo haddii kaleba dareenkaaga soo jiita ee aad qaban karaysid.
·      Ka hooseeya wuxuu liddi ku yahay kan kor ku xusan. Lama jeclaysan karo waayo oraahdiisu ma qumana xallad iyo xiisana ma leh.

KAANA SIIB KANNA SAAR

Geerarkan caanka ah waxaa tiriye abwaankii caanka ahaa ee Cabdulaahi Suldaan Timacade, habeenkii calan saarka ee laga xoreebay gumaysigii reer yurub ee mudo aad u tiro badan dadka soomaaliyeed gumeysanayey:


Anigoo sebi uun ahoo
Sita leeb iyo qaansoo
Siigaduun isku aasoo
Sabo reer ka fogaanoon
Laygu aaminin soofkiyo
Saaca maanta aan joogno
Gabaygu waygu sugnaayee
Haddii aan Sarsarriigo
Ama aan surmaseejo
Amaba aan sixi waayo
Ama aan ka salguuro
Amaba laygu saluugo
Soomaalida i maqlaysaay
I su'aala hadhow
Ilaahaan waxba seegine
Subaciisa Quraankiyo
Sabbaxooyin ku sheegayow
Saciira iyo naciima
Rabbiigii kala seerayow
Markay suurtu dhawaaqdo e
La soo saaro makhluuqa e
Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo
Dembigaannu samaynay
Rabbigayow naga saamax
Subciyay oo ka dukeeyaye
Ka siddeetan sebaaney
Calankaannu sugaynaye
Sahankiisa ahaynow

Seermaweydo hillaacdayow
Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow
Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow
Samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib Kanna saar

Saahidiinta lslaamka e
Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo haweenku
Calankay Saadinayeenow
Cidina kaanay na Siine
Saatir noogu yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar
Sallaankii istiqaalkow
Sedadu kay ku xidhnaydow
Sayruukhii Afrikaadow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

San-ku-neefle dhammaantii
Khalqiga kii u sinnaayeen
Mid saaxiib la ahayne
Sangalkii iska diidayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

Soomaloo iscunaysa oo
Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu cabbaystiyo
Hadba soof la xabbaadhiyo
Saraayaa dami weydey
Kii laydhiisu na saaqdayow


Kii sadqeeyey qabaa'ile
Isu saaray gacmaa ee
Saf walaala ka yeelayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

In sidayda tihiin iyo
In kalaanan saxaynine
Soomaloo calan taagta
Saakay noogu horraysa oo
Saddex wiig iyo maalmo
Haddaan Soor cuni waayo
Safrad laygama yaaboo
Sarina mayso naftayda e
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar 



Waa macluumaad waxbarasho ee laysku soo ururiyay ee fadlan magacaaga ha ku qoranin intaad koobiyeyso.

Ammaantey u qalantaa

Waxaa curiyay:

Abwaan Xasan Dhuxul (Laab saalax)

Asturnaantu waa ruux
Aynigeed tilmaan u ah
Waa ehlu diin dhab ah
Dibnaheedu ereyada
Ma karaan la' eersado
Aadmigaa ka nabad galey.

Khadra waa iftiinkii
Khadra waa ileyskii
Aayahayga noloshoo
La'aanteed ma uur-sami
La'aanteed ma arag-sami
Ammaantey u qalantana  
Afkuun kama iraahdee
Uurkaan uga duceeyaa.
Arageedu waa ruux
Indhahaygu jecelyihiin
Waa gaari aayo leh
Waa ruux edebtiyo
Iimaankeda qaniga ah
Illaahey dhameystirey.

Oori weeye dhaqankiyo
Hiddo lagu abaabiyoo
Aqalkeedu inuu dumo
Waa ruux ku adagoo.
Ammaantey u qalantana
Afkuun kama iraahdee
Uurkaan uga duceeyaa.

Tijeeglow tali iing ku biyaa erteey

Faarax Nuur
Waa gabay gaaban oo Maay ah oo uu arday la yiraahdo Cabdirsaaq ka soo diray Turkiga waxa uu war ka doonayay magaalada Tayeeglow oo dagaal uu ka socday maalmahan, xiriirka tafan-kana uu go'ay, waxaan anna doonay in magaaladdii aan ku wada dhalanay ardaygaas warkeeda cidda laga heli karo aan tilmaamo. Gabaygayga oo Maay ahna deelqaafka halaga saaro.
Cabdirisaaq


Turkey ya roogdee Tijeeglow tali iing ku biyaa erteey
Taleefin ii taar tooni tururug iing eri waayiyaa tareey.
Toogoo ii tumung goorbi aniibi tururug siyyi waayeey
Tarish kooy turug ingsiyoo iinku tiraaboo Tubuneyseey
Tarishoow timiroogii Tiyeeglow ii Timiroothii taa taariig ku haaytee
Tubaalogii Geydhi ii Tubunaay toogishii taalee taariig ku haytee
Turaabtii Nebethow nebed mey ki hooyinee taariig ku haaytee
Dhuji ii Tuuliyaalkii mal taagsidi koroo taariig ku haaytee
Tijeeg ii Tugeer tareesii tirtirteey taariig ku haaytee
Taakooy duggii, titoosinkii ii Ibdiyowkaanni taariig ku haaytee    
Talli tan Alliwaa, towfiik walii taraasi Tarishoow niing taarigeey.



Abdirzak Caynte

Maahmaahyo

Waxaan ka soo qaatay:
Bogga rasmiga ah ee bulshada Wikipedia Soomaaliga

XUSUUSIN:
Maahmaahooyinkan ma dhamaystirra, waxayna u baahan yihiin in halkaas laga sii wado. Waxaase intaas dheer iney ku jiraan karaan khaladaad xagga higgaadda iyo qoraalkaba ah ee qofkii  ku arka fadlan qaybta faallada noogu dhaaf.


Maahmaahdu waa hadal murtiyeed, inta badan ka hadasha waayo aragnimo ama dhacdo qof soo martay Kaddibna uu ka reebo erayo xikmadaysan oo cabbiraya dhacdadiisa saamayna ku leh nolol maalmeedka bulsho waynta uu af ahaan iyo dhaqan ahaanba ka tirsan yahay. Soomaalidu waxay ku jirtaa dadka aad loogu tilmaamo inay leeyihiin luqad hodan ah oo u suurto galisay inay reebi karaan oraahyo nuxur leh oo xambaarsan macna xeel dheer, jirina karta inta ay jiraan dad isticmaala luqadaa.
Maahmaahooyinka caan baxay waxaa ka mid ah maahmaah koobtay dhamaan Banii'aadamka da'diisa taasoo leh sidan:
A
·         Aadme la aragyaaba, dhib la arag.
·         Adduun Joog, Adduun.com Ku Jir
·         Aan wada hadalno waa aan heshiinno.
·         Aar qoyey dawaco la mood.
·         Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
·         Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
·         Abeesada tan shanqarta iyo tan aamusan, tan aamusan baa la qaatay.
·         Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.
·         Abkeey doolli diloow, dad nool maas u dahaa.
·         Aboorku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
·         Abuur iyo waano, abuur baa horreysey.
·         Adduun i khatal.
·         Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id.
·         Ari been wuu didaa beense ma dhutiyo.
·         Ari jiri ma kala abaal waydo.
·         Ari jiri xil bay wadaagtaa.
·         Ari magantii ma barriiyo.
·         Ari shidho laga daayo.
·         Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
·         Adduun wey kii amoodeey ogaaw.
·         Adduun xamar ka joog aakhirana janno
·         Addin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
·         Af aamusani marti ma sedo.
·         Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
·         Af aanad lahayn lama qabto.
·         Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha kuu daaqdo.
·         Af Daboolan Dahab .
·         Af hadlaaba aamus.
·         Af jabtay sideedii ma noqoto.
·         Af jooga looma adeego.
·         Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
·         Af nooli waa hadlaa Eeyna waa ciyaa.
·         Af waa kane, may lagi aami.
·         Af wax cunay xishoo.
·         Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
·         Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.
·         Af-ka nool abooto mudac.
·         Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
·         Afkii dab yiri ma guban.
·         Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto..
·         Agoon nimaan wax u tarreyn ayaa madaxa u salaaxa.
·         Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.
·         Alla aamin ma iisho.
·         Alle watow wehel uma baahna.
·         Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
·         Allow aqoon xumo hanagu cadaabin eexna hanooga tagin.
·         Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe.
·         Ama waa la muuqdaa ama waa la maqnaadaa.
·         Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
·         Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.
·         Ama marqaan ama marxuum ama mariino meel ka aal (isbitaalka mariino sariir ka jiif)
·         Aqoon la'aan waa iftiin la'aan
·         Aqool xumo irmaan guran weey ka daran tahay
·         Arrad waa dan, uskagse waa doqonimo.
·         Arrin aan sidii futo riyaad haddaan la feydin, ma fayoobaato.
·         Atoorku intiisuu guun ku yahay.
·         Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan.
·         Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun.
·         Awrba awrka ka horreeya ayuu saan qaadkiisa leeyahay.
·         Ayax teg eedna reeb

B
·         Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha.
·         Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.
·         Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado.
·         Baqal fardo la miratay, fardihii bay is moodaa.
·         Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa.
·         bartii yaqaan bar uma kororto
·         Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan.
·         Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay.
·         Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
·         Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma geyso.
·         Bisayl iyo ceeriin waxa u dhexeeya waa yac-yacood.
·         Biyo ay horotooda dhooqo tahay, dabadooda maxaad mooday.
·         Biyo gorore meel godan bay isugu tageen.
·         Biyo meel godan bay isugu tagaan.
·         biyo ninki keenay cabaayo meel ma gaaraan
·         Biyo sacabbadaadaa looga dhergaa.
·         Biyo socdaa biyo fadhiyeey kiciyaan.
·         Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la'aan ah baa ka xun.
·         Booraan hadimo ha qodin, hadaad qodidna ha dheereyn ku dhici doontaa mooyee.
·         Buubaal biyaha korkiisa saaran buu ka didaa.
·         Buur caws ah oo biyo ku agyaal baadi doonyoo biciidkuba waa.
·         Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame.

C
·         Cadawgaa looma taahee, tunka u adkay.
·         Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa (loo kalaqadaa).
·         Carrab iyo ilkaa cid isugu dhaw iyana weeys qaniinaan'.
·         Carrab lo'aad caws looma tilmaamo.
·         Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh.
·         Ceeb looma dhinto, caro lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo.
·         Ceebtaada oo ay kow ogtahay, kun looma sheego.
·         Ceesaan ninkii weydiinteeda kugu dhibaa wadisteedaa lagu dhibaa.
·         Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kula talisase wax yar.
·         Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan.
·         Cimrigaaga dheeraaday, Geel dhalaayaas ku tusaa.
D
·         Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa.
·         Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan.
·         Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta.
·         Dal aqoon la'aan waa la habaabaa, dad aqoon la'aana waa la qadaa.
·         Dameeraha Adari ninkii ooda ka rogaa aroorsha.
·         Dameeri isku halayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
·         Dani waa seeto.
·         Dantaada derin karkareysana waa loogu seexdaa.
·         Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo.
·         Dantaada maqaar eybaa loogu seexdaa.
·         Dantii mooge maro duug horteeduu dhamaadaa.
·         Dantu ceeba ma lahee dadka uun baysku nacaqya.
·         Daanyeer haddiis Geed ka Soo dhici waayo laaziman laan (geed) Aas heestaa
·         Deriskii dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa.
·         dhar aadan laheeyn dhaxan kaama celiyo
·         Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa.
·         Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer.
·         Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid.
·         dheel dheel ilmo laguma dhalo ee dharkaa loo dhigtaa
·         Dheerow iyo gaabow ayaa jiree, dhuubow ma jaro.
·         Dheriga karkaa waxaa ka keena, kulayl waaye.
·         Dhidar xabaallo qoda, qudhun buu uga dhacaa.
·         Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa.
·         Doofaarka ficil la'aan baa loo cadaabaa.
·         Digaagad hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma Dhaafeeyso.
·         Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa.
·         Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga.
·         Doqontu xeerna ma hooyso, xoolana ma hooyso.
·         Duqon hadii korkiisa qoyo dadka dhan inoo qoyay mood
·         Duqsi caanuhuu ku dabaal bartaa, fuud kuuse ku gubtaa.
·         Duqsi dantiisuu qudhunka ugu jiraa.
·         duke nasiiboo ganuun cano ku helo waa leeyahay nasiib uu ku cabo maleh
·         Dukulush(dabagaale) timir gaari waayey , qaraar waaye uu dhahaa.
·         Dumar been waa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa.

E
·         Eray nimaan dhaafin oday ma dhalin.
·         Ey is cunaysaa waraabe iskama celiso.
·         Eyddin geel kolba waa ninkii ku danbeeya.
·         Ey laf diiday waa bukaa.

·         Faanoole fari kama qodna.
·         Fallaadhi gilgilasho kaagama go'do.
·         Fallaartii cirka loo ganay cid kastoy filo.
·         Far bugtaa, Faraha kale ka dheer.
·         Far keliya Fool ma dhaqdo.
·         Faras aanad lahayni, futadaaduu wax yeelaa.
·         Farsamo xumo, futada cankeeday ku goysaa.
·         Faruurow maxaa berbera ku geeyey? faduul, Faduushii ku keentay hakaa saarto.

G
·         Gacantaadu hadday dhudhub gasho, lagama dhuftee waa laga dhirindhiriyaa.
·         Gacantii aadan goyn karin, waa la shumiyaa?
·         Gadal gadaal geed looma koro.
·         Geel-jire isagooy ushu u go'antahay ayuu xaggeen ka goostaa ku yidhaa.
·         Geel soddon qaday, saddex cisho kuma dari waayo.
·         Geeli waa geel, wixii gooyaana waa geel.
·         Geeljire, geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa.
·         Geelow geed walba daaqdaye, markaad Ciin daaqdaa laguu yaabaa.
·         geeridi galbeed laga sheego gundahaaga ka eeg
·         Gar iyo geeso lo'aad kulaylkaa lagu gooyaa.
·         gar jilcan geeriyaa hoostaalo
·         God hadimo ha qodin, haddaad qodidna ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogid.
·         goos dhargay mashaariyo ma karo
·         Gudineey ima goyseen, haddaan badhkay kugu jirin.
·         Gudini geed ma goyseen, haddaan geed kale ku goyn.
·         Gurbaan( durbaan ) Garabkaaga ha kuugu jiro ama gacalkaa hakuu hayo.

H
·         Habar fadhido lagdan la fudud
·         Hadal intuu uurkaga ku jiruu ammaano yahay.
·         Hadal iyo hablaba duco la'aan bay tarmaan.
·         Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wad tegin.
·         Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday.
·         Hadal waa mergi hadba meel u jiidma.
·         Hadal yar iyo hawl badan.
·         Haddaad hungurootto waa la hadlaa, hab baa la dhisaa wax lagu helo.
·         Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacageey dhalaan.
·         Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays sheegaa.
·         Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo.
·         Hal libaax arkaysaa ma godlato.
·         Hangaraarac lug uma dhutiyo.
·         Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma leh.
·         Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma hodmo.
·         Hubsiimo hal baa la siistaa.
·         Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa.
·         Hunguri weyni kuunto ( Dabo ) weyni baa laga qaadaa.
·         Hunguri weyni, Malaay(kalluun)Saab ugu dhacay.
·         Hunnu hunnu hadal ma´aha, himbiriirsi arag ma aha.
·         Hadal intuu Afkaaga ku jiruu Amaanadaada yahay.

I
·         Illeyn doqoni qiiq kama kacdee daamankey meer meerisaa.
·         Ilmo gaadmo lagu dhalay iyo reer gaadmo ku nool isma gaadi karaan
·         Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana hufkiyo haadiskay barataa.
·         Inta Jiillaal loo adkaysto, jir ( dayday ,mooryaan ) looma adkeysto.
·         Ishaaduna waa kula fil, dhegtaaduna way kaa weyntahay.
·         Ishiisa laga gartaa, Ushiisa lagu tumaa.

K
·         Kaadi badane waa loo gogol badiyaa.
·         Kab xume ma hadho ee kabe laawaa hadha.
·         Kaftan iyo kaadi baa laysku cadaaba.
·         Kibir waa lagu kufaa.
·         kor waayeel waa wada indho
·         Kuftin jillib iyo habaar waalid midina sahal kuma hadho.


L
·         La jiifiyaana bannaan, La joojiyaana bannaan.
·         Laba layskuma daro: bidaar iyo timo, baryo iyo ad-adayg.
·         Labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa.
·         laf dhuux leh iyo dhagax leeysku helo
·         Laxi shilalkay is dhigtaa lagu qalaa.
·         Libaax intay bulbushu ku taal, bahal ma cuno.
·         Libaax lab god lagama kiciyo.
·         Libaax nimaan aqoonbaa lax ka rita.
·         Lixdan jir laguma helo qiimigaad laba jirkaa wayday.
·         Lugtii jeeni dhaaftaa way jabtaa.
·         Luuq luuq marow laasim laamigaas kusoo dhacaa.

M
·         Ma taagtaa baad guurtaa, mise taako-taako.
·         Maalinkii intay ishaada gaadhaa la hadlaa, habeenkiina inta gacantaada gaadho.
·         Madax muuqda iyo mindi saawira midna lagama samro.
·         Mar i dage alla ha dago, mar labaadse anays dagay.
·         Maroodi meeshoo ka guuraayo waa geeda gooyaa
·         Madax meel ka sarraysa oo la taabtaa ma jirto.
·         Mas iyo digaagad daris ma naqon karaan.
·         Meelaad madaxeeda tahay, manjo lama noqdo.
·         Meeshaad ku qubaysataa lagu qalalsadaa.
·         Midho geed saaran, kuwo guntiga ku jira looma qubo ( looma daadsho ).
·         Minjo dhooqo leh, marba mid baa la siibaa ama la'qadaa.
·         minankeeyga iiga bax iyo madaxeeyda isii meel loo dhaafo maleh
·         Mira daray duuduubkaa lagu liqaa.
·         misbaax minankaada u baahan yahay minan dadoow lama geeyo
·         Mukulaal( bisad )minankeedii joogtaa miciya aar bay leedahay.
·         Mulac, dilistiis isaga waw qudh gooyo, carruurtana waw ciyaar.

N
·         Naag nin ay taqaano nin ma mooddo
·         Naag godan dhalatay ama gaajo la godnayd ama cudur.
·         Naag kun baa koodisa ,kow baana guursada.
·         Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan.
·         Naago nimaan maddaxooda maja u rogin nin ma moodaan.
·         Naago wax laga bixiyey laguma dhaqo oo wax loo hayaa lagu dhaqaa.
·         Naagtii ninkeeda diiddo nin kale ay hoosta ku waddaa
·         Nimaad dhashay kuma dhalin.
·         Nimaad fadhiga kaga adagtahay looma sara kaco.
·         Nimaad kabahiisa tolayso, baa kafantaada tolaya.
·         Nimaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eegaa.
·         Nimaan dhididin ma dhergo .
·         Nimaan dhul marin dhaayo la'.
·         Nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin.
·         Nimaan shaqeysan shaah waa ka xaaraan.
·         Nimay meeli buktaa isagay balbashaa.
·         Nimaan waxa soo socdo garan waxa joogo ma garto
·         Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga jaraya.
·         Nin aan hadlin habartiisba qadisay.
·         Nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma qabato.
·         Nin hal il qabo indho la aan kaaga dhaw nin hal naag qabana naag la aan kaaga dhaw
·         Nin walbo intoo cuno ayuu ciidamiyaa
·         Ninaa taqaano yaa tahay lama dhaho
·         Nina shaarkaa ku yaraaday nina shaahoo shuban waayey
·         Ninkii dhoof ku yimid bay geeridu dhibaysaa
·         Nin ku siray wax kuu sheeg
·         Nin daad qaaday xunbo cuskey.
·         Nin dameero rartaa dad la talo ma aha.
·         Nin dhintay kabihiisaa dhaama.
·         Nin durbaan tumay ilaaq dalbay.
·         Nin Illaahay ka dambeeya kabtii ma yeela.
·         Nin iyo naag is qabaa colna ma aha nabadna ma aha.
·         Nin jiifa lama legdo.
·         Nin Jiirow (magac) walaalkii yahay, joog-joog ifka ah iyo jiif-jiif aakhiro midna looma soo rogin.
·         Ninkaa tiisa daryeelaa tu kale ku dara
·         Nin keligii garramay iyo nin dhul ganayba ma gefaan.
·         Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og.
·         Nin maalin ma gaadhid, nina sanad ma gaadhid, nina weligaaba ma gaadhid.
·         Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday.
·         Ninkii soo joog laga waayo soo jiifaa laga helaa
·         Nin wax yaqaan daaqsin geel baa wax loo mariyaa, ninaan wax aqoonna qaanso qurqurkeed.
·         Nin wayn tag lama yidhaahee wuxuu ku tagaa la tusaa.
·         Nin weyni wedkii waa yaqaan.
·         Nin weyni wedkii ma mooga
·         Nin Xamar jooga oon baabuur lahayn waa nin Nugaal jooga oon hal lahayn.
·         Nin shantaada kaa reebin sharci kaama reebo
·         Nin xil qaaday eed qaad.
·         Ninkaad adhi weydiisanayso, geel weydii.
·         Ninkii belaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa.
·         Ninkii dhimanayaa dheg baa dheer.
·         Ninkii hal ka maqan tahay haanna gacantuu galiyaa
·         Ninkii talin jiray hadduu tago, midaan talin jirin baa yimaada.
·         Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara.
·         Ninkii uurka dabana Illaah baa arka, ninkii isha dabana Aadmibaa arka.
·         Ninna caadil ma baajo, bahalna ceedhin ma daayo.

Q
·         Qooq ma jabee ninkiisaa jaba.
·         Qufac iyo uur midna ma qarsoomo
·         Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga.
·         Qalbigu laba ruux mawada qaado.
·         Qawl nin weyn ka dhacay waa qolof geed ka dhacdey.
·         Qof nool oo ku hor taagan lagama quusto.
·         Qof walba qumanihiisa ayaa qoorta ugu jira.
·         Qof waliba wuxuu dhigtuu dheeftaa.
·         Qosol badani qoonsimaad noqoy.
·         Qosol aan la isla qabin waa qaraaba goys.
·         Qufac iyo uur midna ma qarsoomo.
·         Qunyar socde qodaxi ma mudo.
·         Quud aan jirin qoryo looma gurto
R
·         Rag saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan,  iyo guddoon jilicsan.
·         Raad arooryo dib looma raaco.
·         Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha.
·         Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi.
·         Rag waa shaah dumarna waa sheeko.
·         Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.
·         Runi rag kama nixiso.
·         run iyo ilkaba waa la cadeeyaa

S
·         Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lex jeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin.
·         Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe.
·         Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.
·         Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye iyo ma haasawshe.
·         Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed iyo awr carraabintiis.
·         Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun
·         Samraa samo hela, ama Samraa sed hela.
·         Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu(daaqaduu) ka baxaa.
·         shimbirki duulduul badan madax shabeel ayuu ku dagaa
·         Shir naagood oo shan dhaafay waa shar.
·         Sir naagood lagama sal gaaro
·         Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa
T
·         Talo adigaa ku noole iyada kuguma noola
·         Tiisa daryeelaa tu kale ku daro
·         Timirtii hore ayaaba dab loo waayey
·         Tolkaa maw talisay, mase tuugtay.
·         Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xog weynaado.
·         Tuug la qabtay talo ma laha.

U
·         Ul jiiftaa ma jabto.
·         Umili ilawshiinyo dhaw.
·         Usha intay qoyan tahay ayaa la toosiyaa.
·         Ushaada nin aad ka qaadan kartaa loo dhiibtaa.
·         Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho.

W
·         Waa baahanahay bakhtiga looma cuno.
·         Waari mayside war hakaa haro.
·         Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa.
·         Wadar iyo waaxid yaa waalan.
·         Wadiiqada yari wadiiqada weyn bay kugu riddaa.
·         Wan wayn ilaa la gowraco indhihiisu cirku ma arkaan.
·         Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa.
·         Waraabe ulna lala gaari waa, orodna wax lagaga dhigi waa.
·         Wax aad baratay waa baaskaa.
·         Wax garad wax looma sheego.
·         Wax la qarshaa ama qurme ama qubte.
·         Wax rag kaa galay rako kaa gal.
·         Waxaan calaf ahayna lama cuno.
·         Waxaan ku hureeyn horaa loo qabtaa
·         Wax aanad filaneyn iyo fallaari waa kaa fuc siiyaan ( fajaciyaan).
·         Wixii lagu faqaa faruuruhuu yimaadaa.

X
·         Xargo geel ma wada xiraan.? Xadhko geel ma wada xidhaan.
·         Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan.
·         Xarago dumar xanuun ma leh.
·         Xiiso iyo xoorba way dhacaan.
·         Xog mooge xaajo waa dilaa
·         Soor quureed lama qaato.