Wednesday, December 21, 2016

Hodantinnimada Afkeenna (Qaybta 2aad)

Waxaa si wadajir ah u diyaariyay:



Cabdullaahi Cabdi Cabbaas iyo
Cawaale Xuseen Cabdi

Qaybta 2aad

Mar kale ayuu Macallinkii Abwaanadu awoodiisa halabuur si’aan aad u jeclaystay ugu muujiyey beydadkan aad ka dhadhansan karto ”Isa Seegga Hummaag” nooca loo yaqaano ee halabuuraha luxdani ku tuso iska-hor-imaadka ama kaafka iyo kala dheerida u dhexeeya laba shay tabartood ama taagtood si uu tusaale u siiyo dadka markaa dhagaysanaya. 

Waa Maroodi Cadhoole ah oo gaajooday dabadeed damcay inuu isagoon jiifka ka kicin daaqo, laacayna geed hamash ah oo caleen badani kasoo laalaado oo uu hoos galabeedkiisa jiifay.  Geedkaas oo ka baxay badhtamaha xidhkii caanka ahaa ee Way Tol’ay.  Wuxuu laxaad iyo itaal lahaa iyo wixii gaajo haysay wuu ka quustay mar qudha inuu hiigo laamihii hodanka ku ahaa caleenta curdanka ah.  Inuu sarjoogsado oo uu qummaati u gaadhana wuu ka wahsaday.  Isagoo dhareerinaya ayuu saa u jaleecay dabadeed hunguri-juqjuqay.   
 
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”geed walba in gubtaa hoos taala.”  Hangarale ay Hangaraaraca isku bah yihiin ayaa isna heeladkaa ka dhawaa waxaana sida Maroodiga haysay gaajo xun.  Geedkii uu ka quustay ninkii duurjoogta ugu shin-u-dhaladsanaa ayuu Hangaralihii hamiyey inuu laan rudho isagoo waliba axmaqnimo ku tuhmaya Maroodiga. 

Wuu hanqaloocsaday saa wuu gaadhi waayey.  War ha la i badhi-gantaalo ayuu yidhi saa wixii xammaarato aaga joogay ayaa isugu yimid oo baaciyey saa wuu gaadhi waayey.  Habas is yar qolofodhinaya oo markaa isaga la weynaa oo wuxuu arkay dhinacaa taagan, war Habas bal isku day adigu?  Habasna kac oo boodyoo inuu geedkii saro wuu ka quustay. 

Sheekada noocaa ah ee aanan cadli u samayn karin haddii aan tiraab ku gudbi is idhaahdo ayuu Macallinku afar beyd oo gaaban laakiin gabay dheer ku abtirsada kusoo gudbiyey.  Bal akhri oo yaadan fajicin balaaqada ku jirta.

- Maroodiga hurdaa geedka, uu jiifo hadhaciisa
- Hiyigiisu daaq buu jeclaa, taana hidin waaye
- Hanqaloocsay oo gaadhi waa, xiid haraadanuye
- Kaasaay Hangaralihii dhulkiyo, Habasna laaceene

Dhaqanka iyo asluubta ayuu inagu dhansiinayaa macanaha hodanka ah ee Af-Soomaaliga siduu isaguba sheegay.

Maahmaahda labaad ee khusaysa hangaraaraca waa   "Hangaraarac lug uma dhutiyo."  Hangaraarucu wuuna fudud yahay oo laf iyo jiidh midna ma laha, wuuna lugo badan yahay hase ahaatee lugahaasi aad ayey u jilicsan yihiin oo way dhib yartahay inay kolba mid ama labo ka go’do.  Lugtii dhacdaa waxay Soomaalidu ku qiyaastay inuusan waxba u noqonaynin markaa ayey maahmaahdaa kala soo baxeen.  Waxaa maahmaahdan la isticmaalaa marka qofku waxyeelo gaadhay yaraynayo si uu uga soo qaado inaan intaasi waxba yeelaynin inuu kasoo kabtana aysan waqti dheer ku qaadan doonin.

Haddaba waxba yaanan hadal kugu daalinin ee, dhaqanka Soomaaliyeed sida uuna reer guuraaga iyo miyiga uga maarmin ayuusan duurka iyo duurjoogtana uga maarmin.  Waxaan qormaddan kuugu soo bandhigaynaa magacyada haadda godanka Soomaaliyeed ku dhaqan ama ku dhaqnaan jirtay iyo geedaha ka baxa ama ka bixi jiray isla godankaas.  Waxa laga yaabaa haaddan qaarkeed inay u hijrootay dhulal kale, geedaha qaarkoodna nabaadguureen oo aysan haatan ka bixin dhulkii:

Haadda

Abooto Yaxaas
Babow
Balanboolo
Baqalyo
Bogcad
Boqonloow
Boor lab
Buli
Ciiro
Cirsankayeedh
Ciyoow
Curcuri
Daadwad
Daa'uus
Digiiran
Diridiri
Dhawdhawley
Dhigloow
Dhulwas
Durdur
Faadumo lo'ley
Fiin

La soco qaybta 3aad



Fiidmeer.
Gabiyahandhoor                           Gablay
Galaydh
Gili
Gilingil
Gorgor
Goroyo
Guumays
Guuguule
Haad Geel
Haawaycad
Haawaymadoow
Habas
Haray
Haraydhalacad
Hilaac
Horog
Tuke
Tunbuli
Uurarweyn
Himili





Hud-Hud
Huluq
Jirri
Juglay
Kabaray
Khayre
Kooragu
Kuraykanixis
Mandad
Odaygeedgal
Qanbaroow
Qolay
Qudun-quuto
Qunbulaa
Xidinxiito
Xusgal
Xuunsho
Y

No comments:

Post a Comment