Cabdirisaaq Cirro |
(Sheeko taxane ah, qaybta 2aad)
W.Q.Cabdirisaaq Ismaciil Yusuf
Caynab isaga oo isla hadlaya ayuu halkaas ka tagay, geeliisiina carraabsaday. Intii uu geela sii cawaysiminayay oo dhan waxaa kashiisa ku soo laalaabanaysay, bureeqadii uu maanta mar la kulmay, hase ahaatee aan af uga bixin. Mar wuxuu is waydiinayay indhaha Alla ka riddu miyaysan ujeedin, qaalmahaan hoor-cadka ah oo isku hiddaha ah? isla isagii ayaa haddana isu jawaabayay oo lahaa; oo iyaduba soo dhowr tiro oo tirsiisan ah lama joogto.
Mar kale wuxuu is waydiinayay; malaha arrad baa iga muuqda oo waxay igu aragtay fargaddaan qararafleyda ah, go’aan la jucuuriga ah ee duuduumay iyo kabahaan faygamuurta ah oo dayrtii hore gamashigeedii lacagtii koronkaygii ina Laalays ahaa aan ka siistay gadislaydii na dhex timid? Caynab oo taasna isaga jawaabayay ayaa yiri: Oo ma waxay rabtay inaan u ekaado kuwo magaalo-jooga ah, sigaar dhuuqa ah oo aan bidhaan adduunyo iyagoon lahayn boggoodana bog ka xigin biidka firanaya.
Muxuu arrad-tir kala maqan yahay hadday habcato oo durduurato haleeladaas dhashay danbarkeeda iyo maydhanaanka candho-talaxdaas irmaan! Maya, waysan i garanayn inaan ahay ina Kaarshe Odawaa, waxay idaysay inaan ahay madiidin xilaalyo qaata oo bilaha dago tirsada.
Caynab Kaarshe oo jilbo geel-jireynaya ayaa ugu danbayn wuxuu arrin ku gunaanaday in uu Miyir mar un la kulmo; dhaanto timidaa, tubta ceelka ka helyaa, timcad u arahdayaa, tirsiisan idaad ka dhex helyayaa, awr tibaaxdeed raadisayaa. Intaas oo dhan wuu ka sii hor mariyay in uu geela marka uu caawo dheelmayo sii mariyo guriga Miyir, si la isu waydiiyo oo loo yiraahdo “War col qaadka ariga nagaga tuntay yaa leh?” ka dibna marka la arko qaalmaha madow-bacadka ah ee baarka leh ee qalimada, mareegta iyo dacasha haaneed ku taagan tahay la garto in uu yahay kadinkii Caynab Kaarshe ee aan waligi lagu xarayn meel aan aaf cag-adayg ah ahayn looguna heesi jiray “Ugaar mooyee meel aan ari marin aafinahayow.
Cawaysin dambe ayuu ku soo beegay geeli oo dheelmataan ah Miyir oo jeex salaamoco iyo jafeeco leh oo guriga dushiisa ah ku mayracaysa arigii, isaga oo ugu heesaya geela hees howleed ay ugu badnayd “Muxuu odayaal ayra-go’an iyo abaar uga tagay oo anna isigay” iyo “Seermawaydiyo sagaalada ciriri, waa lagugu simin haddaad seegtana waa lagaa socon.
Cowrala kooreeye oo Miyir hooyadeed ahayd iyo Maka Shiiraar oo ay cidda dudo ahaayeen oo xilligaas ka yimid biyo doon ay ugu maqnaayeen reerka oo asqo ahaa, ayaa arkay geelaan baashiisu ballaaran tahay oo ku soo beegan meeshii arigu ku mayracanayay. Cowrala ayaa la soo booday “Naa Miyireey, muxuu ahaa cadho-gashayga ku soo ekaaday ariga? bal dhankaan u soo rog ariga, yuusan geelaani ku tuman doonkee.
Caynab oo maqlay habaarka ku dhacaya geeliisa, haseyeeshee aan dan u galayn, ayaa asna ugu daray habaar kale oo uu dhagta ugu shubayo Cawrala oo uu dhawaan filayo in ay sodohdi noqoto, waa Miyiri Abti-doon hooyadeede. Wuxuuna yiri isaga oo ku magac qabsanaya hal uu ku idayo in ay ka mid tahay halaha caaradka ah “Casaan .. Casaan… afarta naasba lagu goo….” Caynab oo ay habeenkaas la tahay in uusan ilduufin, madaxana u ruxaya howshii uu sameeyay ayaa golihii geeliisa gaaray.
Intuu geelii ku waabiyay xerada dusheeda ayuu labo dogob madaxa isu galiyay, cabaar marka uu joogana si uu habar dugaag oo dhan ugu sheego in uusan geelo cidla ahayn uuna dhiifoon yahay ka dhex yiri “Wuuuuw” Habeenkaas geela haruub lama galin, xidid iyo xigaalana dhiil looma qaadin. Haseyeeshee waxaas oo dhan wax uma arkayn marba haddii ay caawo Miyir iyo reerkoodii hadal hayaan aniga iyo kadinkayga, barri haddaan arkana ay i dhahayso markaan salaamo “Nabad intaan ognahay”.
La soco qaybta 3aad
Sharaxa ereyada ku jira sheekada:
Biid = da’yar dhaqamo cusub qaadatay.
Mayracasho = daaqa xoolaha ee habeenkii ah.
Asqo = oon raagay.
Ilduuf = meeshii loogu talagalay lala seegay.
Faygamuur = kabo ka samaysnaa maqaar oo aad u qiimo badnaa xilligoodii.
No comments:
Post a Comment