Wednesday, December 21, 2016

Farriiin

Saciido Xasaan Axmed

Dhamman Wareiyeyaasha Soomaaliyeed

Waxaa i soo gaartay farriin i damqisay oo nooga timid Saciido Xasan Axmed oo ka mid ahaan jirtay shaqaalaha Telefiishinka Qaranka. Saciido waxay dhibaato ku haysataa dalkaas xeryaha qaxootiga eeYemen oo ay hore ugu qaxday iyada iyo carruurteeda, waxaana iminka taas u wehliya iyadoo ku dhaawacantay dagaallada halkaas ka socda.

Waxaa si toos ah iila soo xiriiray Maxamed Koronto oo ah wariye u soo warrama idaacadda Ergo, wuxuuna iiga warramay xaalladdeeda isagoo ii sheegay iney aad u dhibaateysan tahay dhan walba, isbitaalkana ay ku jirto. Wuxuu intaas iigu daray in wiilasheedii mid ka mid ahna uu isaguna dhaawan yahay.

Saciido Xasaan Axmed waxay ka mid ahayd shaqaalihii ugu horreeyay ee tababarka farsamda ee TVga loogu diro dalka Suuriya, waxayna Tvga qaranka ka soo shaqeysay ilaa iyo 1991kii oo ay Sciido dalka ka haajirto. Maryan Cali Aayato oo iyaduna ka mid ah shaqaalaha raadiyo Muqdisho iyo Tvga ilaa iyo iminkana ka shaqeysa, saaxiib dhowna ay ahaayeen Saciido ayaa iiga warrantay xilligii warkeeda ugu dambeeyay, waxayna dhab ahaantii iiga sheekeysay dhibaatada isu raacday gabdhaas iyo xataa hanti ay Xamar ku lahayd sida ay ku wayday. Waxay Maryan Cali ii sheegtay inuu wiil ay dhashay Saciido uu mar yimid Xamar ka dibna uu gaday gurigoodii, nasiibdarrose lacagtii looga iibsaday in laga dhacay wuxuuna halkaas ka tagay isagoo faramaran.

Si kastaba, qof kastoo ka mid ah warbaahinta  Soomaaliyeed meel kastuu ka shaqeeyo dal iyo debadba waxaa looga baahan yahay in degdeg loo caawiyo gabadhaas. Saciido oo dhaawacyo ka qabta caloosha iyo cunaha waxaa dhib ku ah hadalka, waxaase wixii farrriin ah iyo xiriirkeedaba waxaad ka heleysaan wariey Maxamed Koronto oo u soo warrama idaacadda Ergo oo isagu jooga dalka Yaman teleefoonkan kala xiriira: +967770253823


Cabdulqaadir Maxamed Mursal

No comments:

Post a Comment