Weyddiin:
Sabriye Muuse
Cabdalla Cumar Mansuur waxan leeyahay waad dadaasheen adiga iyo
raggii kale ee far Soomaaliga iyo naxwaha af Soomaaliga qoray, laakiin ma
aydnaan dhigin af Soomaali, waana shaqo qabyo ah. Waxa dhiman oo aan laga
fekerin, amaba aan iraahdo laga fekeray, hase yeeshee aan la dhaqan-gelin in af
Soomaaliga salka loo dhigo oo erayada qaab-qoraal dadka oo dhan ka dhaxayn kara
oo sal-dhigan loo yeelo. Tusaale: Waxay doonaysaa lacag.waxay, waxey, waxeey, wexey, wexeey,
Qof walbaa sida uu rabo ayuu u qoraa. Waxa la
doonayaa erayo "Standard" ah oo warbaahinta iyo qoraallada rasmiga ah
ee dowladda, dugsiyada, iyo Jaamacadaha lagu adeegsado.
Waa middaas sababta aan u leeyahay af Soomaaliga waa la qoray ee lama dhigin.
Waa middaas sababta aan u leeyahay af Soomaaliga waa la qoray ee lama dhigin.
Jawaab:
72dii far uun baa la soo saaray. Soomaalidu in ka badan 10 lahjadood oo kale duwan ayay leedahay, haseyeeshee,
laba uun baa hab qorista ku soo hartay, taasina waa tallaabo weyn ee tilmaan u
ah midaynta af Soomaaliga. Labadaasina waxaa afka faranjiga lagu yiraahdaa
“variant”, oo ah wax af walba leh, sida: xidhiidh & xiriir; shiikh &
sheekh iwm.
Qaab qoraalka af Soomaaliga,
18kii sano ee hore, intiisi badnayd waa midoobay, qaar aan weli midoobinna way
jiraan, sida qorista magaca afka hooyo: Af Soomaali, Af-Soomaali, Af-soomaali,
af Soomaali. Inta hartayna, markii la helo hay’ad dowladeed ee hagta arrima
afkan, ayaa aayar aayar u midoobi doonaan, hadduu Alle idmo.
Burburka kaddib, markii ay meesha
ka baxeen hay’adihii dowladeed ee u xilsaarnaa, ayaa hab qoristii ninba sidii
ay la noqotay u qoray, sida: waxey waxeey wexey wexeey, dadkaas waxaa ka mid
ah:
Dhallinyaro aan af Soomaaliga wax
ku baran, oo adeegsiga internet iyo telefonka ay ka barteen qorista af
Soomaaliga.
Kuwa caadifad lahjadeed baa laga
yaabaa in ay ku kalliftay khilaafka
Intaa waxaa sii dheer, aqoonyahanno isku dayay in ay wax ka saxaan hab qoristii hore ee la caadaystay, badankooduna ilama ah in ay soo saareen wax af Soomaaliga mideeya ama hormariya.
Intaa waxaa sii dheer, aqoonyahanno isku dayay in ay wax ka saxaan hab qoristii hore ee la caadaystay, badankooduna ilama ah in ay soo saareen wax af Soomaaliga mideeya ama hormariya.
Kala duwanaanshaha qoraalka waxaa sal u ahaan lahayd barashada HIGAADDA waxaan la qabaa Proff mansuur arrinta ah in ay jiraan aqoonyahan xilli aan haboonayn yiri wax baan saxayaa, tan kale ee jirta ee caadifadda qabiil ayaa ah mid aad u weyn, Dadka u shaqeeya afka waxaan ku biirin lahaa in lagu dadaalo sidii loo hireling lahaa HIGAADDA iyo meelaha xuruufta ay ka soo baxdo.
ReplyDeleteMahadsanidiin
Mahadsanid Abshir, waana ku faraxsanahay sida aad noola wadaagtay qodobkan.
Delete