Sunday, March 19, 2017

Sarbeebta Afsoomaaliga

Waa maxay Sarbeebta Afsoomaaliga? Haddii aad dhegeysaato wareysigan uu Prof. Waasuge uu la yeeshay Maxamed Warsame Hiraabe waxaad ku ogaan doontaa waxa ay tahay Sarbeed.

Wednesday, December 21, 2016

Afsoomaaligu waa qaali

Waa cashar dheer oo aan ku barandoonno jawaabaha su`aalaha hoos ku qoran ee tobanka ah.

1-     Soomaaligu ma yahay af qaali ah?
2-     Xaggee asal ahaan ka soo jeedaa Af-Soomaaligu?
3-     Maxay tahay sugaan?
4-     Immisaa ayuu u  qaybsamaa Af-Soomaaligu?
5-     Immisaa ayey u qabsantaa Maansadu?
6-     Immisaa ayey u qaybsantaa heestu?
7-     Ma taqaan qaybaha maansada?
8-     Yaa tiryey geeraarka- Kanna siib kaana saar?
9-     Goormaa la tiriyey?
10-  Maxaa loo tiriyey?


Afka Soomaalidu waa af ballaaran, erayadiisuna badan yihiin si loo fiiriyaba hadal iyo hawraar, maanso iyo maahmaah, gabay iyo geeraar, masaal iyo madaddaalo, hees iyo hello, sheeko iyo qorriin iyo qun-u-hadal, gees loo dayaba waa af hodan ah ee Eebbe Weyne u yeelay murti bad ah iyo miro macaan ka buuxaan , nuxur, qoto dheeri iyo xigmadina u sii dheer yihiin.

Haddaad eegto af Soomaaliga qaayihiisa, iyo qaabkiisa suugaanta waxaad ogaanaysaa inuu yahay af aad u da'weyn, soona maray taariikh dheer sida Laatiinka, Carabiga iwm. Soomaaliga waxaa looga hadlaa Geeska Afrika, wuxuuna ka mid yahay: Afafka reer Kuush( Cush the son of Ham of Noah).

Dadka af Soomaaliga ku hadlaa waxay ku dhaqan yihiiin deegaan aad u baaxad weyn ee u dhexeeya gacanka Tojorra iyo webiga Taana ee waqooyiga Kenya. Haddii aan si gaar ah u soo qaadanno waxaa af Soomaaliga si gaar ah looga hadlaa Soomaaliya, qayb ka mid ah Jibuti ( weliba inta badan), Itoobiya iyo Kenya. Dadkaas ku hadlana waxaa loo yaqaannaa Soomaali.

Tirada saxda ah ee dadka ku hadla af Soomaaliga lama sheegi karo, waxaase lagu qiyaasay 10-16 milyan, Qoraal ay soo saartay golaha qaxootiga ayaa lagu sheegay in tirade af Somaaliga ku hadashaa ay tahay 7 milyan oo Soomaali ah, hal milyan oo Soomaali galbeed ah iyo 300 kun oo  ka tirsan dalka Kenya. 

Qiyaaso kale oo cirqi ahaan loo soo saaray ayaa waxay iyaduna sheegeysaa in qiyaasta dadka Af Soomaaliga ku hadlaa 7.78 milyan ilaa 8 milyan.Waxaa iyana tirokoobyo laga soo saaray tirade guud ee Soomaalida o lagu sheegay ilaa 9 milyan. Waxaa lagu sheegaa dadka Soomaalidu iney yihiin dad guurguura, haddana ay ugu sii darsantay kala irdhow, sidaas darteed waxaa dhib badan in la helo tirakoob sax ah, hase ahaatee inta loo badan yahay waa 10-16 milyan.

Af Soomaaligu wuxuu ereyo badan ka soo ergaday afka Carabiga oo ilaa muddadi uu soo galay Islaamku waddanka Soomaaliya oo ahayd waqti aad u fog xiriirkoodu uu soo korayay markii laga eego dhinacyo badan sida Diinta, ganacsiga iyo isdhexgalka. Sidaas si la mid ahna waxaa jira ereyo kale oo ereg ahaan uga soo galay afafka Ingiriiska iyo Taliyaaniga oo iyagu dalka Soomaaliya gumeysan jiray.

In wax laga qoro, lana baaro af Somaaligu waxay bilaabantay sanadkii 1900, waxaana la soo saaray qoraallo isku dayaya in afka Soomaaliga loo yeelo summad amaba qoraal. Run ahaantii waxay ahayd isku day muhiim ah oo ay dad aqoonyahano ah isku dayayeen in tallaabadaas ay qaadaan.

FAAAFIDDA IYO BAAHSANAANTA AFKA SOOMAALIGA

Afka Soomaaliga oo lagaga hadlo sida badan dalka Soomaaliya gudihiisa, Bariga Itoobiya, Jibuuti iyo Kenya, ayaa waxaa iminka lagu soo daray meelo badan ee dunidaa inuu gaaray af Soomaaliga, taasoo kentay qaxotiga faraha badan ee Soomaalida ee meelo badan ee dunida ka mid ah degay, sida Bariga Dhexe, Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo Awstraliya.


LAHJADAHA AF SOMAALIGA

Dad badan ayaa waxaa jira isku khalda afafaka iyo lahjadaha, taasina waxaa badanaa keenta aqoonta loo leeyahay waa maxa AF iyo waa maxay LAHJAD. Taas waxaa lagu ogaan karaa o keliya qofka oo barta cilmiga afafka si uu u kala saaro af iyo lahjad. Af Soomaaligu waxay culimada ku xeel dheer cilmi afeedka u kala saareen sidan: Qaar waxay ku soo koobeen oo keliya inuu leeyahay af  Soomaaliga labo lahjadood oo kala ah MAY iyo MAXAA TIRI. Qaar  kalena waxay ku sheegeen ilaa saddex qaybood, waxayna kala yihiin, WAQOOYI, BANAADIR IYO MAY.

Waqooyiga Somaaliya ama  waqooyi – Bartamaha Somaaliya ayaa isagana ah mid guud oo ay dadka badidii ku hadlaan oo ah mid dadka u dhexeeya. Banaadir ayaa iyaduna ah dhul xeebeed, waxana lagu hadlaa Banaadiriga, iyadoo sida badan looga halo inta u dhexeysa xeebta Cadale ilaa Baraawe ayna ku jirto magaalada Muqdisho. Lahjadahaas reer xeebeedka waxay leeyihiin dhawaaqyo aanan ka jirin guud ahaan Soomaalida.

Waxaa iyana ka jira dalka Soomaaliya luqado kale oo aanan ahayn af Soomaaliga sida :
Jiiddo, Dabarre, Garre iyo Tunni. Markii haddaba la eego dhammaan luqadahaasi luqadda keliya ee dadka af Soomaaliga ku hadlaa ayan fahmmi Karin waa midda Jiiddada.

TAARIIKHDA QORAALKA FAR-SOOMAALIGA

Inkastoo af Soomaaliga ay ku hadlaan dad tiradaas leh ee ku baahsan dhulka baaxadaas leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaaliyeed ku dhaqmaan wuxuu yeeshay 1972 dii. Muddadii intaas ka horreysay qoraallada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xiriiri jireen wuxuu ahaa luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga.

Si arrintaas loo xalliyo waxaa la isku dayey inay wax ka qabtaan aqoonyahanno Soomaali iyo ajinebi isugu jira. Tusaale ahaan, sannadkii 1961 dii waxaa la soo hor bandhigey Guddiga Luuqadaha (Linguistic Commission) 18 nooc oo Af Soomaaliga loo qori karo (scripts). 11 farahaas ka mid ah waxay ka mid ahaayeen faro cusub oo ay aqoonyahanno Soomaaliyeed allifeen, toddobada soo hadhayna 4 ka mid ahi waxay adeegsadeen farta Carabiga, halka ay 3 da kale ku salleysnaayeen qoraalka laatiinka.

Muddadii ka horreysay 1972dii oo ahayd markii xukuumadda Soomaaliyeed soo saartey go’aankii qoraalka la aqoonsan yahay ee af Soomaaliga waxay aqoonyahannada dersa af Soomaaliga ka dhex alloosnaa dood aad u kulul oo ku aaddaneyd nooca qoraalka loo aqoonsanayo af Soomaaliga. 

Run ahaantii, dhibaatada taallay ee marnaba suurto gelin weyday in la helo go’aan la isku raacsan yahay waxay ahayd fikirka iyo aragtiyada ay qeybaha bulshaddu ka qabeen arrinkaas oo aad u kala fogaa. Aqoonyahannada hormuudka ka ahaa fikradahaas kala duwan waxaa ka mid ahaa: Yaasiin Cismaan Kenediid, Shire Jaamac Axmed, Ibraahim Xaashi Maxamuud, Xuseen Sheekh Axmed Kadare iyo qaar kale oo badan. Sidaas daraadeed, waxaa aynu odhan karnaa dadaal ma yareyn, laakiin waxaa jirtey dood la soo af jari kari waayey.

Waxaa iyana intaas dheeraa sababo kale oo dhawr ah oo loo aaneyn karo qoraal la`aanta haysatay af Soomaaliga, kuwasoo ay ka mid ahaayeen xukuumadihii gumeysiga ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga. Waxaa iyana taas barbar socday iyana dadweynaha Soomaaliyeed oo u arkayey in la isticmaalo far aan ahayn tan Carabiga inay diinta Islaamka lid ku tahay. Tusaale ahaan, wax yar ka hor dagaalkii 2aad ee adduunka waxay waaxda waxbarashada ee maxmiyadda Ingiriiska ee ka jirtey gobollada waqooyi isku dayday inay hirgeliso qoraal farta Soomaaliga ah oo ku saleysan xuruufta laatiinka. Waxay taasi dhalisey in kacdoon ballaadhan uu ka dhaco magaalada Burco, halkaas oo dhagax lagu dili gaadhey labadii sarkaal oo ka tirsanaa waaxda waxbarashada, dadkuna waxayku dhawaaqayeen erayada ah “Laatiin waa Laa Diin”, taas oo macnaheedu yahay “Laatiin waa diin la’aan.”

Waxaa dagaallo aad u kulul iskaga hor yimid shacab weynihii mudaharaadka dhigayey iyo ciidamadii booliiska ama amniga. Taas oo dhalisay in dib looga noqdo mashruucaas isaga ah. Waxaa mudan iyadana in la xuso sababaha dib u dhigay in la soo saaro qoraal afka Soomaaligu leeyhaya af Soomaaliga isticmaalka luuqadda Carabiga oo Soomaalidu
aad ugu adeegsan jirtey dhinacyo badan oo ku aaddan adeegyada bulshadda iyo arrimaha ijtimaacdiga ah, sida arrimaha shareecada, ganacsiga iwm. Waxayna dadku aad kalsooni ugu qabeen iney wax walba ku dhameystaan dhinaca shareecada Islaamka ummadduna ay sidaas aamineen, muddo dheerna ay ku soo dhaqnaayeen.


MARXALADIHII QORAALKA SOOMAALIGA

Qoraalka Soomaaligu wuxuu soo maray marxalado kala duwan iyo faro badan xilligii gumeysiga, inkastoo ay dadka qaar isticmaali jireen.1961kii ayaa dawladdii Rayidka ahayd u saartay guddi ka soo baaraan dega farta ku habboon qoraalka farta Soomaaliga, waxaana guddiga la soo hordhigay 11 farood oo luqadda Soomaaliga lagu qori kar oo ay aqoonyanno Soomaaliyeed allifeen . Guddiga loo saaray arrintan waxay soo bandhigeen 17 qodob ama shuruudood oo lagu qiimeeyo far kasta oo la soo hordhigo.

Faraha la soo hordhigay guddigaasna waxaa ka mid ahaa:


1-        Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifay Osmaan Yuusuf Keenidiid 1920, waxaana qoraalkaas loo yaqaan Osmaaniya waxaana loogu magacdaray ninkii allifay.
2-        Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifay Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur 1933 oo loo yaqaanno Gada Buursi, waxaana loogu magacdaray qooyskii uu ka dhashay.
3-        Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifay Xuseen Sheekh Axmed Kadare 1952 oo iyana loo yaqaan fartii Kadariye, waxaana loogu magacdaray ninkii allifay oo Kadare lagu naanayso..

Guddigii luqadda ee 1965 waxay ogaadeen in qaadashada farta laatiinku  aysan carruurta horay dugsiyada ugu bartay afka Ingiriiska ama Taliyaaniga wax dhib ah kala kulmayn. Run ahaantii barashada farta laatiinka ee ay carruurtu afkooda ku bartaan waxay marka danbe u sahlaysaa iney bartaan luqado kale oo ajnabi ah. Ugu dambeyntii waxay guddigaas ku caddeeyeen in marka farta laatiinku ku habboon tahay in loo isticmaalo afka Soomaalilga.

Afka Soomaaigu wuxuu leeyahay ee loo qaatay iney noqdaan xuruufta loo isticmaalyo qoraalkiisa 21 Xaraf oo ah: B, T, J, X, KH, D, R, S, SH, DH, C, G, F, Q, K, L, M, N, W, H, Y, Iyadoo loo bilaabay qaabka alif ka ya`da lagu magacaabo ee la dhaxlay xuruufta Carbeed.

Wuxuu leeyahay af Soomaaliga xuruuf lagu magacaabo Shibbanayaal oo 7 ah, waxayna kala yihiin b, d, r, g, l, m, n .

Tusaale

b – Abbaanduul,         d – Addoonsi  r – Carruur      g – Oggol        l- Dhallinyaro 
m – Ammaano                        n - Hannoolaato         

Waxaa iyaguna kaalin muhiim ah ka qaata higaadda iyo qoraalka farta Soomaaliga Shaqallada oo iyagu isku xira farta, oo haddii aad meel u baahnayd shaqal dheer ka dhigtid mid gaaban laga yaabo inuu ka yimaad macna kale oo aan ahayn kii loogu talagaly, waxayna shaqalladu yihiin sidan:


Shaqallada gaagaaban                      Shaqallada Dhaadheer

 a         bad                                          aa        shaar 
 e         dheg                                        ee         meel  
 i          il                                              ii          liin  
 o         onkod                                                 oo        roob 
 u         ukun                                       uu        buug 

QAYBAHA AF-SOOMAALIGU U KALA BAXO

Af-Soomaaligu wuxuu u kala baxaa laba qaybood oo ah Hadal iyo Murti:
1. Hadal waa erayada qayaxan oo aan taxnayn, jiib iyo luuq midna aan lahayn,warkana laysugu tebiyo. 

2. Murtiyina waa erayo taxan ,xarafraac/qaafiyad leh, habdhac/jaangooyo leh, deelqaaf iyo laaxinna aan lahayn, warkana laysugu tebiyo.

Murtidu waxay u kala baxdaa laba qaybood sida: Maanso iyo Hees.
Heesku wuxuu u kala baxaa laba badood ee waaweyn, sida: Hees hawleed iyo Hees cayaareed oo haddii la sii falanqeeyo mid waliba noqonayso bad aan laga bixi Karin ama geed laamo badan leh oo aan la tiring Karin caleentiisa.Tusaale:-

·      Hees hawleed,waxaa ah tan xoolaha loogu heeso marka la wado ama la shubahayo, tan carruurta lagu seexiyo, tan roobka lagu wacaysto, iwm.
·       Hees cayaareed, waxaa ka mid ah, kuwa sacabka, jaanta iyo shanqaraha wata, tan muusikada loo garaaco/afuufo, haanta ama durbaanka loo tumo oo dhammaantood looga jeedo, farax, madaddaalo, maaweelo iyo iwm.

Maansadu waxay u kala baxdaa toddoba (7) qaybood oo kala duwan, kuwaasoo kala ah:

1. Gabay, 2. Geeraar, 3. Masafo, 4. Jiifto, 5. Wiglo, 6. Guurow, 7. Iyo Buraanbur.
Toddobadaas qaybood oo maansadu u kala baxdo waxaa calanka u sida gabayga. Siday isugu xigaan bayna u kala qaaya weynyihiin. Sidaas waxaa u qoray abwaanno badan ee suugaanta wax ka qoray, meelo ay ku kala duwanaayeenna waa jireen, hase yeeshee Somaalidu waxay ku maahmaahdaa biyo meel godan bay isugu tagaan, sidaas darteed sidii ugu saxsanayd ee la isku wada raacay.

Guud ahaan Af Soomaaligu murtida iyo macaanka waa ka siman yahay, gabayguna waa ugu horreeyaa, waana ugu tix dheer yahay, waxaana la moodaa inuu ugu hanaqaadsanyahay, uguna tixo xoog weyn yahay, asagoo waliba run ahaantii ka hawl badan kuwa ka tixo gaagaaban sida geeraarka, jiiftada iyo masafada iwm. Sidaan horay soo u sheegay toddobada qaybood ee maansada midiba waa ka madax bannaan tahay kuwa kale dhigaal ahaan iyo luuq ahaanba.

Xeerka maansada qofka kasta waa baran karaa, laakiinse qof kasta gabyaa ama geeraarshe ma noqon karo,maxaa yeelay dareenka maansoodku waa aqoon dheeraad ah ee maanso yahanka Eebbahay qalbigiisa geliyey. Kuwa tiriya maansada laftoodu waa kala heli og yihiin hogogga maansada, erayada arartooda iyo dulucdoodana waa kala heli og yihiin.
La arkee in laba nin oo gabyaa ah ninba tab kaga wacan yahay saaxiibkiisa kale, oo ninba tabtiisa uu kan kale kaga horreeyo.
Meelaha laga maansoodo waxaa ka mid ah kuwaan hoos ku qoran:

Ammaan, Calaacal, Cay, Digasho, Diradiro, Faan, Guubaabo, Halxiraale, Kuhaan, Waanada, Kaftan, Xigmadda

Tusaale Gabay
Waa inay dalaysnaataa maansadu(Gabay ama Geeraar), sidii Cali Dhuuxba uga afeeftay deelqaafka markuu hooriskiisii Deelleydii Guba ku yiri: 
Afartaa sidii deleb la riday maysu daba joojey,
Da'dii aan ka qaadiyo miyaan deelkii ka habowshey,
Ma daleeyey deelqaafku waa kaa dilaa gabaye.
Maxaa lagu kala gartaa maansada bilicdasan iyo tan hoosaysa?


·    Maansada bilicdasani, deelqaaf ma leh, habdhaceedu waa sugan yahay, dhihitaankeeda waa la qaban ogyahay, waana xiiso badan yahay, waana qaab xariiro lagu raaxaysto, ee boqol tixood hadduu yahay iyo haddii kaleba dareenkaaga soo jiita ee aad qaban karaysid.
·      Ka hooseeya wuxuu liddi ku yahay kan kor ku xusan. Lama jeclaysan karo waayo oraahdiisu ma qumana xallad iyo xiisana ma leh.

KAANA SIIB KANNA SAAR

Geerarkan caanka ah waxaa tiriye abwaankii caanka ahaa ee Cabdulaahi Suldaan Timacade, habeenkii calan saarka ee laga xoreebay gumaysigii reer yurub ee mudo aad u tiro badan dadka soomaaliyeed gumeysanayey:


Anigoo sebi uun ahoo
Sita leeb iyo qaansoo
Siigaduun isku aasoo
Sabo reer ka fogaanoon
Laygu aaminin soofkiyo
Saaca maanta aan joogno
Gabaygu waygu sugnaayee
Haddii aan Sarsarriigo
Ama aan surmaseejo
Amaba aan sixi waayo
Ama aan ka salguuro
Amaba laygu saluugo
Soomaalida i maqlaysaay
I su'aala hadhow
Ilaahaan waxba seegine
Subaciisa Quraankiyo
Sabbaxooyin ku sheegayow
Saciira iyo naciima
Rabbiigii kala seerayow
Markay suurtu dhawaaqdo e
La soo saaro makhluuqa e
Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo
Dembigaannu samaynay
Rabbigayow naga saamax
Subciyay oo ka dukeeyaye
Ka siddeetan sebaaney
Calankaannu sugaynaye
Sahankiisa ahaynow

Seermaweydo hillaacdayow
Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow
Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow
Samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib Kanna saar

Saahidiinta lslaamka e
Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo haweenku
Calankay Saadinayeenow
Cidina kaanay na Siine
Saatir noogu yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar
Sallaankii istiqaalkow
Sedadu kay ku xidhnaydow
Sayruukhii Afrikaadow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

San-ku-neefle dhammaantii
Khalqiga kii u sinnaayeen
Mid saaxiib la ahayne
Sangalkii iska diidayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

Soomaloo iscunaysa oo
Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu cabbaystiyo
Hadba soof la xabbaadhiyo
Saraayaa dami weydey
Kii laydhiisu na saaqdayow


Kii sadqeeyey qabaa'ile
Isu saaray gacmaa ee
Saf walaala ka yeelayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

In sidayda tihiin iyo
In kalaanan saxaynine
Soomaloo calan taagta
Saakay noogu horraysa oo
Saddex wiig iyo maalmo
Haddaan Soor cuni waayo
Safrad laygama yaaboo
Sarina mayso naftayda e
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar 



Waa macluumaad waxbarasho ee laysku soo ururiyay ee fadlan magacaaga ha ku qoranin intaad koobiyeyso.

Maxaan ka qaban karnaa qaladaadka higgaadda?

Qaybta 1aad


Prof, Cabdalla
Qaladaadka higgaaddu, inta badan, waxay ku yimaadaan feejignaan yarida xagga qoraha.
Waxyaabaha arriintaas looga gudbi karo waxaa ka mid ah in la raaco laba arrimood oo aan Soomaalidu u ahayn caado: 1)  Qofka marka uu wax qorayo waxaa loo baahan yahay in mar ama laba jeer, uu si foojigan dib ugu akhriyo qoraalkiisa. 2) In la barto lana caadaysto adeegsiga qaamuuska, gaar ahaanna marka la diyarinayo qoraal rasmi ah.

Runtii, ma jiro cid si ilduuf ah ama si kale aan qalad uga dhacayn (ma gafe waa AIlaah),  laakiin dadaal baa loo bahan yahay. Waxaan halkan tusaale ahaan u soo qaadanaynaa qoraal uu nin qoraa ah, oo qaddarin iga mudan, af Soomaaligiisuna heer sare yahay iyo wixii uu ka ilduufay in aad ila aragtaan. 

1) Ereyada ama xarfaha casaanka ahi waa kuwa uu ka ilduufay qoraaga.  2) Ereyada aan ku asteeyay xiddigta (*) ma waafaqsan xeerka adeegsiga xarfaha waaweyn “capital letters”. Sida aan ka wada warqabno, xarfaha waaweyn waxaa loo adeegsadaa xarafka billaowga ah: a) ereyga lagu billaabo qoraalka; b) ; joogsiga kaddib ereyga lagu billaabo qorista ; c) ereyada cinwaannada; d) ereyga hore ee qof hadalkiisa ka mida ah, sida: ...waxay tiri: “Ma garan”; e) magacyada gaarka ah (Cali, Afrika, UK ..)iwm.

Prof. C. C. Mansuur marka hore waan ku *Salaamaya (salaamayaa), marka xiga waxa aan aad u soo dhaweynayaa sida weyn oo aad iskugu mashquulisay arrintan iyada ah, oo aan filayo in *Dad badan ay ka *Faa’iddi (faa'idi) karayaan, *Ustaad Mansuur intaasi ka dib waxa aan ahay *Qoraa' ku xeel dheer *Wacyi galinta arrimaha *Bulshada, waxa aan aadka u *Jeclahay ayaa waxa ay tahay, in *Wax badan ay *Bulshada ka bartaan qaab qoraalka *Farta Soomaaliga oo la wada moodaba in *Farta Soomaaliga sida la doono loo qoran karayo!

Sidaasi darteed ayaa waxa loo baahan yahay, in xoogga la saaro *Khaladaadka jira sidii loo hagaajin lahaa, aniga gaar ahaan waxa aan aruuriyay *Khaladaad jira oo *Dadka inta badan aysan u arkin *Wax *Khalad ah, aniga oo *Tusaale ka raadinin meel kale, WARGALINTAN (wargelin) Kor ku *Xusan ayaa u qoran qaab sidii la rabay aan aheyn! 
Kolleyba aniga Wargalinta (wargelinta) sidan ayaan u qori laha:- WARGELIN:-

Dhammaan Asxaabta ku tixan Casharrada Brof (Prof.) Cabdulle[1] (Cabdalla) Cumar Marsuur, oo aadkana u daneyneya *Casharradda Qoraalka iyo Naxwaha Af Somaaliga ayaa waxa kale oo ay ka daalacan karaan bogga aan ugu talagalnay oo *Cinwaankiisu yahay Horumarinta Afka Soomaaliga adiga oo gujinaya link-igan (AF-SOOMAALIGA.BLOGSPOT.COM) si * Casharradu ay u keydsamaan *Qofki rabana in markaasi uu la socdo uusan uga kala lumin.
Fadlan wixii faallo ama Su`aal ah, boggaasi ayaad ku dhaafi kartaa.




[1] Nidaamka ku habboon in loo qoro magacyada gaarka ah, dib baan uga faalloon doonnaa, hadduu Alle idmo.

Hodantinnimada Afkeenna (Qaybta 1aad)

Waxaa si wadajir ah u diyaariyay:


Cabdullaahi Cabdi Cabbaas iyo
Cawaale Xuseen Cabdi

Qaybta 1aad

Maqaalkan waxaad ku arkidoontaan waxyaabo kaa yaabiya oo laga yaabo inaadan weligaa u maleyseen Afsoomaali. Waxaad ku baran doontaan xayawaanka duurjoogta ah iyo nimcoolayda, haadda samadaa kore heehaabta, iyo dhamaan bii’ada inteeda kale.

Waxaa dhaqanka ummad walba qeyb libaax ka ciyaara deegaanka iyo qaabka uu u rakiban yahay, xayawaanka duurjoogta ah iyo nimcoolayda, haadda samadaa kore heehaabta, iyo dhamaan bii’ada inteeda kale.  Muddo gaaban ka hor, dhulka Soomaaliyeed wuxuu hoy u ahaa xayawaan iyo haad aad u tiro badan oo isagu jira nooc walba oo ku noolaan kara duruufaha geyiga Soomaaliyeed. 

Maroodi ilaa Hangaraarac inta u dhaxaysa noocii la doonaba wuxuu ahaa hortaa ka gal.  Maahmaahaha, gabayada, dhaantada, heesaha, googaalaysiga, caraatanka iyo noocyo badan oo kale oo murti, madadaalo, iyo maamuus dhaqameed kale leh ayaa lagu qotomiyaa bii’ada iyo noolaha la falgala.

Tusaale ahaan bal Maroodiga iyo Hangaraaraca aan xusnay aan midba maahmaah macno weyn oo ka mid ah kuwa ugu caansan maahmaahaha Soomaaliyeed ka soo qaadano.  Waxay yidhaahdaan ”Maroodigu takarta saaran ma arkee ka kale ta saaran buu arkaa.”  Waxay Soomaalidu maahmaahdaa isticmaashaa marka nin ceebtiisu dacyaal tahay uu qof kale mid ka muuqata farta ku fiiqo.  Maroodi iyo takar bal farqiga u dhaxeeya day!  Bal eeg cibbaarada ku dheehan maahmaahda iyo xikmadda Af-Soomaaligu leeyahay ee laga dheegan karo

Abwaan Cabdullaahi Macallin Dhoodaan waa kii isagoo maahmaahdaa qalbiga ku haya gabayga mariyey beydkan aan is idhi beyd la miisaan ah gabayga hor iyo dib toona wuu ku yaryahay.  Intuu maahmaahdii dhinaca kale u rogay ayuu yidhi isagoo Xamarna takar kasoo qaaday, Soomaali Galbeedna maroodi kasoo qaaday:

Takartaa maroodiga liqday yaan, soo tuf leeyahayee

Waa Beyd takhayulka iyo gundheerida ku jirtaa caajis galiso maskaxda beyd-gaabka, damac iyo jamashana ku riddo maskaxda hal-abuurka yaqaana gabayga iyo godadkiisa. 

Xusuuso in abwaanka maahirka ahi mar walba arki og yahay beydka qotada dheer isla marka uu arkana uu qiro macnaha beydka siddii Sayid Maxamed Cabdille Xasanba u jantay beydkii laga soo wariyey Nuur Jiir Ibraahin ee ahaa:

Feedhaha miyaan uga qablamay, siddii libaax qoodh ah


Waxaa  la wariyey in Sayid Maxamed yidhi haddii Nuur Jiir maanta noolaan lahaa, oo intuusan odhan beydkaa fursad aan kaga gato heli lahaa 100 halaad iyo baarqabkoodii iyo 100 farasba waan u huri lahaa.  Ha layaabin gacan furnaanta Sayidka maxaa yeelay deeqsi wuxuu ahaa gacantiisa bidix aanay ogaanin waxa ta midig bixinayso siduu isaguba isu sifeeyey; wax walba waw huraayaa ninkii, ii walaal noqone.   Wuxuu kaloo ahaa siyaasi hal-murtiyeedka oo dhan in loo tiiriyo isagana laga wariyo jeclaa.

La soco qaybta 2aad

Hodantinnimada Afkeenna (Qaybta 2aad)

Waxaa si wadajir ah u diyaariyay:



Cabdullaahi Cabdi Cabbaas iyo
Cawaale Xuseen Cabdi

Qaybta 2aad

Mar kale ayuu Macallinkii Abwaanadu awoodiisa halabuur si’aan aad u jeclaystay ugu muujiyey beydadkan aad ka dhadhansan karto ”Isa Seegga Hummaag” nooca loo yaqaano ee halabuuraha luxdani ku tuso iska-hor-imaadka ama kaafka iyo kala dheerida u dhexeeya laba shay tabartood ama taagtood si uu tusaale u siiyo dadka markaa dhagaysanaya. 

Waa Maroodi Cadhoole ah oo gaajooday dabadeed damcay inuu isagoon jiifka ka kicin daaqo, laacayna geed hamash ah oo caleen badani kasoo laalaado oo uu hoos galabeedkiisa jiifay.  Geedkaas oo ka baxay badhtamaha xidhkii caanka ahaa ee Way Tol’ay.  Wuxuu laxaad iyo itaal lahaa iyo wixii gaajo haysay wuu ka quustay mar qudha inuu hiigo laamihii hodanka ku ahaa caleenta curdanka ah.  Inuu sarjoogsado oo uu qummaati u gaadhana wuu ka wahsaday.  Isagoo dhareerinaya ayuu saa u jaleecay dabadeed hunguri-juqjuqay.   
 
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”geed walba in gubtaa hoos taala.”  Hangarale ay Hangaraaraca isku bah yihiin ayaa isna heeladkaa ka dhawaa waxaana sida Maroodiga haysay gaajo xun.  Geedkii uu ka quustay ninkii duurjoogta ugu shin-u-dhaladsanaa ayuu Hangaralihii hamiyey inuu laan rudho isagoo waliba axmaqnimo ku tuhmaya Maroodiga. 

Wuu hanqaloocsaday saa wuu gaadhi waayey.  War ha la i badhi-gantaalo ayuu yidhi saa wixii xammaarato aaga joogay ayaa isugu yimid oo baaciyey saa wuu gaadhi waayey.  Habas is yar qolofodhinaya oo markaa isaga la weynaa oo wuxuu arkay dhinacaa taagan, war Habas bal isku day adigu?  Habasna kac oo boodyoo inuu geedkii saro wuu ka quustay. 

Sheekada noocaa ah ee aanan cadli u samayn karin haddii aan tiraab ku gudbi is idhaahdo ayuu Macallinku afar beyd oo gaaban laakiin gabay dheer ku abtirsada kusoo gudbiyey.  Bal akhri oo yaadan fajicin balaaqada ku jirta.

- Maroodiga hurdaa geedka, uu jiifo hadhaciisa
- Hiyigiisu daaq buu jeclaa, taana hidin waaye
- Hanqaloocsay oo gaadhi waa, xiid haraadanuye
- Kaasaay Hangaralihii dhulkiyo, Habasna laaceene

Dhaqanka iyo asluubta ayuu inagu dhansiinayaa macanaha hodanka ah ee Af-Soomaaliga siduu isaguba sheegay.

Maahmaahda labaad ee khusaysa hangaraaraca waa   "Hangaraarac lug uma dhutiyo."  Hangaraarucu wuuna fudud yahay oo laf iyo jiidh midna ma laha, wuuna lugo badan yahay hase ahaatee lugahaasi aad ayey u jilicsan yihiin oo way dhib yartahay inay kolba mid ama labo ka go’do.  Lugtii dhacdaa waxay Soomaalidu ku qiyaastay inuusan waxba u noqonaynin markaa ayey maahmaahdaa kala soo baxeen.  Waxaa maahmaahdan la isticmaalaa marka qofku waxyeelo gaadhay yaraynayo si uu uga soo qaado inaan intaasi waxba yeelaynin inuu kasoo kabtana aysan waqti dheer ku qaadan doonin.

Haddaba waxba yaanan hadal kugu daalinin ee, dhaqanka Soomaaliyeed sida uuna reer guuraaga iyo miyiga uga maarmin ayuusan duurka iyo duurjoogtana uga maarmin.  Waxaan qormaddan kuugu soo bandhigaynaa magacyada haadda godanka Soomaaliyeed ku dhaqan ama ku dhaqnaan jirtay iyo geedaha ka baxa ama ka bixi jiray isla godankaas.  Waxa laga yaabaa haaddan qaarkeed inay u hijrootay dhulal kale, geedaha qaarkoodna nabaadguureen oo aysan haatan ka bixin dhulkii:

Haadda

Abooto Yaxaas
Babow
Balanboolo
Baqalyo
Bogcad
Boqonloow
Boor lab
Buli
Ciiro
Cirsankayeedh
Ciyoow
Curcuri
Daadwad
Daa'uus
Digiiran
Diridiri
Dhawdhawley
Dhigloow
Dhulwas
Durdur
Faadumo lo'ley
Fiin

La soco qaybta 3aad



Fiidmeer.
Gabiyahandhoor                           Gablay
Galaydh
Gili
Gilingil
Gorgor
Goroyo
Guumays
Guuguule
Haad Geel
Haawaycad
Haawaymadoow
Habas
Haray
Haraydhalacad
Hilaac
Horog
Tuke
Tunbuli
Uurarweyn
Himili





Hud-Hud
Huluq
Jirri
Juglay
Kabaray
Khayre
Kooragu
Kuraykanixis
Mandad
Odaygeedgal
Qanbaroow
Qolay
Qudun-quuto
Qunbulaa
Xidinxiito
Xusgal
Xuunsho
Y

Hodantinnimada Afkeenna (Qaybta 3aad)

Waxaa si wadajir ah u diyaariyay:


Cabdullaahi Cabdi Cabbaas iyo
Cawaale Xuseen Cabdi

Qaybta 3aad

Waxaa jirta odhaah Soomaaliyeed oo tidhaahda qofkaasi ama waxaasi waa ama wuxuu noqday ”haad geed waayey.”  Haaddu markay samadda ku daasho goorada ugu horaysa ee ay cagodhigato si ay u xuurtirato waxaa weeye geed korkii.  Haddii haaddu geed weydo in kasta oo ay dhulka degi karto haddana waxaa la qiyaasay inaysan si fiican u nasan karin, maxaa yeelay cadowgeeda ayaa si dhib yar uga il-heli kara oo si gaadmo ah u kala goyn kara. 

Markiise ay geedka fiintiisa kore kasoo cakoodiso Malakumawt waa halkiisee waxay u badan tahay inaan si kadiso ah loo dhagrin.  Qofkii ay talo ku ciirto, arxan iyo ciirsibana waaya, inta baddanna lagu tuhmayo in isagu saa isagu wacan yahay ayaa waxaa la yidhaahdaa wuxuu noqday haad geed waayey. 

Xikmadda Macallinka ayeynu ku iidaamanaynaa qoraalka ee isagoo dhiirigalinaya Soomaali, dhaqan xumo badan oo faaftayna la diriraya waa kii gabaygiisa cajiibka ah ee Xulub Socod la baxay ku lahaa:

- Xirfad iyo garaad kii isbiday, ee xornimo gaadhey
- Xeebaha dhulkiisiyo ma baran, geed xanjaala ah
- Xukunna maa la ii dhiibto buu, xuuxda la hayaaye
- Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
- Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe!


Haddaba si aynu haadda u dajino, ninkaa xirfadda iyo garaadka is biday, xeebihii dhulkiisa iyo geedihiisiina aan kala aqoonin hasse yeeshee inuu taliyo oo wax xukumo uun doonaya aynaan ugu sifoobin bal aynu geedihii intii aan ka xusuusano taxno barshadoodana waqti ku bixino:  


Geedaha


Ashacad
Argeeg
Askax
Baar
Baaxuur
Babaay
Badhi-booto
Bal
Balanbaal
Barde
Barkin Dhurwaa
Baxar Saaf
Beeru u eke
Beeyo
Biile
Bilcil
Bisiq
Booco
Booga Dhaye
Bugle
Buhood
Bun
Cadaad
Caday
Cagaar
Canbe
Canjeel
Carmo
Cayo
Ciid
Ciin
Cilal
Dacar
Dal
Damanyuluq
Dano
Dareemo
Dhafaruur
Dhagmaanyo
Dhamas
Dhammaajo
Dharkayn
Dhay
Dhebi
Dheen
Dhidin
Dhigri
Dhiigsaar
Dhikil
Dhirindhir
Dhunkaal
Dhurbo
Dhuundhas
Dhuur
Dhuuse  ure
Dhuyac
Digir


Dixi
Doofaarqod
Doonbir
Duur
Faramog
Gaad
Gabaldaye
Gabro
Gacandhi
Gahaydh
Galiile
Galool
Gasaangas
Gawlale
Garawle
Geed Harag
Geed-hindi
Gob
Gogobe
Gomashe
Goosay
Gubtaanyo
Gumar
Gumre
Hadi
Handhurwaa
Hareeri
Higlo
Himir
Hohob
Ilgeesh
Ilko Caddeeye
Iriir
Jadeer
Jaad
Jaleefan
Jaleelo
Jarmi
Jeerin
Jiic
Jillab
Kabxan
Kariir
Labi
Liin
Liin dhanaan
Like
Maadh
Madaxbuq
Madheedh
Madheedh Qoox
Majabe
Malmal
Mandooye
Maraa
Marmar


Mawe
Mayay
Maxaansugaa
May Subag
Maygaag
Midhafur
Mirdhis
Mirimiri
Moos
Ontor
Qabo
Qadow
Qalaanqal
Qalfoon
Qansax
Qarari
Qare
Qare Dameeraad
Qaydar
Qudhac
Qundho
Raqay
Ridhmo
Sabansabdho
Salaalmaco
Sarin
Sarmaan
Sarmaanyo
Siiq
Tawaad
Timir
Tincad
Tiin
Tukelalmis
Uneexo
Urundhi
Wacanri
Wadhi
Washaaqaar
Xagar
Xajiin
Xamakoow
Xamudh
Xangeeyo
Xankookib
Xaskul
Ximre
Xoday
Xule
Xumboox
Yaanyo
Yaaq
Yamaarug
Yicib
Yucub
La soco qaybta 4aad