Monday, October 10, 2016

Qoraalka iyo Hadalka

.

WEYDIIMAHA IYO JAWAABAHA  EE AFKA IYO QORAALKA SOOMAALIGA


Prof.  Cabdalla Cumar Mansuur

Wixii su`aal ah ee  ku saabsab afka iyo qoraalka Soomaaliga u soo gudbi Ustaad Cabdalla Cumar Mansuur si uu kaagaga jawaabo. Waxaan aad ugu mahadnaqayaa Ustaad Cabdalla oo go`aansaday inuu ugu deeqo dhalliyarada Soomaaliyeed iyo waayeelkuba aqoontiisa sare ee cilmiga afafka. Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa kuwii ugu horreeyay oo Ustaadka u soo gudbiyay weydiimahooda. (Cabdulqaadir Maxamed Mursal)


Weyddiimahii Facebook-ga:

1)      Weyddiintii Sabriye Musse

Professor Cabdalla Mansuur waxan leeyahay waad dadaasheen adiga iyo raggii kale ee Far Soomaaliga iyo naxwaha Af Soomaaliga qoray, laakiin ma aydnaan dhigin Af Soomaali, waana shaqo qabyo ah. Waxa dhiman oo aan laga fekerin, amaba aan iraahdo laga fekeray, hase yeeshee aan la dhaqan-gelin in Af Soomaaliga salka loo dhigo oo erayada qaab-qoraal dadka oo dhan ka dhaxayn kara oo sal-dhigan loo yeelo. Tusaale: Waxay doonaysaa lacag.
waxay, waxey, waxeey, wexey, wexeey,
Qof walbaa sida uu rabo ayuu u qoraa. Waxa la doonayaa erayo "Standard" ah oo warbaahinta iyo qoraallada rasmiga ah ee dowladda, dugsiyada, iyo Jaamacadaha lagu adeegsado.
Waa middaas sababta aan u leeyahay Af Soomaaliga waa la qoray ee lama dhigin.

Jawaab:
a)      Fadlan yaan laysku qaldin far iyo lahjad. 72dii far uun baa la soo saaray.
b)      Soomaalidu in ka badan 10 lahjadood oo kale duwan ayay leedahay, haseyeeshee, laba uun baa hab qorista ku soo hartay, taasina waa tallaabo weyn ee tilmaan u ah midaynta af Soomaaliga. Labadaasina waxaa afka faranjiga lagu yiraahdaa “variant”, oo ah wax af walba leh, sida: xidhiidh & xiriir; shiikh & sheekh iwm.
c)      Qaab qoraalka af Soomaaliga, 18kii sano ee hore, intiisi badnayd waa midoobay, qaar aan weli midoobinna way jiraan, sida qorista magaca afka hooyo: Af Soomaali, Af-Soomaali, Af-soomaali, af Soomaali. Inta hartayna, markii la helo hay’ad dowladeed ee hagta arrima afkan, ayaa aayar aayar u midoobi doonaan, hadduu Alle idmo.
d)      Burburka kaddib, markii ay meesha ka baxeen hay’adihii dowladeed ee u xilsaarnaa, ayaa hab qoristii ninba sidii ay la noqotay u qoray, sida: waxey waxeey wexey wexeey, dadkaas waxaa ka mid ah:
      Dhallinyaro aan af Soomaaliga wax ku baran, oo adeegsiga internet iyo telefonka ay ka barteen qorista af Soomaaliga.
      Kuwa caadifad  lahjadeed baa laga yaabaa in ay ku kalliftay khilaafka
Intaa waxaa sii dheer, aqoonyahanno isku dayay in ay wax ka saxaan hab qoristii hore ee la caadaystay, badankooduna ilama ah in ay soo saareen wax af Soomaaliga mideeya ama hormariya.

2)      Weyddiintii Ibraahim-Hawd Yuusuf

Macallin Mansuur wax uu qabaa fikrad ah: Afka ha loo qoro sida u gu fudud ee dadku akhriyi karaan dhigaal ahaan, oo yaan la gu mashquulin naxwaha iyo sarfiga erayga asalka u ah. Taas anigu ku ma raacsani oo waxaan qabaa erayga haddii naxwaha iyo sarfiga uu abuur ahaan ka samaysan yahay la ilaalin waayo in afkuba burburayo oo asalguurayo. Masaladan khilaafkeedu wax uu aad u soo baxaa sida erayada qoristooda la isugu dardaro ama loo ka la jarjaro. Maanta haddaba macallinka aan wayddiiyo afar qodob oo aan u aqaan labada horgale iyo labada dibgale in erayga la raaciyo iyo in la ga jaro ta isaga la qumman. Labada horgale waa IN iyo IS ("ISbarasho", "IN aad qorto"). Labada kalena waa SE iyo NA ("wax aan SE", "aniguNA").
Jawaab:
Inkastoo hadalkaygu uusan ahayn sida aad u dhigtay, waxaan isku dayayaa in aan raaco aragtidaada asalraaca ah. Tus.: ereyadan “gabadhaha, loo, igu, heshey” haddii aan raaco asalkooda naxweed waa inaan u qoraa sidatan: gabdho+ka = gabdhoka; waa la u diray; kalkaa i ku sug! heltay.  
a)      Adeegsiga labadada qurub (in & is) 2 siyoodba waa loo adeegsan karaa: inaan/in aan; iskaashiga (magac), way is xilqaameen (fal). Laakiin xiriirayaasha –na (adna) iyo –se (guriguse) naxwe ahaan, iima cadda  wax dad ku kallifaya in la beddelo habkii hore ee la caadaystay.    
b)      Bal suugaantana aan ka wardoonno, tixdan oo tiriyay Ina Cabdulle Xasan
Xayow Faarax hadal rag waa loo xutubiyaa (la+u)
Nin xishood leh baan ahay haddaan lays xisdiyahayne (baa+aan, haddii+aan, la+is),
………..
Adna xaashi baad iila timid xaakin soo qoraye (adigu+na, baa+aad, i+u+la)
Haddaba, waxaan ku talin lahaa in sida la caadaystay loo qoro ereyada inta cod ahaan isku lifaaqan, sida suugaantaba ay uga dhex muuqdaan. Bal ka warran, haddii baydka ugu dambeeyay ereyadaasi aan kala dhigdhigno: Adigu na xaashi baa aad i u la timid xaakin soo qoraye!!
Laga yaabaa in wax qalad ah ay iga fakadeen, ha layga raalli ahaado.

“Alkamaalo lillaah, wabillaahi towfiiq”
Prof. Cabdalla C. Mansuur

2 comments:

  1. WARGELIN
    Dhamaan asxaabta ku taxan, aadna u daneyneysa casharrada qoraalka iyo naxwaha af Soomaaliga ee Prof Cabdalla Cumar Mansuur waxay kaloo ka daalacan karaan bogga aan ugu talagalnay ee cinwaankiisu yahay Horuumarinta Afkasoomaalga adigoo gujinaya linkigan (AF-SOOMAALIGA.BLOGSPOT.COM) si ay casharradu u keydsamaan oo ayan uga kala lumin qofkii raba inuu la socdado. Fadlan wixii faallo amaba su`aal ahna bo baaggaas ku dhaafi kartaa.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Prof. C. C. Mansuur marka hore waan ku Salaamaya, marka xiga waxa aan aad u soo dhaweynaya sida weyn oo aad iskugu masquulisay arintan iyada ah, oo aan filayo in Dad badan ay ka Faa'iddi karayaan, Ustaad Mansuur intaasi ka dib waxa aan ahay Qora' ku xeel dheer Wacyi galinta arimaha Bulshada, waxa aan aadka u Jeclahay ayaa waxa ay tahay, in Wax badan ay Bulshada ka bartaan qaab qoraalka Farta Somaaliga oo la wada moodaba in Farta Somaaliga sida la doono loo qoran karayo!

      Sidaasi darteed ayaa waxa loo baahan yahay, in xooga la saaro Khaladaadka jira sidi loo hagaajin laha, aniga gaar ahaan waxa aan aruuriyay Khaladaad jira oo Dadka inta badan aysan u arkin Wax Khalad ah, aniga oo Tusaale ka raadinin meel kale, WARGALINTAN Kor ku Xusan ayaa u qoran qaab sidi la rabay aan aheyn!
      Koleyba aniga Wargalinta sidan ayaan u qori laha:-

      WARGELIN:-
      Dhamaan Asxaabta ku tixan Casharada Brof. Cabdulle Cumar Marsuur, oo aadkana u daneyneya Casharadda Qoraalka iyo Naxwaha Af Somaaliga ayaa waxa kale oo ay ka daalacan karaan bogga aan ugu talagalnay oo Cinwaankiisu yahay Horumarinta Afka Soomaalga adiga oo gujinaya link-gan (AF-SOOMAALIGA.BLOGSPOT.COM) si Casharradu ay u keydsamaan Qofki rabana in markaasi uu la socdo uusan uga kala lumin.
      Fadlan wixi faalo ama Su`aal ah, boggaasi ayaad ku dhaafi karta.
      MAHADSANIDIIN,

      WABILLAAHI TOWFIIQ...

      Delete