W. Q. Prof. Cabdalla Cumar Mansuur
Waxyaabaha aan rajaynayo in aan halkan isku dhaafsanno waxay ahaan doonaan,
hadduu Alle idmo, sida horayba laydin ku soo wargeliyay, in aan isdhaafsanno
macluumaad guud oo ku saabsan farta iyo naxwaha af Soomaaliga. Haseyeshe, qofka
doonaya in uu sameeyo cilmibaaris afeed wuxuu u baahanyahay inuu daalacdo
qoraallada faraha badan ee laga qoray naxwaha af Soomaaliga, laga soo billaabo
1849 ilaa maanta, oo ku qoran: af Ingiriiska, af Talyaaniga, af Jarmalka iyo af
Fransiiska, laakiin fahamka qoraalladaas badankood
way ku adkaanayaan qofka hadduusan wax ka aqoon culuunta adeegsiga
cilmi-afeedka (linguistc).
Cilmi-afeedku waa aqoon cilmibaariseed oo ballaaran, oo ka kooban maadooyin
fara badan sida: cilmiga
codadka (codaynta), sarfaha, dhismaha weerta, micnaha ereyada, taariikhda afka iwm. Waa duruus ka mid ah kuwa
laga barto jaamacadaha, gaar ahaan kulliyadaha afafka.
Haddii aan si kale oo fudud u niraahno, afka lagu hadlo waxaan
ku matali karnaa baabuur/ gaari, qofka ku hadlana waa shufeerka baabuurka, cilmi-afeedyahankuna waa makaanikaha baabuurka, kaaso gabal gabal u yaqaan
wax kastoo uu ka kooban yahay baabuurka iyo wax waxtarkoodu.
Haddaba, haddaadan makaanika ahayn, noqo shufeer daryeela baabuurkiisa.
F.G. Labada erey, baabuur iyo gaari, waa
ereyo asalkoodi hore ka soo kala jeeda af Fransiiska iyo af Hindiga. Sidaas ay
tahay, labadooduba waxay maanta ka mid yihiin ereyada Qaamuuska Soomaaliyeed.
Waad mahadsan tahay Prof, ustaad Cabdalla Cumar Mansuur.
ReplyDeleteTusaalle yaashan oo kale wax badan bey inoo tareysaa in la badiyo.