Sunday, October 9, 2016

Fursad Qaali ah


Saaxiibbayaal waxaan halkan idinkugu soo gudbinayaa fursad aad u qiimo badan oo aan filaayo iney saaxiibbaday iyo dhamaan inta jecelba ay soo wada tiigsan doonaan. Fursaddaas waxay tahay inuu Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo ah caalim ku xeel dheer cilmi afeedka gaar ahaanna afka iyo qoraalka Soomaaliga ahna macallinkeygii jaamcaddda inuu jecelyahay inuu nala wadaago aqoontiisa sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta bulshada ee uu ku leeayahay sidan:

ASCWW.

Prof. Cabdalla Curmar Mansuur
Dhammaan inta danaynayso ama jecel in ay u hiilliso af Soomaaliga ayaan jeclahay in aan la wadaago doodaha la xiriira toosinta iyo horumarinta habqoraalka iyo naxwaha af Soomaaliga.
Hadda kaddibna halkan ayaan iskala soconaynaa.
Wabillaahi towfiiq.




4 comments:

  1. As-Ustaad Cabdulqaadir Maxamed Mursal iyo Professor Cabdalla Cumar Mansuur, labadaba, waan salaamayaa. Waa laba nin oo qaddarin iyo qiimo mudan.

    Professor Cabdalla Mansuur waxan leeyahay waad dadaasheen adiga iyo raggii kale ee Far Soomaaliga iyo naxwaha Af Soomaaliga qoray, laakiin ma aydnaan dhigin Af Soomaali, waana shaqo qabyo ah.

    Waxa dhiman oo aan laga fekerin, amaba aan iraahdo laga fekeray, hase yeeshee aan la dhaqan-gelin in Af Soomaaliga salka loo dhigo oo erayada qaab-qoraal dadka oo dhan ka dhaxayn kara oo sal-dhigan loo yeelo.

    Tusaale:
    Waxay doonaysaa lacag.

    Waxay
    Waxey
    Waxeey
    Wexey
    Wexeey

    Qof walbaa sida uu rabo ayuu u qoraa.

    Waxa la doonayaa erayo "Standard" ah oo warbaahinta iyo qoraallada rasmiga ah ee dowladda, dugsiyada, iyo Jaamacadaha lagu adeegsado.

    Waa middaas sababta aan u leeyahay Af Soomaaliga waa la qoray ee lama dhigin.

    Mahadsanidiin.

    Sabriye Musse
    sabkaxaaji@hotmail.com
    Muqdisho, Soomaaliya


    #

    Waxaan doonayaa inaan ogaado qof soomaaliyeed oo ku takhasusay cilmiga archilogy oo laga waraysan karo dalka soomaaaliya

    Mohamed Aden Hersi (Terra) London

    ReplyDelete
  2. Errayada qaarkood waad Ku wareereysaa.

    Anniga kan hore Ayaan qaadan lahaa. Waayo, kuwa kale micno yaal kale ayey bixinayaan in kastoo la iiga horeeyo abbla ableynta afafka.

    Nahadsanidiin

    ReplyDelete
  3. Errayada qaarkood waad Ku wareereysaa.

    Anniga kan hore Ayaan qaadan lahaa. Waayo, kuwa kale micno yaal kale ayey bixinayaan in kastoo la iiga horeeyo abbla ableynta afafka.

    Nahadsanidiin

    ReplyDelete
  4. waan soo dhaweyneynaa, waana u diyaargaroobeynnaa inaan arday noqonno oo aan xambaarno cilmigaas dabadeedna aan u gudbinno jiilka soo koraya

    ReplyDelete