Wednesday, January 4, 2017

Midab aan la doorin iyo quruxi hablihii hore u d`aa

Quruxdii dumarkii Soomaaliyeed ee qarniyo hore iyo siday u ilaalin jireen wajigooda, qiimaha uu lahaa iyo caafimadka uu haystay.


W.Q Amina Maxamed
Holistic therapist & skin specialist

Dumarkan ayaa ahaa kuwo cuna cuntooyin ay ka helaan nafaqo kala duwan jidhkoodu, sida shuurada, digirta iyo caanaha, oo dhammaantood jidhka u fiican. Dumakan ayaa ahaa kuwo marsada waxyaabo ay ka mid yihiin: Huruuda, cusburka, labeenta caanaha, shunburada, timirta, burcadka iyo qasalka.

Dumarkan ayaa ahaa kuwo waqti qudha wax mariya wajigooda, waqtigaasoo ah markay tagayaan meel sida aroosyada ama iyaga la aroosayo.

Dumarkan ayaa qabay fikir ah hadii jidhka mar walba wax la mariyo inuu dheeha sare ka qaadmayo. Hadii aad u fiirsado fikirkaa ay qabeen waQtigaa aanay haysan daryeel badan ama aanu waqtigu u saamixin qurux dabiici ah, lakabka sare ee jidhka kaasoo loo yaqaano (Epidermis) wa jidhka haddii ay dhibato soo gaadho unugyada ka hooseeya, ka bacdi uu wajiga dumarku ka xumado ama wax kasoo bax baxaan.

Dumarkan ayaa ahaa kuwo qurux kala midaba leh, se gabadh kastana midbkeedu lafta ka dhalaali jiray, waxayna ahaayeen  kuwa aanay ku soo degdeign waxyabaha hadda ku soo degdega dumarka manta sida : (wrinkles ama ageing skin) gabowga  maqaarka wajiga .

Dumarkan ayaa ah dumar jidhkoodu caafimad qabo ama aad arki kartid iyagoo gaboobay, jidhka wajigooda oo wali is haysta oo aan xoog u jilcin, dhibatana waligood soo gaadin finan iyo wax kale toona. Dumarkan ayaa ahaa kuwo leh midabbo kala duwan:  casaan, maarriin, marriin dhalaal xiga, iyo madoow.

Waxaan aan had iyo jeer eega ama u fiirsada dadka gaboobay wajigooda, malin maalmaha ka mid ayaan  suaal waydiiyay islaan aad wayn,  islaantan ayaa ah mid aan lahayn haba yaraatee wax loo yaqaano (wrinkles), ama waji layn layn leh oo soo dhac dhaca. Arrintan ayaa iga yaabisay, waxaan ku idhi hooyo maxad marsan jirtay markaad yarayd ama hadaba, waxay iigu jawabtay Liindhanaan, timir, iyo qasil. Se hada qurbahan waxan marsada badhar, jidhkeedan ayaa ah mid caafimad qaba laftana ka dhalaalay!

Haddaba, habloow ma is waydiiseen markaad gaadhaan xiligan wajigiinnu noocuu noqon doonaa?
Hablaha manta jooga horta waa isku wada midab qudha, waxaad mooddaa inuu dabar go`ay midabkii Soomaliyeed, marriin iyo madoow. Haddaba, isku wada midab ha la ahaadee dhibaato intee le`egna way soo gaadhaysaa jidhkan?

Runtii farqiga u dhexeeya quruxdaa hore iyo ta manta waxa weeye, dhibaatooyinka ku dhaca dumarka manta jooga wajigooda sida: jidh wax diidaya (sensitive skin) finan cas-casaan ah, kuwo madmadoow ah (red spots, acne iyo blackheads) jidhkaa dumarkaa hore intan  mid may lahaan jirin, kaliya waxay laahaan jireen haaro markay uurka leeyihiin ku dhaca, kuwaaso markay dhalaana burcadkoodu ka gooyn jiray.

Dumarkan manta jooga runtii kama fakaraan aayaha jidhka danbe, halka ay kuwaa hore aad u ilaalin jireen ayaha jidhka wajigooda.

Habloow haddaba , waxa fiican in aynu is waydiinno, dhibatadan badan ee dumarka wajiga kaga dhacaysaa maxaa sababaya?  Waxyabaha aan kor ku soo sheegay oo dhan baa ka mas`uula, dhibtani waxay ka imanaysa unugyada jidhka ka hooseeya markay dhibato soo gaadho, ayaa jeermis dhalanaya kaasana u soo booday dibadda wajiga.

Waxaan qabaa haddii  la iska daayo waxan la marinyo jidh caafimaad qaba, ama waqti  yar maraya, in aanay dhibaato u timaaddeen wajiga.

Hablaha dhallinyarta ah ee wadankii  jooga  waxan kula dardaarmaya intii aan waxba marsan inay fadlan iska ilaaliyaan waxa la marsanayo waliba ay ku jiraan wax loo yaqaano (mercury liquid: Diana cream,dermovate and Fasco herbal), walalo waxa jirta xili jidhkiinnu fitiimiin soo daayo oo aad ka helaysaan qurux dabiiciya oo ah tii Alle idiin abuuray, haddii aad cuntaan cuntooyinka khudaarta ah.

Waxan la marsanayo waxa jirta da’ loogu tala galay inuu qofku isku yareeyo ama isku qurxiyo se marka ay marsadaan hablo soo kacaya, ma ogtihiin inaad jidhkiinna duullaan ku tihiin, waliba aad dhibaato soo gaadhsiinaysaan unugyada difaaca jidhkiinna?

Waxaad mooddaa midabadeenii kala duwanaa inay madheen, ama anay jirinba dad kala duwan wajigoodu, runtiina qurux maaha midabka cad ee dadkii wada yeesheen, quruxdu wa jidhka caafimaad qaba ee dhalaalkiisana wata, hablihii markay dambas iyo casaan wada noqdaaan quruxi ka tagtay dumarkii Somaaliyeed?

Waxaa fiican in laga hortago oo hablaha soo kacaya loo sameeyo wacyi galin si loo soo celiyo quruxdii hore ee qiimaha u lahayd jidhka dumarka.

La soco qaybta 2aad

Amina Mohamed
Holistic therapist & skin specialist
tipstechniquesskin@hotmail.com

Tuesday, January 3, 2017

Naxwaha Afsoomaaliga Casharka 11aad

5.4 Qurub weereedyo kala duwan

Weeraha lagu magacaabo: weer caddayn (declarative sentence), weer
weyddiimeed, weer amar, weer shardiiley iyo weer talo (obtative sentence)
waxay leeyihiin qurubyo kala duwan oo muujinayaan kala duwanaanta
hababka (mood) falalka.
Waa kuwan, qurubyada ugu muhimsan (waa, ma, ha, sow, y-) iyo
tusaalooyinkooda:

a. weero caddayn


qurubka
qaab faleedka
w. caddayn
waa
sugaa
w. weyddiimeed
ma
sugaa
w. amar
--------------
sug (ke)/ suga (w)
w. shardiiley
waa
sugi lahaa
w. talo
ha
sugo



qurub
q. diidmo
q. faleed
w. caddayn
 --- -------------
ma
sugo
w. weyddiimeed
sow
ma
sugo
w. amar
ha
 ---
sugin/suginina
w. shardiiley
-----------------
ma
sugeen
w. talo
yaanu
---
sugin

La soco : Hogatuska isrogrogga falalka

A.      Falalka dibkabayaasha leh

Isrogrogga – I CUN

AMAR MASDAR

 Diyaarintii: Prof. Cabdalla Cumar Mansuur & Profs. Annarita  Puglielli.



Monday, January 2, 2017

Beera Timirta ee Barookhle, Carmo - Puntland

               
               Beera Timirta ee Barookhle, Carmo - Puntland
                                                      Cadnaan Garjeex

Beeraha Timirta Coomaayo - Baargaal, Puntland

                
                               Beeraha Timirta Coomaayo - Baargaal, Puntland
                                                          Daawad Media

Daawo halka ugu quruxda badan Soomaaliya (Goobwayn)

               
                             Daawo quruxda Goobwayn 
                                       (Qarri Jiqood)

Somalia is Rich Country

                                          

Somalia is Rich Country
 Somalo-Turkish HD

Somalia | Natural Resources Lack Technological Support

          
          Somalia | Natural Resources Lack Technological 
              Support | Educational Documentary Films

Beeraha iyo Barwaaqada Shabeellaha Hoose

                        

                                  Soomaaliya, waddada isku fillaanshaha ee cunto soo-saarista.
                                                                     (Abdulwali Salah)


Daawo Degmada Jamaame

                       

                               Degmada Jamaame (Cabdi Yare)

Daawo Beeraha Jannaale

                       

                             Daawo Beeraha Jannaale  26 02 2015
                                             (SomaliSwiss Media)

Daawo Quruxda iyo Beeraha Sisinta ee Gobolka Mudug.

                   
                       Daawo Beeraha Sisinta ee Gobolka Mudug.
                                                (Tigey Daljoog)

Daawo: Barwaaqada, quruxda iyo beeraha ee goobaha dalxiiska Laag

                                      Barwaaqada, quruxda beeraha iyo goobaha dalxiiska Laag
                        Sawire : Cali Ducaale

Deegaanka Calmadow ee Gobalka Sanaag

                  
                 Daawo Deegaanka Calmadow ee Gobalka Sanaag. 
                                     Sawire: Cali Ducale

Hordhaca bogga Saxaafadda

بسم الله الرحمن الرحيم
Taariikhda Saxaafadda Soomaaliyeeyd

C,M,Mursal
Wax badan ayaan ku hamminayay inaan mar uun bilaabo meel kayd u noqota taariikhda wariyaha Soomaaliyeed xilli kastaa ha joogee. Kaddib markii ay dad badan oo Soomaaliyeed oo waayo-arag ah ay igu dhiirrigeliyeen in la helo, lana ururiyo taariikhda wariyaha Soomaaliyeed oo aan maanta lahayn wax raad ayuu maanta Alle ii suurtageliyay inuu i waafajiyay inaan abuuro boggan cusub ee ururindoona kana warrami doona taariikhda wariyaha shalay iyo maanta.

Waxaan ka dheregsannahay iney wariyeyaasha Soomaaliyeed kuwoodii  hore ay wax badan ku soo kordhiyeen guud ahaan warbaahinta Soomaaliyeed, haddii ay noqon lahayd ereybixinnada cusub ee Afsoomaaliga, asluubka iyo qaabka hawlaha wariyaha laga doonayo haddii ay idaacad, telefiishan ama wargeysyo.

Haddii Alle idmo waxaan bloggan ku uruindoonnaa dhammaan wariyeyaasha ku shaqeeya xirfadaha kala geddisan sida: Kuwa ka shaqeeya qoraallada iyo wargeysyada, wakaaladaha wararka, idaacadaha, sawir-qaadayaasha nooc kasta ay yihiin, websityada oo ka mid ah xirfadaha teknooloojiyada cusub.

Waxaad ka heli doontaan taariikhda qaaliga ah ee wariyeyaasheennii hore kuwooda geeriyooday iyo kuwooda noolba. Waxaa kaloo uu bloggan wuxuu kaloo fursad u noqon doonaa wariyaha dhallintayar ee u baahan gacan-qabasho iyo tilmaan si uu uga faaiideysto wariiyeyaashii waayaha soo joogay ee weli qaarkood xirfaddii ku jira, qaarka kalena iyagoo hawlgab ah doonaya in wax laga dhegeysto.
Wariyuhu wuxuu boggan ka baran dooaa casharro waxtar u ah xirfaddiisa kuwaasoo salka ku haya sida maanta warbaahintu u hormartay una shaqeyso, waxaan taas igala qaybqaadan doona aqoonyahanno, wariyeyaal ruugcaddaa ah ee Soomaali iyo dadyow kaleba ah.

Waxaan dhamaan xirfadleyda mehnaddan iyo kuwa jecelba ka codsanayaa iney ii soo diraan wax kastoo macaluumaad ah iyo sawirro ah si aan halkan ugu qoro uguna kaydiyo.  Farriintan waxay ku socotaa dhamaan magaca weriye,  cod, qoraal iyo muuqaallaba.

Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha ugu badan dunida ee waxyeellada loogu gaystay wariyaha Soomaaliyeed, tirada ugu badanna lagu dilay, waxay ka mid noqon doonaan taariikhda aan rabo in bloggan Horumarinta Afsoomaaliga  soo ururiyo.

Boggan waxaa leh wariyaha Soomaaliyeed dhallintayaro iyo kuwa waayo-araggaaba, wuxuuna qof kastaa oo xirfaddan ka soo shaqeeyay, iminkana ka shaqeeya uu ku yeelan doonaa bog uu isaga warramo, noogana sheekeeyo wixii uu soo maray iyo hadda wuxuu hayo

Mahadsanidiin

Cabdulqaadir Maxamed Mursal