Sunday, October 16, 2016

Maxaa kala duway? Waxay, waxey, waxeey, wexey, wexeey



Weyddiin:
Sabriye Muuse

Cabdalla Cumar Mansuur waxan leeyahay waad dadaasheen adiga iyo raggii kale ee far Soomaaliga iyo naxwaha af Soomaaliga qoray, laakiin ma aydnaan dhigin af Soomaali, waana shaqo qabyo ah. Waxa dhiman oo aan laga fekerin, amaba aan iraahdo laga fekeray, hase yeeshee aan la dhaqan-gelin in af Soomaaliga salka loo dhigo oo erayada qaab-qoraal dadka oo dhan ka dhaxayn kara oo sal-dhigan loo yeelo. Tusaale: Waxay doonaysaa lacag.waxay, waxey, waxeey, wexey, wexeey,
Qof walbaa sida uu rabo ayuu u qoraa. Waxa la doonayaa erayo "Standard" ah oo warbaahinta iyo qoraallada rasmiga ah ee dowladda, dugsiyada, iyo Jaamacadaha lagu adeegsado.
Waa middaas sababta aan u leeyahay af Soomaaliga waa la qoray ee lama dhigin.

Jawaab:

Prof. Cabdallah
Fadlan yaan laysku qaldin far iyo lahjad.
72dii far uun baa la soo saaray. Soomaalidu in ka badan 10 lahjadood oo kale duwan ayay leedahay, haseyeeshee, laba uun baa hab qorista ku soo hartay, taasina waa tallaabo weyn ee tilmaan u ah midaynta af Soomaaliga. Labadaasina waxaa afka faranjiga lagu yiraahdaa “variant”, oo ah wax af walba leh, sida: xidhiidh & xiriir; shiikh & sheekh iwm.
Qaab qoraalka af Soomaaliga, 18kii sano ee hore, intiisi badnayd waa midoobay, qaar aan weli midoobinna way jiraan, sida qorista magaca afka hooyo: Af Soomaali, Af-Soomaali, Af-soomaali, af Soomaali. Inta hartayna, markii la helo hay’ad dowladeed ee hagta arrima afkan, ayaa aayar aayar u midoobi doonaan, hadduu Alle idmo.
Burburka kaddib, markii ay meesha ka baxeen hay’adihii dowladeed ee u xilsaarnaa, ayaa hab qoristii ninba sidii ay la noqotay u qoray, sida: waxey waxeey wexey wexeey, dadkaas waxaa ka mid ah:
Dhallinyaro aan af Soomaaliga wax ku baran, oo adeegsiga internet iyo telefonka ay ka barteen qorista af Soomaaliga.
Kuwa caadifad lahjadeed baa laga yaabaa in ay ku kalliftay khilaafka
Intaa waxaa sii dheer, aqoonyahanno isku dayay in ay wax ka saxaan hab qoristii hore ee la caadaystay, badankooduna ilama ah in ay soo saareen wax 
af Soomaaliga mideeya ama hormariya.