Wednesday, December 21, 2016

Afsoomaaligu waa qaali

Waa cashar dheer oo aan ku barandoonno jawaabaha su`aalaha hoos ku qoran ee tobanka ah.

1-     Soomaaligu ma yahay af qaali ah?
2-     Xaggee asal ahaan ka soo jeedaa Af-Soomaaligu?
3-     Maxay tahay sugaan?
4-     Immisaa ayuu u  qaybsamaa Af-Soomaaligu?
5-     Immisaa ayey u qabsantaa Maansadu?
6-     Immisaa ayey u qaybsantaa heestu?
7-     Ma taqaan qaybaha maansada?
8-     Yaa tiryey geeraarka- Kanna siib kaana saar?
9-     Goormaa la tiriyey?
10-  Maxaa loo tiriyey?


Afka Soomaalidu waa af ballaaran, erayadiisuna badan yihiin si loo fiiriyaba hadal iyo hawraar, maanso iyo maahmaah, gabay iyo geeraar, masaal iyo madaddaalo, hees iyo hello, sheeko iyo qorriin iyo qun-u-hadal, gees loo dayaba waa af hodan ah ee Eebbe Weyne u yeelay murti bad ah iyo miro macaan ka buuxaan , nuxur, qoto dheeri iyo xigmadina u sii dheer yihiin.

Haddaad eegto af Soomaaliga qaayihiisa, iyo qaabkiisa suugaanta waxaad ogaanaysaa inuu yahay af aad u da'weyn, soona maray taariikh dheer sida Laatiinka, Carabiga iwm. Soomaaliga waxaa looga hadlaa Geeska Afrika, wuxuuna ka mid yahay: Afafka reer Kuush( Cush the son of Ham of Noah).

Dadka af Soomaaliga ku hadlaa waxay ku dhaqan yihiiin deegaan aad u baaxad weyn ee u dhexeeya gacanka Tojorra iyo webiga Taana ee waqooyiga Kenya. Haddii aan si gaar ah u soo qaadanno waxaa af Soomaaliga si gaar ah looga hadlaa Soomaaliya, qayb ka mid ah Jibuti ( weliba inta badan), Itoobiya iyo Kenya. Dadkaas ku hadlana waxaa loo yaqaannaa Soomaali.

Tirada saxda ah ee dadka ku hadla af Soomaaliga lama sheegi karo, waxaase lagu qiyaasay 10-16 milyan, Qoraal ay soo saartay golaha qaxootiga ayaa lagu sheegay in tirade af Somaaliga ku hadashaa ay tahay 7 milyan oo Soomaali ah, hal milyan oo Soomaali galbeed ah iyo 300 kun oo  ka tirsan dalka Kenya

Qiyaaso kale oo cirqi ahaan loo soo saaray ayaa waxay iyaduna sheegeysaa in qiyaasta dadka Af Soomaaliga ku hadlaa 7.78 milyan ilaa 8 milyan.Waxaa iyana tirokoobyo laga soo saaray tirade guud ee Soomaalida o lagu sheegay ilaa 9 milyan. Waxaa lagu sheegaa dadka Soomaalidu iney yihiin dad guurguura, haddana ay ugu sii darsantay kala irdhow, sidaas darteed waxaa dhib badan in la helo tirakoob sax ah, hase ahaatee inta loo badan yahay waa 10-16 milyan.

Af Soomaaligu wuxuu ereyo badan ka soo ergaday afka Carabiga oo ilaa muddadi uu soo galay Islaamku waddanka Soomaaliya oo ahayd waqti aad u fog xiriirkoodu uu soo korayay markii laga eego dhinacyo badan sida Diinta, ganacsiga iyo isdhexgalka. Sidaas si la mid ahna waxaa jira ereyo kale oo ereg ahaan uga soo galay afafka Ingiriiska iyo Taliyaaniga oo iyagu dalka Soomaaliya gumeysan jiray.

In wax laga qoro, lana baaro af Somaaligu waxay bilaabantay sanadkii 1900, waxaana la soo saaray qoraallo isku dayaya in afka Soomaaliga loo yeelo summad amaba qoraal. Run ahaantii waxay ahayd isku day muhiim ah oo ay dad aqoonyahano ah isku dayayeen in tallaabadaas ay qaadaan.

FAAAFIDDA IYO BAAHSANAANTA AFKA SOOMAALIGA

Afka Soomaaliga oo lagaga hadlo sida badan dalka Soomaaliya gudihiisa, Bariga Itoobiya, Jibuuti iyo Kenya, ayaa waxaa iminka lagu soo daray meelo badan ee dunidaa inuu gaaray af Soomaaliga, taasoo kentay qaxotiga faraha badan ee Soomaalida ee meelo badan ee dunida ka mid ah degay, sida Bariga Dhexe, Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo Awstraliya.


LAHJADAHA AF SOMAALIGA

Dad badan ayaa waxaa jira isku khalda afafaka iyo lahjadaha, taasina waxaa badanaa keenta aqoonta loo leeyahay waa maxa AF iyo waa maxay LAHJAD. Taas waxaa lagu ogaan karaa o keliya qofka oo barta cilmiga afafka si uu u kala saaro af iyo lahjad. Af Soomaaligu waxay culimada ku xeel dheer cilmi afeedka u kala saareen sidan: Qaar waxay ku soo koobeen oo keliya inuu leeyahay af  Soomaaliga labo lahjadood oo kala ah MAY iyo MAXAA TIRI. Qaar  kalena waxay ku sheegeen ilaa saddex qaybood, waxayna kala yihiin, WAQOOYI, BANAADIR IYO MAY.

Waqooyiga Somaaliya ama  waqooyi – Bartamaha Somaaliya ayaa isagana ah mid guud oo ay dadka badidii ku hadlaan oo ah mid dadka u dhexeeya. Banaadir ayaa iyaduna ah dhul xeebeed, waxana lagu hadlaa Banaadiriga, iyadoo sida badan looga halo inta u dhexeysa xeebta Cadale ilaa Baraawe ayna ku jirto magaalada Muqdisho. Lahjadahaas reer xeebeedka waxay leeyihiin dhawaaqyo aanan ka jirin guud ahaan Soomaalida.

Waxaa iyana ka jira dalka Soomaaliya luqado kale oo aanan ahayn af Soomaaliga sida :
Jiiddo, Dabarre, Garre iyo Tunni. Markii haddaba la eego dhammaan luqadahaasi luqadda keliya ee dadka af Soomaaliga ku hadlaa ayan fahmmi Karin waa midda Jiiddada.

TAARIIKHDA QORAALKA FAR-SOOMAALIGA

Inkastoo af Soomaaliga ay ku hadlaan dad tiradaas leh ee ku baahsan dhulka baaxadaas leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaaliyeed ku dhaqmaan wuxuu yeeshay 1972 dii. Muddadii intaas ka horreysay qoraallada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xiriiri jireen wuxuu ahaa luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga.

Si arrintaas loo xalliyo waxaa la isku dayey inay wax ka qabtaan aqoonyahanno Soomaali iyo ajinebi isugu jira. Tusaale ahaan, sannadkii 1961 dii waxaa la soo hor bandhigey Guddiga Luuqadaha (Linguistic Commission) 18 nooc oo Af Soomaaliga loo qori karo (scripts). 11 farahaas ka mid ah waxay ka mid ahaayeen faro cusub oo ay aqoonyahanno Soomaaliyeed allifeen, toddobada soo hadhayna 4 ka mid ahi waxay adeegsadeen farta Carabiga, halka ay 3 da kale ku salleysnaayeen qoraalka laatiinka.

Muddadii ka horreysay 1972dii oo ahayd markii xukuumadda Soomaaliyeed soo saartey go’aankii qoraalka la aqoonsan yahay ee af Soomaaliga waxay aqoonyahannada dersa af Soomaaliga ka dhex alloosnaa dood aad u kulul oo ku aaddaneyd nooca qoraalka loo aqoonsanayo af Soomaaliga. 

Run ahaantii, dhibaatada taallay ee marnaba suurto gelin weyday in la helo go’aan la isku raacsan yahay waxay ahayd fikirka iyo aragtiyada ay qeybaha bulshaddu ka qabeen arrinkaas oo aad u kala fogaa. Aqoonyahannada hormuudka ka ahaa fikradahaas kala duwan waxaa ka mid ahaa: Yaasiin Cismaan Kenediid, Shire Jaamac Axmed, Ibraahim Xaashi Maxamuud, Xuseen Sheekh Axmed Kadare iyo qaar kale oo badan. Sidaas daraadeed, waxaa aynu odhan karnaa dadaal ma yareyn, laakiin waxaa jirtey dood la soo af jari kari waayey.

Waxaa iyana intaas dheeraa sababo kale oo dhawr ah oo loo aaneyn karo qoraal la`aanta haysatay af Soomaaliga, kuwasoo ay ka mid ahaayeen xukuumadihii gumeysiga ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga. Waxaa iyana taas barbar socday iyana dadweynaha Soomaaliyeed oo u arkayey in la isticmaalo far aan ahayn tan Carabiga inay diinta Islaamka lid ku tahay. Tusaale ahaan, wax yar ka hor dagaalkii 2aad ee adduunka waxay waaxda waxbarashada ee maxmiyadda Ingiriiska ee ka jirtey gobollada waqooyi isku dayday inay hirgeliso qoraal farta Soomaaliga ah oo ku saleysan xuruufta laatiinka. Waxay taasi dhalisey in kacdoon ballaadhan uu ka dhaco magaalada Burco, halkaas oo dhagax lagu dili gaadhey labadii sarkaal oo ka tirsanaa waaxda waxbarashada, dadkuna waxayku dhawaaqayeen erayada ah “Laatiin waa Laa Diin”, taas oo macnaheedu yahay “Laatiin waa diin la’aan.”

Waxaa dagaallo aad u kulul iskaga hor yimid shacab weynihii mudaharaadka dhigayey iyo ciidamadii booliiska ama amniga. Taas oo dhalisay in dib looga noqdo mashruucaas isaga ah. Waxaa mudan iyadana in la xuso sababaha dib u dhigay in la soo saaro qoraal afka Soomaaligu leeyhaya af Soomaaliga isticmaalka luuqadda Carabiga oo Soomaalidu
aad ugu adeegsan jirtey dhinacyo badan oo ku aaddan adeegyada bulshadda iyo arrimaha ijtimaacdiga ah, sida arrimaha shareecada, ganacsiga iwm. Waxayna dadku aad kalsooni ugu qabeen iney wax walba ku dhameystaan dhinaca shareecada Islaamka ummadduna ay sidaas aamineen, muddo dheerna ay ku soo dhaqnaayeen.


MARXALADIHII QORAALKA SOOMAALIGA

Qoraalka Soomaaligu wuxuu soo maray marxalado kala duwan iyo faro badan xilligii gumeysiga, inkastoo ay dadka qaar isticmaali jireen.1961kii ayaa dawladdii Rayidka ahayd u saartay guddi ka soo baaraan dega farta ku habboon qoraalka farta Soomaaliga, waxaana guddiga la soo hordhigay 11 farood oo luqadda Soomaaliga lagu qori kar oo ay aqoonyanno Soomaaliyeed allifeen . Guddiga loo saaray arrintan waxay soo bandhigeen 17 qodob ama shuruudood oo lagu qiimeeyo far kasta oo la soo hordhigo.

Faraha la soo hordhigay guddigaasna waxaa ka mid ahaa:


1-        Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifay Osmaan Yuusuf Keenidiid 1920, waxaana qoraalkaas loo yaqaan Osmaaniya waxaana loogu magacdaray ninkii allifay.
2-        Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifay Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur 1933 oo loo yaqaanno Gada Buursi, waxaana loogu magacdaray qooyskii uu ka dhashay.
3-        Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifay Xuseen Sheekh Axmed Kadare 1952 oo iyana loo yaqaan fartii Kadariye, waxaana loogu magacdaray ninkii allifay oo Kadare lagu naanayso..

Guddigii luqadda ee 1965 waxay ogaadeen in qaadashada farta laatiinku  aysan carruurta horay dugsiyada ugu bartay afka Ingiriiska ama Taliyaaniga wax dhib ah kala kulmayn. Run ahaantii barashada farta laatiinka ee ay carruurtu afkooda ku bartaan waxay marka danbe u sahlaysaa iney bartaan luqado kale oo ajnabi ah. Ugu dambeyntii waxay guddigaas ku caddeeyeen in marka farta laatiinku ku habboon tahay in loo isticmaalo afka Soomaalilga.

Afka Soomaaigu wuxuu leeyahay ee loo qaatay iney noqdaan xuruufta loo isticmaalyo qoraalkiisa 21 Xaraf oo ahB, T, J, X, KH, D, R, S, SH, DH, C, G, F, Q, K, L, M, N, W, H, Y, Iyadoo loo bilaabay qaabka alif ka ya`da lagu magacaabo ee la dhaxlay xuruufta Carbeed.

Wuxuu leeyahay af Soomaaliga xuruuf lagu magacaabo Shibbanayaal oo 7 ah, waxayna kala yihiin b, d, r, g, l, m, n .

Tusaale

b – Abbaanduul,         d – Addoonsi  r – Carruur      g – Oggol        l- Dhallinyaro 
m – Ammaano                        - Hannoolaato         

Waxaa iyaguna kaalin muhiim ah ka qaata higaadda iyo qoraalka farta Soomaaliga Shaqallada oo iyagu isku xira farta, oo haddii aad meel u baahnayd shaqal dheer ka dhigtid mid gaaban laga yaabo inuu ka yimaad macna kale oo aan ahayn kii loogu talagaly, waxayna shaqalladu yihiin sidan:


Shaqallada gaagaaban                      Shaqallada Dhaadheer

 a         bad                                          aa        shaar 
 e         dheg                                        ee         meel  
 i          il                                              ii          liin  
 o         onkod                                                 oo        roob 
 u         ukun                                       uu        buug 

QAYBAHA AF-SOOMAALIGU U KALA BAXO

Af-Soomaaligu wuxuu u kala baxaa laba qaybood oo ah Hadal iyo Murti:
1. Hadal waa erayada qayaxan oo aan taxnayn, jiib iyo luuq midna aan lahayn,warkana laysugu tebiyo. 

2. Murtiyina waa erayo taxan ,xarafraac/qaafiyad leh, habdhac/jaangooyo leh, deelqaaf iyo laaxinna aan lahayn, warkana laysugu tebiyo.

Murtidu waxay u kala baxdaa laba qaybood sida: Maanso iyo Hees.
Heesku wuxuu u kala baxaa laba badood ee waaweyn, sida: Hees hawleed iyo Hees cayaareed oo haddii la sii falanqeeyo mid waliba noqonayso bad aan laga bixi Karin ama geed laamo badan leh oo aan la tiring Karin caleentiisa.Tusaale:-

·      Hees hawleed,waxaa ah tan xoolaha loogu heeso marka la wado ama la shubahayo, tan carruurta lagu seexiyo, tan roobka lagu wacaysto, iwm.
·       Hees cayaareed, waxaa ka mid ah, kuwa sacabka, jaanta iyo shanqaraha wata, tan muusikada loo garaaco/afuufo, haanta ama durbaanka loo tumo oo dhammaantood looga jeedo, farax, madaddaalo, maaweelo iyo iwm.

Maansadu waxay u kala baxdaa toddoba (7) qaybood oo kala duwan, kuwaasoo kala ah:

1. Gabay, 2. Geeraar, 3. Masafo, 4. Jiifto, 5. Wiglo, 6. Guurow, 7. Iyo Buraanbur.
Toddobadaas qaybood oo maansadu u kala baxdo waxaa calanka u sida gabayga. Siday isugu xigaan bayna u kala qaaya weynyihiin. Sidaas waxaa u qoray abwaanno badan ee suugaanta wax ka qoray, meelo ay ku kala duwanaayeenna waa jireen, hase yeeshee Somaalidu waxay ku maahmaahdaa biyo meel godan bay isugu tagaan, sidaas darteed sidii ugu saxsanayd ee la isku wada raacay.

Guud ahaan Af Soomaaligu murtida iyo macaanka waa ka siman yahay, gabayguna waa ugu horreeyaa, waana ugu tix dheer yahay, waxaana la moodaa inuu ugu hanaqaadsanyahay, uguna tixo xoog weyn yahay, asagoo waliba run ahaantii ka hawl badan kuwa ka tixo gaagaaban sida geeraarka, jiiftada iyo masafada iwm. Sidaan horay soo u sheegay toddobada qaybood ee maansada midiba waa ka madax bannaan tahay kuwa kale dhigaal ahaan iyo luuq ahaanba.

Xeerka maansada qofka kasta waa baran karaa, laakiinse qof kasta gabyaa ama geeraarshe ma noqon karo,maxaa yeelay dareenka maansoodku waa aqoon dheeraad ah ee maanso yahanka Eebbahay qalbigiisa geliyey. Kuwa tiriya maansada laftoodu waa kala heli og yihiin hogogga maansada, erayada arartooda iyo dulucdoodana waa kala heli og yihiin.
La arkee in laba nin oo gabyaa ah ninba tab kaga wacan yahay saaxiibkiisa kale, oo ninba tabtiisa uu kan kale kaga horreeyo.
Meelaha laga maansoodo waxaa ka mid ah kuwaan hoos ku qoran:

Ammaan, CalaacalCay, Digasho, Diradiro, Faan, Guubaabo, Halxiraale, KuhaanWaanada, Kaftan, Xigmadda

Tusaale Gabay
Waa inay dalaysnaataa maansadu(Gabay ama Geeraar), sidii Cali Dhuuxba uga afeeftay deelqaafka markuu hooriskiisii Deelleydii Guba ku yiri: 
Afartaa sidii deleb la riday maysu daba joojey,
Da'dii aan ka qaadiyo miyaan deelkii ka habowshey,
Ma daleeyey deelqaafku waa kaa dilaa gabaye.
Maxaa lagu kala gartaa maansada bilicdasan iyo tan hoosaysa?


·    Maansada bilicdasani, deelqaaf ma leh, habdhaceedu waa sugan yahay, dhihitaankeeda waa la qaban ogyahay, waana xiiso badan yahay, waana qaab xariiro lagu raaxaysto, ee boqol tixood hadduu yahay iyo haddii kaleba dareenkaaga soo jiita ee aad qaban karaysid.
·      Ka hooseeya wuxuu liddi ku yahay kan kor ku xusan. Lama jeclaysan karo waayo oraahdiisu ma qumana xallad iyo xiisana ma leh.

KAANA SIIB KANNA SAAR

Geerarkan caanka ah waxaa tiriye abwaankii caanka ahaa ee Cabdulaahi Suldaan Timacade, habeenkii calan saarka ee laga xoreebay gumaysigii reer yurub ee mudo aad u tiro badan dadka soomaaliyeed gumeysanayey:


Anigoo sebi uun ahoo
Sita leeb iyo qaansoo
Siigaduun isku aasoo
Sabo reer ka fogaanoon
Laygu aaminin soofkiyo
Saaca maanta aan joogno
Gabaygu waygu sugnaayee
Haddii aan Sarsarriigo
Ama aan surmaseejo
Amaba aan sixi waayo
Ama aan ka salguuro
Amaba laygu saluugo
Soomaalida i maqlaysaay
I su'aala hadhow
Ilaahaan waxba seegine
Subaciisa Quraankiyo
Sabbaxooyin ku sheegayow
Saciira iyo naciima
Rabbiigii kala seerayow
Markay suurtu dhawaaqdo e
La soo saaro makhluuqa e
Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo
Dembigaannu samaynay
Rabbigayow naga saamax
Subciyay oo ka dukeeyaye
Ka siddeetan sebaaney
Calankaannu sugaynaye
Sahankiisa ahaynow

Seermaweydo hillaacdayow
Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow
Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow
Samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib Kanna saar

Saahidiinta lslaamka e
Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo haweenku
Calankay Saadinayeenow
Cidina kaanay na Siine
Saatir noogu yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar
Sallaankii istiqaalkow
Sedadu kay ku xidhnaydow
Sayruukhii Afrikaadow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

San-ku-neefle dhammaantii
Khalqiga kii u sinnaayeen
Mid saaxiib la ahayne
Sangalkii iska diidayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

Soomaloo iscunaysa oo
Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu cabbaystiyo
Hadba soof la xabbaadhiyo
Saraayaa dami weydey
Kii laydhiisu na saaqdayow


Kii sadqeeyey qabaa'ile
Isu saaray gacmaa ee
Saf walaala ka yeelayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

In sidayda tihiin iyo
In kalaanan saxaynine
Soomaloo calan taagta
Saakay noogu horraysa oo
Saddex wiig iyo maalmo
Haddaan Soor cuni waayo
Safrad laygama yaaboo
Sarina mayso naftayda e
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar 



Waa macluumaad waxbarasho ee laysku soo ururiyay ee fadlan magacaaga ha ku qoranin intaad koobiyeyso.

No comments:

Post a Comment