Wednesday, December 21, 2016

Caynab Kaarshe iyo Miyir Abti-doon (Qaybta 3aad)

(Sheeko taxane ah, qaybta 3aad
W.Q.Cabdirisaaq Ismaciil Yusuf


Cabdirisaaq Cirro
Intiinnii horey ula socotay sheekadaan waxaad xusuusataan in aan adeegsanney magacyo door ah oo isugu jirey; kuwo dad kuwo duunyo iyo deegaanba. Haddaba si aan xusuustiinna dib ugu soo celiyo magacyadii aan istimaalay waxaa ka mid ahaa:

Caynab Kaarshe iyo Miyir Abti-doon oo ahaa labadii ruux ee
sheekada sal-dhigga u ahaa.

Hadoodilane iyo dooxada Habaarane oo ahaa dhulkii uu ku
dhashay kuna koray Caynab.

Kaarshe Odawaa oo ahaa aabbihii dhalay Caynab.
Quman Saxardiid oo ahayd hooyadii dihatay.

Magan Kooreeye, adeerki labaad ee Caynab, dhanka kalana
dumaalay hooyadi. 

Suuban Kaarshe iyo Barni Kaarshe labo gabdhood ee ay walaalaha ahaayeen.
Dheeman Odowaa waa Eedadi.

Warfaa Colaad Wardheere Caynab bay qosy wadaageen.

Samawada Haybe, gabadh uu mar u hanqal-taagay, Warfaase ka hor
istaagay.

Xagar-talo-waa, waa halkii ay ka soo hayaameen Miyir qoyskoodu.

Max’ed J. Joof waa ninkii tiriyay tuduc yar oo aan u soo qaadannay markaan tilmaamaynay gabdhaha Soomaaliyeed dhaqankoodii hore, boqor iyo dhaacle, qaar ka mid ah dharkii ay ku labisan jireen gabdhaha Soomaalidu.

Ina Laalays, waa rati koron ah oo uu Caynab lahaan jirey.

Bilaha dago, waa bilo ay dadka reer miyiga ahi sakada xoolaha bixiyaan.

Salaamoco iyo Jafeeco waa labo geed oo geed-quwaax ah oo arigu xagto gaar ahaanna jilaalkii.

Seermawaydo iyo sagaallada cirir, waa xilliyo ay yaqaannaan dadka xiddigiya, waana
xilliyada la fisho roobabka, haddii la waayo roobna aan markaas kaddib loo fadhiyin in
uu dib ka da’o.

Cowrala kooreeye oo ahayd Miyir hooyadeed.

Maka Shiiraar, waxay duddo ahaayeen Miyir reerkooda.

Cadho waa xanuun aad u xun oo ku dhaca xoolaha gaar ahaan, geela iyo ariga.

Casaan, waa hal ka mid ahayd geela Caynab.

CAYNAB IYO HABAR DUGAAG

Haddaan intaas ku dhaafno magacyadii aan sheekada labadeedii qaybood ee hore aan u adeegsannay, bal aynu u soo laabanno Caynab Kaarshe oo habeenkaas golihiisii jooga, geeliina dul miranayo. Caynab wuxuu ahaa nin dhiifoon oo u toog-haya xaalad kasta oo timaadda, wuxuuna hal mar ah ku warhelay “AC” “AC” iyo geelii oo diday. Waa raxan libaax oo ay hoggaaminayaan gool iyo aar aad u gaajooday, cago-baruurtoodiina dabo dal’ayaan oo hal mar ina baxnaan oo hayd qaalin sannadkii hore ilmo xootay haddana qas-goysay ku helay haad, hal marana ku degay, ugu horreyntiina luqunta riday.

Caynab oo dhiillo gashay, hootadiisii iyo amlaydiisii saddex-geeska ahaydna labada gacmood ku wata ayaa kula booday halkii uu balowgu ka yeerayay. Intuba inta ka dhaqso lehe wuxuu arkay raxantii libaaxa ahayd oo ku raran Ina Baxnaan.

Caynab wuxuu ahaa nin aad u yaqaan tabaha dugaagga gaar ahaanna bahalka shaashka leh oo aysan badanaa kala raagin, waqti badanna aysan ismoogaanin. Wuxuu hootadii ku ganay gooshii Eebbana wuxuu uga joojiyay meel aysan ka kicin, balse gacantiisa marka ay ka baxday hootadii waxaa dusha kaga degay aarkii oo aad gorgor moodo. Caynab oo horey gacanta bidix u sii duubtay ayaa afka u gashay aarkii, isana sidii caadadiisa ahayd wuxuu afkuu oo labo taago kala joogaka ku qabsaday gacantii Caynab ee go’u ku duubnaa, cidiyihiisii dheerdheeraana wuxuu kala haleeyay dhabarka, isaga oo gacantiina labo meelood ka jabiyay dhabarkiina nabarro waaweyn ka gaarsiiyay. haseyeeshee Caynab uma diirnixin taas, toorraydiisii ayuu aarkii oo dusha ka fuushan ku daldalay ilaa uu maqlay isagii oo dhuunyeerinaya, dhulkana ku dhacay, balse dhibta kale oo haysatay waxay ahayd markii uu garan waayay sidii gacantiisa libaaxa dhintay afka ugu jirta uu ugala bixi lahaa.

Caynab intii uu la rafanayay sidii uu gacantiisa jajaban si maad ah ula bixi lahaa ayaa jirkiisii waxaa ka baxay caarodhabankii, wuxuuna ku dul dhacay aarkii uu isagu ajalay, isaga oo miyir beelay. cago-baruurtii oo aan war ka ahayn waxa dhacay iyo in odaygii iyo habartiiba xijaabteen, balse iyagu gosha kaga jirey hashii ay u loogeen, ayaa mar danbe u soo daqaqamay dhankii aarka, waa xog moogayaal aan la socon waxa dhacaya oo dhane, waxay dul yimaadeen Caynab oo miyir la’ iyo aarkii oo bakhti ah, isla markiiba waxay dusha kaga seexseexdeen ladabii mahallik ee isku dul dhacay, iyaga oo qaarkoodna ku dul faclaynayey.

La soco qaybta 4aad

No comments:

Post a Comment