Wednesday, December 21, 2016

Hodantinnimaada Afkeenna (Qaybta 4aad)

Waxaa si wadajir ah u diyaariyay:
Cabdullaahi Cabdi Cabbaas iyo
Cawaale Xuseen Cabdi



Geedaha laga midhaysto (qaarkood kor wey ku xusnaan karaan)

Ashacad
Askax
Bacalol
Bacaroor
Carmo
Ciid
Dhaboobo
Dhafaruur
Garas
Gomashe
Goosay
Himir
Hohob
Ilgeesh
Jinow/caleenta
Madheedh
Maygaag
Qaranri/afbuq.
Tukalalmis
Uneexo
Wancari
Xajiin
Yicib


Geedaha badhidooda la cuno  (qaarkood kor wey ku xusnaan karaan)

Cilal
Coodan
Dabanyuluq
Dhidin
Doonbir
Faramog
Like
Mandooye
Tindhad
Xamakow

Geedaha laga xabkaysto (qaarkood kor wey ku xusnaan karaan)

Cadaad
Gabro
Gumar
Jaleefan
Jeerin
Maraa
Sarmaan
Waadhi

Geedaha xabagta lagato leh (qaarkood kor wey ku xusnaan karaan)

Beeyo
Caadaded
Cadaad
dhidin
Foox
Hadi
Malmal
Midhafur
Xabag Hadi

Waxaanu aragnay inaan aad looga hadal geedaha iyo haadda oo aynan ka helin qeybta ay ka mudan yihiin dhaqan uruuriyaasha Soomaaliyeed, ama Internetka ha ahaato ama buuggaagta ha ahaato ee.  Waxaa kaloon aragnay jiilal dhan oo dhawaan soo kacay oo ay ka madowdahay aqoonta bii’adu. 

Waxaa dhacday, maalin maalmaha ka mid ah inaan nin saaxiibkay ah ku booqday gurigiisii. Kuray xaafadda joogay ayaan siday ku timid garanmahayo ee waxaan weydiinay inuu geel yaqaano iyo in kale.  "Haah geel waa akhaanaa" ayuu si dhiiranaani ku jirto ugu jawaabay.  Oo muxuu yahay ayaanu weydiinay.  "Geel bahal waaye nooh" ayuu nagaga naxsaday.  Waa la qoslay. 

Annagoo yarkii wali ku maadsanayna ayaa waxaa aqalkii aan fadhinay soo galay mid isaga ka weyn oo walaalkii ah.  Waryaa, geel ma taqaanaa adigu, ayaan ula degdegnay isagiina? "Haa geel waa akhaanaa nooh" ayuu noogu jawaabay isna isagoon hadalka inna ku hakanin.  Waa maxay geel?  "Caanahaa laga shubtaa nooh" ayuu isna ku jawaabay!  Ma hadal baa yaala!  Waa lagu kala dhaqaaqay.

Waxaan is leenahay jiilka nooca ah iyo dad kale oo badan ayaa ka faa’iidaysan doona qoraalkan aan cilmiyeysnayn ee sida butuluqsiga ah usoo dhex qaaday bii’adii dhulkeena.  Wixii aanu khaladnay waa la sixi karaa kuwa aanu ka tagnayna adiguba waad taqaanaa ee soo dir. 

Waxaanu hubnaa in deegaanada Soomaaliyeed geedaha ama haadda qaarkood magacyo kala duwan loo yaqaano, sidaa daraadeed ha la yaabin haddii aad magacyada qaarkood markiiba soo dhufan weydo.  Geedaha iyo haadda degaankaad ka timid laga helo ama laga yaqaano noo soo dir si aan dhamaan u helno intii suuragal ah.

Dhamaad

No comments:

Post a Comment