Wednesday, December 21, 2016

Hodantinnimada Afkeenna (Qaybta 1aad)

Waxaa si wadajir ah u diyaariyay:


Cabdullaahi Cabdi Cabbaas iyo
Cawaale Xuseen Cabdi

Qaybta 1aad

Maqaalkan waxaad ku arkidoontaan waxyaabo kaa yaabiya oo laga yaabo inaadan weligaa u maleyseen Afsoomaali. Waxaad ku baran doontaan xayawaanka duurjoogta ah iyo nimcoolayda, haadda samadaa kore heehaabta, iyo dhamaan bii’ada inteeda kale.

Waxaa dhaqanka ummad walba qeyb libaax ka ciyaara deegaanka iyo qaabka uu u rakiban yahay, xayawaanka duurjoogta ah iyo nimcoolayda, haadda samadaa kore heehaabta, iyo dhamaan bii’ada inteeda kale.  Muddo gaaban ka hor, dhulka Soomaaliyeed wuxuu hoy u ahaa xayawaan iyo haad aad u tiro badan oo isagu jira nooc walba oo ku noolaan kara duruufaha geyiga Soomaaliyeed. 

Maroodi ilaa Hangaraarac inta u dhaxaysa noocii la doonaba wuxuu ahaa hortaa ka gal.  Maahmaahaha, gabayada, dhaantada, heesaha, googaalaysiga, caraatanka iyo noocyo badan oo kale oo murti, madadaalo, iyo maamuus dhaqameed kale leh ayaa lagu qotomiyaa bii’ada iyo noolaha la falgala.

Tusaale ahaan bal Maroodiga iyo Hangaraaraca aan xusnay aan midba maahmaah macno weyn oo ka mid ah kuwa ugu caansan maahmaahaha Soomaaliyeed ka soo qaadano.  Waxay yidhaahdaan ”Maroodigu takarta saaran ma arkee ka kale ta saaran buu arkaa.”  Waxay Soomaalidu maahmaahdaa isticmaashaa marka nin ceebtiisu dacyaal tahay uu qof kale mid ka muuqata farta ku fiiqo.  Maroodi iyo takar bal farqiga u dhaxeeya day!  Bal eeg cibbaarada ku dheehan maahmaahda iyo xikmadda Af-Soomaaligu leeyahay ee laga dheegan karo

Abwaan Cabdullaahi Macallin Dhoodaan waa kii isagoo maahmaahdaa qalbiga ku haya gabayga mariyey beydkan aan is idhi beyd la miisaan ah gabayga hor iyo dib toona wuu ku yaryahay.  Intuu maahmaahdii dhinaca kale u rogay ayuu yidhi isagoo Xamarna takar kasoo qaaday, Soomaali Galbeedna maroodi kasoo qaaday:

Takartaa maroodiga liqday yaan, soo tuf leeyahayee

Waa Beyd takhayulka iyo gundheerida ku jirtaa caajis galiso maskaxda beyd-gaabka, damac iyo jamashana ku riddo maskaxda hal-abuurka yaqaana gabayga iyo godadkiisa. 

Xusuuso in abwaanka maahirka ahi mar walba arki og yahay beydka qotada dheer isla marka uu arkana uu qiro macnaha beydka siddii Sayid Maxamed Cabdille Xasanba u jantay beydkii laga soo wariyey Nuur Jiir Ibraahin ee ahaa:

Feedhaha miyaan uga qablamay, siddii libaax qoodh ah


Waxaa  la wariyey in Sayid Maxamed yidhi haddii Nuur Jiir maanta noolaan lahaa, oo intuusan odhan beydkaa fursad aan kaga gato heli lahaa 100 halaad iyo baarqabkoodii iyo 100 farasba waan u huri lahaa.  Ha layaabin gacan furnaanta Sayidka maxaa yeelay deeqsi wuxuu ahaa gacantiisa bidix aanay ogaanin waxa ta midig bixinayso siduu isaguba isu sifeeyey; wax walba waw huraayaa ninkii, ii walaal noqone.   Wuxuu kaloo ahaa siyaasi hal-murtiyeedka oo dhan in loo tiiriyo isagana laga wariyo jeclaa.

La soco qaybta 2aad

No comments:

Post a Comment