Wednesday, December 21, 2016

Hodantinnimada Afkeenna (Qaybta 3aad)

Waxaa si wadajir ah u diyaariyay:


Cabdullaahi Cabdi Cabbaas iyo
Cawaale Xuseen Cabdi

Qaybta 3aad

Waxaa jirta odhaah Soomaaliyeed oo tidhaahda qofkaasi ama waxaasi waa ama wuxuu noqday ”haad geed waayey.”  Haaddu markay samadda ku daasho goorada ugu horaysa ee ay cagodhigato si ay u xuurtirato waxaa weeye geed korkii.  Haddii haaddu geed weydo in kasta oo ay dhulka degi karto haddana waxaa la qiyaasay inaysan si fiican u nasan karin, maxaa yeelay cadowgeeda ayaa si dhib yar uga il-heli kara oo si gaadmo ah u kala goyn kara. 

Markiise ay geedka fiintiisa kore kasoo cakoodiso Malakumawt waa halkiisee waxay u badan tahay inaan si kadiso ah loo dhagrin.  Qofkii ay talo ku ciirto, arxan iyo ciirsibana waaya, inta baddanna lagu tuhmayo in isagu saa isagu wacan yahay ayaa waxaa la yidhaahdaa wuxuu noqday haad geed waayey. 

Xikmadda Macallinka ayeynu ku iidaamanaynaa qoraalka ee isagoo dhiirigalinaya Soomaali, dhaqan xumo badan oo faaftayna la diriraya waa kii gabaygiisa cajiibka ah ee Xulub Socod la baxay ku lahaa:

- Xirfad iyo garaad kii isbiday, ee xornimo gaadhey
- Xeebaha dhulkiisiyo ma baran, geed xanjaala ah
- Xukunna maa la ii dhiibto buu, xuuxda la hayaaye
- Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
- Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe!


Haddaba si aynu haadda u dajino, ninkaa xirfadda iyo garaadka is biday, xeebihii dhulkiisa iyo geedihiisiina aan kala aqoonin hasse yeeshee inuu taliyo oo wax xukumo uun doonaya aynaan ugu sifoobin bal aynu geedihii intii aan ka xusuusano taxno barshadoodana waqti ku bixino:  


Geedaha


Ashacad
Argeeg
Askax
Baar
Baaxuur
Babaay
Badhi-booto
Bal
Balanbaal
Barde
Barkin Dhurwaa
Baxar Saaf
Beeru u eke
Beeyo
Biile
Bilcil
Bisiq
Booco
Booga Dhaye
Bugle
Buhood
Bun
Cadaad
Caday
Cagaar
Canbe
Canjeel
Carmo
Cayo
Ciid
Ciin
Cilal
Dacar
Dal
Damanyuluq
Dano
Dareemo
Dhafaruur
Dhagmaanyo
Dhamas
Dhammaajo
Dharkayn
Dhay
Dhebi
Dheen
Dhidin
Dhigri
Dhiigsaar
Dhikil
Dhirindhir
Dhunkaal
Dhurbo
Dhuundhas
Dhuur
Dhuuse  ure
Dhuyac
Digir


Dixi
Doofaarqod
Doonbir
Duur
Faramog
Gaad
Gabaldaye
Gabro
Gacandhi
Gahaydh
Galiile
Galool
Gasaangas
Gawlale
Garawle
Geed Harag
Geed-hindi
Gob
Gogobe
Gomashe
Goosay
Gubtaanyo
Gumar
Gumre
Hadi
Handhurwaa
Hareeri
Higlo
Himir
Hohob
Ilgeesh
Ilko Caddeeye
Iriir
Jadeer
Jaad
Jaleefan
Jaleelo
Jarmi
Jeerin
Jiic
Jillab
Kabxan
Kariir
Labi
Liin
Liin dhanaan
Like
Maadh
Madaxbuq
Madheedh
Madheedh Qoox
Majabe
Malmal
Mandooye
Maraa
Marmar


Mawe
Mayay
Maxaansugaa
May Subag
Maygaag
Midhafur
Mirdhis
Mirimiri
Moos
Ontor
Qabo
Qadow
Qalaanqal
Qalfoon
Qansax
Qarari
Qare
Qare Dameeraad
Qaydar
Qudhac
Qundho
Raqay
Ridhmo
Sabansabdho
Salaalmaco
Sarin
Sarmaan
Sarmaanyo
Siiq
Tawaad
Timir
Tincad
Tiin
Tukelalmis
Uneexo
Urundhi
Wacanri
Wadhi
Washaaqaar
Xagar
Xajiin
Xamakoow
Xamudh
Xangeeyo
Xankookib
Xaskul
Ximre
Xoday
Xule
Xumboox
Yaanyo
Yaaq
Yamaarug
Yicib
Yucub
La soco qaybta 4aad

1 comment:

  1. allaahu akbar hoosta ka idhi hodantidaan arkey awgeede
    haartooynu ku dhigno mooyee ma hoosaasmayo afkeenuye
    hanaankey luuqaduhu leeyihiin haybad buu dheeraadey wadartoo idile
    daruur hoortoo roob sidda hadduu ereygiisu laabta ku yahey
    habeen ka seexanmaayo dharaarna hadalkeeda daa
    u sahey qaadanayaa hilinkaan u marilaa dhaadistii mindhaa hagoogsamahane.

    MADE BY ME.


    ReplyDelete