Wednesday, December 21, 2016

Caynab Kaarshe iyo Miyir Abti-doon 1aad



Cabdirisaaq Cir

 (Sheeko taxane ah- Qayba 1aad)

W.Q. Cabdirisaaq Ismaaciil (Cirro) 

Caynab wuxuu ku dhashay kaynta loo yaqaan Hadoodilane ee dhanka bari kaga aadan dooxada amasoora ah ee Habaarane. Aabbihi Kaarshe Odawaa, wuxuu aakhiro u hoyday oo xabaalaha lagu daray Caynab oo kuray ah. Hooyadii Quman Saxardiid oo uu dumaalay adeerki labaad oo la oran jirey Magan Kooreeye, ayaa agoonnimo ku soo koriyay.

Caynb waxay walaalo ahaayeen labo gabdhood oo la kala oran jirey Suuban iyo Barni. Suuban waxaa godob-tir loo siiyay reero ay gashi ka qabeen Caynab ciddoodu, Barnina waxaa food-gooyey nin ay eedadeed Dheeman ka dhimatay oo xiskiisan ahaan loo siiyey.

Caynab wuxuu ku waynaaday doobnimo. Wuxuu lahaa kadin geel ah oo aan cid aan isaga ahayn dhacan ka rogin, ceel iyo carshiinna isagu kuray iyo odayba u yahay. Inkasta oo xaaladdiisu sidaas ahayd marna niyaddiisa kama bixin in uu la aqal-galidoono ooridiisana ay noqondoonto inan jamashay oo tiir le-eg Eebbana haybad u siiyay toolmooni iyo qurux, uuna dhalay hodan Alle gacantiisa uu wax galiyay, beesha dhexdeedana ka caaran oo hibada iyo hantida Eebbe ku mannaystay  ka sokow ku tookha koox wiilal ah oo uu dhalay. Taasna waxaa ku tusaya hees howleed uu geela marka uu dheelmayo habeenkii uusan gafi jirin oo ahayd:
 “Reero gabadhood aan la goyn karin,

La soco Qaybta 2aad

No comments:

Post a Comment