Saturday, October 15, 2016

Qabyannimada farta Af-soomaaliga


Weyddiin:
Cabdiasiis Cabdi
Prof. Cabdalla

Ustaad Mansuur iyo Ustaad Mursal shaki Kuma jiro in qoraalka farsoomaligu uu yahay qabyo.....Oo weliba qabyanimaduna lagu ogaa laguna meel Mariya sabab kastana ha keentee,Marka maxaa maanta ku jaban in xuruufaha iyo shaqalada maqan oo dhan lagu daro ?Layskaba ilaawo erayooyinkii horey u meel marey ee khalad ka lagu sharci yeelay sida"waa isku dhigaal kala dhihid".

 Jawaab:
Prof. Cabdalla Cumar Mansur:

Maadaama ay bateen su’aalaha la xiriira farta af Soomaaliga, waxaa halkaan ku soo gudbinayaa qayb kamid ah maqaalkayga oo ku saabsan jawaabta dadka qaba in farta af Soomaaligu ay qabyo tahay. Fadlan wada akhri.

2.1.  Doodda  qabyannimada farta Af-soomaaliga

Sideedaba, way adagtahay in, guud ahaan, afafka adeegsada alifba’da laga dhex helo af alifba’diisu ay wada koobayso dhammaan codadka uu afkaasu leeyahay, Af-Soomaaliguna waa la mid, waxyaabaha caddaynayana waxaa ka mid ah labadan qodob ee soo socda.
2.1.1.      Shibbanayaasha Af-soomaaliga
a)    Inkastoo shibaneyaasha qorani ay yihiin 22, haddana waxaa jira in Af-Soomaaligu uu leeyahay codad ama shibbaneyaal kale oo aan la qorin[1], waxaana ka mid ah:

qoran              ma qoran
o  bad /b/             dab /p/
o  dal /d /            edeb / ð /
o  nalka / n/         fanka /ŋ /
o  jilib /j/              jaamac / tʃ /   
o  dhal / ɖ /          badh ɽ /

Laba arrimood ayaa loo aanayn karaa sababta aan loo qorin xarfahan.
1.    Xarfahan, oo midkiiba uu leeyahay dhawaaqyo yare kala duwan, marka uu ku sugan yahay billawga alanka iyo marka uu ku sugan yahay alanka dhammaadkiisa, oo haddana wax isbeddel ah  aan ku sameynayn micnaha ereyga (sida: dab & dap), in xarfo gaar ah loo kala sameeyo waa dhaqaaladarro.
2.    Waa xarfo codkooda aan cid kasta si fudud u dareemi karin farqigooda, marka laga reebo labada xaraf ee dambe (/ tʃ // ɽ /).
3.    Xarfahan codadkooda waxaa laga helaa meelo u gaar ah oo ka mid ah ereyga, waxayna ku yimaadaan xaalado gaar ah. Waxaa tusaale ahaan u soo qaadanaynaa sababta loo qori waayay codka dha’da fudud (/ ɽ / sida badh), waxaana ka mid ah:
Ø Dha’dan fudud marna lagama helo erey billawgiisa, tus.: dhar, dhiil, rati, run (labada cod ee labadan xaraf (dh & r) si isaga mid ah ayaa Soomaalida oo idil ugu dhawaaqdaa).
Ø Waa in shaqal ka horreeyaa, sida: adhi, badh.
Ø Ereyo kooban ayaana leh codkan, sida.: foodhi, gabadh, yidhi, xidhiidh, maydh, adhi, badh iwm.
Ø Soomaalida oo dhan sida la rabo uguma dhawaaqi karto, sidaas ay tahay waa la wada fahmayaa. Haddaba, sida qurub diiradeedka  baa ayaa oo qoloba midka ay doonayso ama taqaan ay u adeegsato (Cali baa yimid / Cali ayaa yimid) ayaa habboon in sidoo kale, qoloba dhawaaqii u fudud labada cod (r/dh) ay adeegsato, sida: xidh /ɽ /[2] & xir  / ɖ /.
b)      Sidoo kale, 7da shibbane ee laballaabma (kooxda A) ka sokow, waxaa jira shibbanayaal kale oo laballaabma oo haddana aan la qorin (kooxda B).


A.      Shibbanayaasha laballaabma ee la qoro

B.      Shibbanayaasha laballaabma ee aan la qorin
b: xabad<>xabbad (laabta &  rasaas/hal)
r: carab<>carrab (nin carab ah & carrabka)
g: ruuga<>ruugg(ruug(id) & jilib/law)
d: rido<>ridd(tuuro & gantaal)
l: shilin<>shillin (lacag & nooc geed (kedi))
m: dhamaan<>dhammaan (cabbaan & kulli)
n: keena<>keenna (ina keena! & waa keenna)
f: affar
t: ratti/ gattay
y: iyyo
dh: gabadhdha
: magacca
x :madaxxa
h: rahha
q: diiqqa
s:  assaw
afar
rati/gatay
iyo      
gabadha
magaca
madaxa
raha
diiqa
asaw

Sababta ay khasab ku noqotay in la qoro shibbanayaasha laballaabma ee qaybta bidix (kooxda A) waxay tahay si aan loogu wareerin micnaha kala duwan ee ereygu yeelan karo marka shibbanaha laga dhigo mid keli ah (sida: carab & carrab); laakiin shibbanayaasha kale (kooxda B) iyagu isbeddel micne uma keenaan ereyga haddii shibbanuhu uu laballaabanyahay iyo haddii kale (sida: iyyo & iyo), hadday keenaanna waa dhif. Sidaa darteed, iyadoo la raacayo xeerka dhaqaalaynta qoraalka farta, ayaa looga tagay in la qoro iyagoo dhawaaq ahaan labanllaabma.
Sida aan korba ugu soo xusnay, codka dha’da fudud oo aan ahayn mid Soomaalida oo dhan wada adeegsan taqaan, sidaa darteedna looga yeelin xaraf gaar ah, ayaa dhici karta in ay keenaan, mararka qaarkood, micne kala duwan, siiba marka ay qoraal tahay, sida: Cali wuu maydhay, weertan waxaa loo fasiran karaa in Cali uu mayrtay (maydhdhay) iyo in uu wax mayray (maydhay). Markan oo kale “context”-iga ama warka raacsan ayaa laga garan karaa micnaha loola jeedo[3]. Arrintan afafka oo idil ayay wadaagaan, waxaana la yiraahdaa “ambiguity” oo ah in erey ama weer loo fasiran karo laba micne oo kala duwan. Af-Ingiriisiga ayaa ka mid ah afafka ku badan arrintan, sida ku cad weerta soo socota: Each of us saw her duck.  (It is not clear whether the word “duck” refers to an action of ducking or a duck that is a bird[4]).
2.1.2.      Shaqallada Af-soomaaliga
Shaqallada qoran waa 10 (5 gaagaaban iyo 5 dhaadheer), haseyeeshee, dhawaaq ahaan, shaqalkiiba 2 cod ayuu leeyahay cod fudud iyo cod culus (10 x 2 = 20 cod shaqaleed), tus.:
shaqalka “u” iyo “uu” iyo mid kasta labadiisa cod ee kala duwan:
2 shaqal oo culculus:               duul(ka)           dul(ka)
2 shaqal oo fudfudud : duul (id)          dul(dusha) 
Arrintani ma aha wax Af-Soomaaliga u gaar ah, waxaa la wadaaga afaf kale ee badan, tus.: Af-Ingiriisigu wuxuu leeyahay 20 cod shaqalleed oo kala duwan, sidaas ay tahay 5 shaqal oo qura ayaa la qoraa, tus. : shaqalka “a” iyo afarta siyood ee loogu dhawaaqo:
Ø  arm / ɑː /
Ø  ago / ə /
Ø  father / ɑ /
Ø  hat / æ /
Af-iswedeshka, isna 19 shaqal ayuu leeyahay, waxaana qoraal ahaan la adeegsadaa 9 shaqal, oo saddex iyaga  ka mid ahna  astaamo u gaar ah ayay dusha ku leeyihiin. Astaamahasna waxaa loo yaqaan « diacritic ».
2.1.3.      Ereyo isku dhigaal kala dhihid ah
Waxaa jira ereyo aan badnayn oo qolo lab ka dhigta qolana dheddig. Labadooduba waa sax, waa arrin ku xiran hadba meesha uu codkacu (high tonal ) ku dhacayo.
árrin-ka          arrín-ta           
bállan-ka        ballán-ta
Haddii codkacu uu ku dhaco shaqalka ka horreeya shaqalka dambe ee ereyga (sida: àrrin-ka), magacaasu waa lab, haddiise uu ku dhaco midka dambe (sida: arrìn-ta) magacu waa dheddig, waxaana la mid ah ereyada soo socda:
(Erey: lab / dheddig)               ínan (ka)          inán (ta)
(Erey: lab keli. /dh. wadar)     díbi (ga)           dibí (da)
Ereyada noocaas oo kale ah, qoraal ahaan, iyagana waxaa cayntooda laga garan karaa hadba “context”-ga ay ku dhex jiraan, hadal ahaanna, codkaca ayaa laga garan karaa. 
Xitaa qoraalka Af-carabiga, oo caadi ahaan, shaqal & shad midna aan lahayn, weerta ayaa laga garan karaa waxa uu yahay ereygu, sida: ereyga كسر  (ksr) 4 siyood ayaa loo akhrin karaa oo micnahooda kala duwan, waa kuwan iyagoo loo yeelay shaqallo iyo shadba:

Kasara  (waa jebiyay)             Kusira (waa la jebiyay)

          Kassara (waa jejabiyay)                      Kasr    (jebin, jab...)
Sababaha ugu doorka roon ee loogu yeeli waayay astaamo gaar ah (diacritic) Af-soomaaaliga shaqalladiisa culculus iyo codkacba waa labadan arrimood:

1.      Haddii loo yeelo astaamo gaar ah sida Swedeshka, farsame ahaan iyo dhaqaale ahaanba, arrintaa dhibaatadeeda ayay leedahay, oo waxaa loo baahnaanayaa qalab qoraal oo gaar ah.

2.      Dadweynaha aan badankoodu wax baran way ku adkaan lahayd kala saaridda qoraalka shaqalka culus iyo midka fudud iyo adeegsiga codkaca.
Haddaba, alifba’da Af-soomaaligu, sida afafka kale ee dunida ka jira, kama wada koobna dhammaan codadka uu afku leeyahay. Aqoonyahannada ku xeeldheer cilmiga codaynta ayaa ku shaqa leh inay baaraan inta cod ee luqadi leedahay iyo wixii la xiriira, waana cilmi heer jaamacadeed. Sababaha looga dhigay alifba’da mid aan wada koobayn codadka ee luqadi leedahay waxaa ka mid ah arrimahan hoos ku taxan, oo badankooda uu horay u adeegsaday Guddiga Af-soomaaligu 1961[5]

1) Waa in la fududeeyaa qoraalka farta, si dadweynuhu si sahlan ugu adeegsan karo, gaar ahaan 
2)  inta aqoonta yari iyo caruurta. 
 3)  In la raadiyo sidii looga maarmi lahaa in xarfaha loo yeelo astaamo gaar ah (diacritic), iyadoo la tixgelinayo arrimaha farsamo iyo dhaqaale.  
4)   Qoraalka farta waa in la dhaqaaleeyaa, oo laga tagaa wixii laga maarmi karo.

  5) Waa inay noqotaa far lagu garaaci karo qalab qoraalka aad ugu baahsan dunida (internationalkeyboard)[6].
 6)  Waa in fartu ay ka koobnaato xuruufo codkooda laga heli karo lahjadaha badankooda.
 7)  Waa inayna ahaan mid jahawareer u keenta akhristayaasheeda.

Farta waxaa loogu talaggalay dadka ku hadla afkaas, sida aan ka dareemayno afafka: Faransiiska, Ingiriisiga iyo Carabigaba (oo shaqal & shad la’aan loo adeegsado). Haddii lagu saleeyo baahida shisheeyaha aqoonta leh waxaa la dulminayaa dadka u dhashay afkaas oo badankooda aqoonta yar. 



[1] Arrintan ma aha ilduuf iyo kubaraarugid la`aan ee kas iyo ogaal ayaa looga tegey! Cilmi-afeedka, gaar ahaan cilmiga “phonology”-ga  ayaa si faahfaahsan uga baaraandega. Codadka la qoray waa nooca loo yaqaan "phoneme" (sida ereyada dal & bal micnahooda waxaa kala duway labada cod d & b), codadka laga tegayna waxaa loo yaqaan "allophone" (oo ah codad aan u keeneyn wax farqi ah marka ay ku kala jiraan laba erey, sida: dab & dap).

[2] -“Dh”-dan fududi / ɽ / waa cod  iskiisa u madaxbannaan, kamana imaan codka “r”, waxaana caddaynaya afaf la hayb ah Af-Soomaaliga ayaa la wadaaga (Prof. Giorgio Banti ayaan si toos ah uga soo xigtay warkan), tus.: Soomaali: wuu yidhi, Saho: yedhxe, Oromo: yedhe 

[3] Marka la hadlayo labada macne dhegtu way kala garan kartaa, oo iskuma khaldamaan; laakiin marka ay qoraal tahay ayaa labada macne laysku khaldami karaan, markaasna, waxaa loo baahanyahay in la eego “context”-iga ama warka raacsan si loo fahmo micnaha loola jeedo ereygaas.

[4] Waxaan ka soo dheegey: Definition and Examples of Literary Terms: http://literarydevices.net/ambiguity/

[5] Guddiga Af-soomaaliga, oo ka koobnaa 9 xubnood oo ka mid ahaayeen: Muuse Galaal, Shire Jaamac, Yaasiin C. Keenediid iyo Kaddare, oo loo igmaday in ay ka warbixiyaan 17 far ee markaas la soo bandhigay, ayaa sannadka 1961 soo saaray qoraalkan: «The Report of The Somali language Commitee ». Warbixintaas waxaa ka mid ahaa in xulashada farta ku habboon Af-soomaaligu ay buuxiso 17 shardi, qaar kuwaas ka mid ahi waxay ka mid yihiin kuwa kor ku xusan.


[6] Natiijadeedana, waa taa fartaas maanta u suurtaggelisay soomaalidu meel kastoo ay ka joogto dunida daafaheeda in ay hesho « keyboard » si fudud loogu qori karo farta Af-soomaaliga, sida Af-ingiriisiga.

Friday, October 14, 2016

Waa maxay cilmi-afeed?



W. Q. Prof. Cabdalla Cumar Mansuur


Waxyaabaha aan rajaynayo in aan halkan isku dhaafsanno waxay ahaan doonaan, hadduu Alle idmo, sida horayba laydin ku soo wargeliyay, in aan isdhaafsanno macluumaad guud oo ku saabsan farta iyo naxwaha af Soomaaliga. Haseyeshe, qofka doonaya in uu sameeyo cilmibaaris afeed wuxuu u baahanyahay inuu daalacdo qoraallada faraha badan ee laga qoray naxwaha af Soomaaliga, laga soo billaabo 1849 ilaa maanta, oo ku qoran: af Ingiriiska, af Talyaaniga, af Jarmalka iyo af Fransiiska, laakiin  fahamka qoraalladaas badankood way ku adkaanayaan qofka hadduusan wax ka aqoon culuunta adeegsiga cilmi-afeedka (linguistc).

Cilmi-afeedku waa aqoon cilmibaariseed oo ballaaran, oo ka kooban maadooyin fara badan sida: cilmiga codadka (codaynta), sarfaha, dhismaha weerta, micnaha ereyada, taariikhda afka iwm. Waa duruus ka mid ah kuwa laga barto jaamacadaha, gaar ahaan kulliyadaha afafka.

Haddii aan si kale oo fudud u niraahno, afka lagu hadlo  waxaan ku matali karnaa baabuur/ gaari, qofka ku hadlana waa shufeerka baabuurka, cilmi-afeedyahankuna waa makaanikaha baabuurka, kaaso gabal gabal u yaqaan wax kastoo uu ka kooban yahay baabuurka iyo wax waxtarkoodu.

Haddaba, haddaadan makaanika ahayn, noqo shufeer daryeela baabuurkiisa.


F.G. Labada erey, baabuur iyo gaari,  waa ereyo asalkoodi hore ka soo kala jeeda af Fransiiska iyo af Hindiga. Sidaas ay tahay, labadooduba waxay maanta ka mid yihiin ereyada Qaamuuska Soomaaliyeed.

Thursday, October 13, 2016

Weydiin iyo Warcelin

Qoraalka iyo Afka



Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa qaar ka mid ah su`aalaha ku saabsan afka iyo  qoraalka. Wixii su`aal ah ee aad qabto fadlan ku dhaaf meesha loogu talagalay fallooyinka iyo ra`yiga.

3) Weyddiintii Cumar yuusuf

Ma is leedahay Alifka (Alifabeetada) Soomaliga waa qabyo tusaale ahan xarafka P maku jirto, gudigi qoristana maxey ogu tageen oo ay ku andacoonayan?
dhanka kale markad eegto dhanka dhawaqa ereyada qaar ee Soomaliga waxa kuso baxa in afkeena sida afafka Turkiga iyo Germany-gu uu leeyahay xarfahanÜ, Ö,I oo dhawaqa qaarkood aad ka dareemi kartid ee iyana maxaad ka oranee?

Jawaab:
Xarafka P, Ü, Ö ee aad ka hadlayso ogaan ayaa looga tagay.
Jawaabta weyddiintii Cumar Yuusuf iyo labadii su’aal ee hore oo wada faahfaahsan, fadlan ka akhri maqaalkayga “Midaynta iyo Horumarinta af Soomaaliga” ee ku daabacan bogga Qoraalka iyo Hadalka.


Prof. Cabdalla Cumar Mansuur

Wednesday, October 12, 2016

Midaynta iyo Horumarinta Af Soomaaliga

Prof Cabdalla Mansuur

Kaddib markii loo kala qaxay dalal afafkoodu kala duwan yihiin, waxaa la dareemay ahmiyadda uu leeyahay afka hooyo iyo qoraalkiisuba. Gaar ahaan xagga qoraalka, afku wuxuu noqday midka keliya ee laysku afgaran karo. Arintan ayaana keentay in ay sare u kacdo danaynta afka hooyo iyo in adeegsigiisa la badsado

Soomaalidii uu faranjigu ku tilmaami jiray dad wada gabyaa ah, haatan waxay noqdeen dad wada qoraa ah. Geedkii hoostiisa lagu doodi jirayna waxaa lagu beddelay internet iyo qalabka warbaahinta kale. Tiro badan iyo tayo fiican laysla waa. Sidaa darteed waxaa dhashay dooda badan oo ku saabsan Af-soomaaliga. Dad ayaa aaminsan in afku aanu xasilnayn, waxayna u aanaynayaan: kala duwanaanta lahjadaha iyo farqoraalka Af-soomaaliga.

Haddaba, anigu ma qabo in lahjadaha kala duwan iyo farqoraalka Af-soomaaligu ay yihiin caqabadaha hortaagan midaynta iyo horumarinta afkan, waxaana muujinaya arrimaha soo socda ee aan ku soo bandhigayo qaybta hore (qodobbada: 1 & 2), qaybta dambana (qodobbada 3 & 4) waxaan wax ka tilmaamayaa dhibaayooyinka dhabta ah ee ka jira afka oo u baahan in wax laga qabto.

1. Kala duwanaanta lahjadaha

Lahjadaha Af-soomaaliga, oo tiradoodu ka badan tahay 25 afguri ama lahjadood, marka laga eego sida qaababkoodu ay isugu dhowyihiin, waxaa guud ahaan loo qaybin karaa 5 ama 4 koox lahjadeed :
1) Lahjadaha Maxaatiri (oo ka kooban 10 farac lahjadeed) waxaa looga hadlaa dhammaan degaamada soomaaliyeed, marka laga reebo inta u dhaxaysa labada webi. Guud ahaanna waxaa loo qaybin karaa laba koox hoosaad: Maxaatiri Woqooyi iyo Maxaatiri Koofureed.

2) Lahjadaha Maay (oo ka kooban 5 farac lahjadeed) waxaa looga hadlaa degaanka u dhexeeya labada webi, gaar ahaan dhanka koonfur-galbeed Soomaaliya.

3) lahjadaha, Maa-dhati/Ashraaf (oo 2 ah) waxaa looga hadlaa degmada Shangaani (Muqdisho) iyo magaalada Marka.
4) Lahjado beeleed (oo 8 ahi) waa lahjado beelo u gaar ah, laba kooxood ayayna ka koobanyihiin:
a) lahjadaha Digil (oo ah 5 lahjadood oo kala duwan) waxaa ku kala hadla beelaha: Garre, Jiiddu,

Tunni, Dabarre, Oroole, waxaana looga hadlaa deegaanka ku teedsan webiyada ee dhanka koonfureed ee Soomaaliya.

b) lahjado jacbur (oo 3 ah) waxaa ku hadla beelaha: Hubeer, Reer Aamiir, Riibo .
Lahjadahani waxyaabo badan ayay ku kala duwanyihiin oo la xiriira: codaynta, sarfiga, weeraynta iyo ereyadaba. Isla markaana waxaa muuqata in Af-soomaaligu, qoraal ahaan iyo hadal/oraah ahaanba (oraly), uu aayar aayar u midoobi rabo. Waxyaabaha caddaynayana waxaa ka mid ah:

1.1. Kala duwanaanta xagga sarfiga falka

Waxa aan halkan tusaale ahaan ugu soo bandhigaynaa habka ay lahjaduhu u adeegsadaan fal amminkiisu yahay joogto socoto, sida falka “qaado”.

W,Q Prof. Cabdalla Cumar Mansuur

Macluumaad dheeri ah oo la xiriira maqaalka ka akhriso halkan:

http://dspace-roma3.caspur.it/handle/2307/4881

Monday, October 10, 2016

Qoraalka iyo Hadalka

.

WEYDIIMAHA IYO JAWAABAHA  EE AFKA IYO QORAALKA SOOMAALIGA


Prof.  Cabdalla Cumar Mansuur

Wixii su`aal ah ee  ku saabsab afka iyo qoraalka Soomaaliga u soo gudbi Ustaad Cabdalla Cumar Mansuur si uu kaagaga jawaabo. Waxaan aad ugu mahadnaqayaa Ustaad Cabdalla oo go`aansaday inuu ugu deeqo dhalliyarada Soomaaliyeed iyo waayeelkuba aqoontiisa sare ee cilmiga afafka. Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa kuwii ugu horreeyay oo Ustaadka u soo gudbiyay weydiimahooda. (Cabdulqaadir Maxamed Mursal)


Weyddiimahii Facebook-ga:

1)      Weyddiintii Sabriye Musse

Professor Cabdalla Mansuur waxan leeyahay waad dadaasheen adiga iyo raggii kale ee Far Soomaaliga iyo naxwaha Af Soomaaliga qoray, laakiin ma aydnaan dhigin Af Soomaali, waana shaqo qabyo ah. Waxa dhiman oo aan laga fekerin, amaba aan iraahdo laga fekeray, hase yeeshee aan la dhaqan-gelin in Af Soomaaliga salka loo dhigo oo erayada qaab-qoraal dadka oo dhan ka dhaxayn kara oo sal-dhigan loo yeelo. Tusaale: Waxay doonaysaa lacag.
waxay, waxey, waxeey, wexey, wexeey,
Qof walbaa sida uu rabo ayuu u qoraa. Waxa la doonayaa erayo "Standard" ah oo warbaahinta iyo qoraallada rasmiga ah ee dowladda, dugsiyada, iyo Jaamacadaha lagu adeegsado.
Waa middaas sababta aan u leeyahay Af Soomaaliga waa la qoray ee lama dhigin.

Jawaab:
a)      Fadlan yaan laysku qaldin far iyo lahjad. 72dii far uun baa la soo saaray.
b)      Soomaalidu in ka badan 10 lahjadood oo kale duwan ayay leedahay, haseyeeshee, laba uun baa hab qorista ku soo hartay, taasina waa tallaabo weyn ee tilmaan u ah midaynta af Soomaaliga. Labadaasina waxaa afka faranjiga lagu yiraahdaa “variant”, oo ah wax af walba leh, sida: xidhiidh & xiriir; shiikh & sheekh iwm.
c)      Qaab qoraalka af Soomaaliga, 18kii sano ee hore, intiisi badnayd waa midoobay, qaar aan weli midoobinna way jiraan, sida qorista magaca afka hooyo: Af Soomaali, Af-Soomaali, Af-soomaali, af Soomaali. Inta hartayna, markii la helo hay’ad dowladeed ee hagta arrima afkan, ayaa aayar aayar u midoobi doonaan, hadduu Alle idmo.
d)      Burburka kaddib, markii ay meesha ka baxeen hay’adihii dowladeed ee u xilsaarnaa, ayaa hab qoristii ninba sidii ay la noqotay u qoray, sida: waxey waxeey wexey wexeey, dadkaas waxaa ka mid ah:
      Dhallinyaro aan af Soomaaliga wax ku baran, oo adeegsiga internet iyo telefonka ay ka barteen qorista af Soomaaliga.
      Kuwa caadifad  lahjadeed baa laga yaabaa in ay ku kalliftay khilaafka
Intaa waxaa sii dheer, aqoonyahanno isku dayay in ay wax ka saxaan hab qoristii hore ee la caadaystay, badankooduna ilama ah in ay soo saareen wax af Soomaaliga mideeya ama hormariya.

2)      Weyddiintii Ibraahim-Hawd Yuusuf

Macallin Mansuur wax uu qabaa fikrad ah: Afka ha loo qoro sida u gu fudud ee dadku akhriyi karaan dhigaal ahaan, oo yaan la gu mashquulin naxwaha iyo sarfiga erayga asalka u ah. Taas anigu ku ma raacsani oo waxaan qabaa erayga haddii naxwaha iyo sarfiga uu abuur ahaan ka samaysan yahay la ilaalin waayo in afkuba burburayo oo asalguurayo. Masaladan khilaafkeedu wax uu aad u soo baxaa sida erayada qoristooda la isugu dardaro ama loo ka la jarjaro. Maanta haddaba macallinka aan wayddiiyo afar qodob oo aan u aqaan labada horgale iyo labada dibgale in erayga la raaciyo iyo in la ga jaro ta isaga la qumman. Labada horgale waa IN iyo IS ("ISbarasho", "IN aad qorto"). Labada kalena waa SE iyo NA ("wax aan SE", "aniguNA").
Jawaab:
Inkastoo hadalkaygu uusan ahayn sida aad u dhigtay, waxaan isku dayayaa in aan raaco aragtidaada asalraaca ah. Tus.: ereyadan “gabadhaha, loo, igu, heshey” haddii aan raaco asalkooda naxweed waa inaan u qoraa sidatan: gabdho+ka = gabdhoka; waa la u diray; kalkaa i ku sug! heltay.  
a)      Adeegsiga labadada qurub (in & is) 2 siyoodba waa loo adeegsan karaa: inaan/in aan; iskaashiga (magac), way is xilqaameen (fal). Laakiin xiriirayaasha –na (adna) iyo –se (guriguse) naxwe ahaan, iima cadda  wax dad ku kallifaya in la beddelo habkii hore ee la caadaystay.    
b)      Bal suugaantana aan ka wardoonno, tixdan oo tiriyay Ina Cabdulle Xasan
Xayow Faarax hadal rag waa loo xutubiyaa (la+u)
Nin xishood leh baan ahay haddaan lays xisdiyahayne (baa+aan, haddii+aan, la+is),
………..
Adna xaashi baad iila timid xaakin soo qoraye (adigu+na, baa+aad, i+u+la)
Haddaba, waxaan ku talin lahaa in sida la caadaystay loo qoro ereyada inta cod ahaan isku lifaaqan, sida suugaantaba ay uga dhex muuqdaan. Bal ka warran, haddii baydka ugu dambeeyay ereyadaasi aan kala dhigdhigno: Adigu na xaashi baa aad i u la timid xaakin soo qoraye!!
Laga yaabaa in wax qalad ah ay iga fakadeen, ha layga raalli ahaado.

“Alkamaalo lillaah, wabillaahi towfiiq”
Prof. Cabdalla C. Mansuur