Prof Cabdalla Mansuur |
Kaddib markii loo kala qaxay dalal afafkoodu kala duwan yihiin, waxaa la dareemay ahmiyadda uu leeyahay afka hooyo iyo qoraalkiisuba. Gaar ahaan xagga qoraalka, afku wuxuu noqday midka keliya ee laysku afgaran karo. Arintan ayaana keentay in ay sare u kacdo danaynta afka hooyo iyo in adeegsigiisa la badsado
Soomaalidii uu faranjigu ku tilmaami jiray dad wada gabyaa ah, haatan waxay noqdeen dad wada qoraa ah. Geedkii hoostiisa lagu doodi jirayna waxaa lagu beddelay internet iyo qalabka warbaahinta kale. Tiro badan iyo tayo fiican laysla waa. Sidaa darteed waxaa dhashay dooda badan oo ku saabsan Af-soomaaliga. Dad ayaa aaminsan in afku aanu xasilnayn, waxayna u aanaynayaan: kala duwanaanta lahjadaha iyo farqoraalka Af-soomaaliga.
Haddaba, anigu ma qabo in lahjadaha kala duwan iyo farqoraalka Af-soomaaligu ay yihiin caqabadaha hortaagan midaynta iyo horumarinta afkan, waxaana muujinaya arrimaha soo socda ee aan ku soo bandhigayo qaybta hore (qodobbada: 1 & 2), qaybta dambana (qodobbada 3 & 4) waxaan wax ka tilmaamayaa dhibaayooyinka dhabta ah ee ka jira afka oo u baahan in wax laga qabto.
1. Kala duwanaanta lahjadaha
Lahjadaha Af-soomaaliga, oo tiradoodu ka badan tahay 25 afguri ama lahjadood, marka laga eego sida qaababkoodu ay isugu dhowyihiin, waxaa guud ahaan loo qaybin karaa 5 ama 4 koox lahjadeed :
1) Lahjadaha Maxaatiri (oo ka kooban 10 farac lahjadeed) waxaa looga hadlaa dhammaan degaamada soomaaliyeed, marka laga reebo inta u dhaxaysa labada webi. Guud ahaanna waxaa loo qaybin karaa laba koox hoosaad: Maxaatiri Woqooyi iyo Maxaatiri Koofureed.
2) Lahjadaha Maay (oo ka kooban 5 farac lahjadeed) waxaa looga hadlaa degaanka u dhexeeya labada webi, gaar ahaan dhanka koonfur-galbeed Soomaaliya.
4) Lahjado beeleed (oo 8 ahi) waa lahjado beelo u gaar ah, laba kooxood ayayna ka koobanyihiin:
a) lahjadaha Digil (oo ah 5 lahjadood oo kala duwan) waxaa ku kala hadla beelaha: Garre, Jiiddu,
Tunni, Dabarre, Oroole, waxaana looga hadlaa deegaanka ku teedsan webiyada ee dhanka koonfureed ee Soomaaliya.
b) lahjado jacbur (oo 3 ah) waxaa ku hadla beelaha: Hubeer, Reer Aamiir, Riibo .
Lahjadahani waxyaabo badan ayay ku kala duwanyihiin oo la xiriira: codaynta, sarfiga, weeraynta iyo ereyadaba. Isla markaana waxaa muuqata in Af-soomaaligu, qoraal ahaan iyo hadal/oraah ahaanba (oraly), uu aayar aayar u midoobi rabo. Waxyaabaha caddaynayana waxaa ka mid ah:
1.1. Kala duwanaanta xagga sarfiga falka
Waxa aan halkan tusaale ahaan ugu soo bandhigaynaa habka ay lahjaduhu u adeegsadaan fal amminkiisu yahay joogto socoto, sida falka “qaado”.
W,Q Prof. Cabdalla Cumar Mansuur
Macluumaad dheeri ah oo la xiriira maqaalka ka akhriso halkan:
http://dspace-roma3.caspur.it/handle/2307/4881
Cajiib, waan arkey wax badan waayo, seddax ilaa afar lahjadood oo Soomaaliyeed Ayaan so fiican ugu hadlaa.
ReplyDeleteMararka qaar waxaan dareemaa culeys erayada la adeegsanayo sida (waxaan Ku irri, mee kaa irriyaa iyo may ka arreey).
Si kale haddii aan u dhigo Maatiri (waxaan irri, Dabarre :meet kaa irriyaa, Maayga :way ka arrest).