Monday, January 2, 2017

Hordhaca bogga Saxaafadda

بسم الله الرحمن الرحيم
Taariikhda Saxaafadda Soomaaliyeeyd

C,M,Mursal
Wax badan ayaan ku hamminayay inaan mar uun bilaabo meel kayd u noqota taariikhda wariyaha Soomaaliyeed xilli kastaa ha joogee. Kaddib markii ay dad badan oo Soomaaliyeed oo waayo-arag ah ay igu dhiirrigeliyeen in la helo, lana ururiyo taariikhda wariyaha Soomaaliyeed oo aan maanta lahayn wax raad ayuu maanta Alle ii suurtageliyay inuu i waafajiyay inaan abuuro boggan cusub ee ururindoona kana warrami doona taariikhda wariyaha shalay iyo maanta.

Waxaan ka dheregsannahay iney wariyeyaasha Soomaaliyeed kuwoodii  hore ay wax badan ku soo kordhiyeen guud ahaan warbaahinta Soomaaliyeed, haddii ay noqon lahayd ereybixinnada cusub ee Afsoomaaliga, asluubka iyo qaabka hawlaha wariyaha laga doonayo haddii ay idaacad, telefiishan ama wargeysyo.

Haddii Alle idmo waxaan bloggan ku uruindoonnaa dhammaan wariyeyaasha ku shaqeeya xirfadaha kala geddisan sida: Kuwa ka shaqeeya qoraallada iyo wargeysyada, wakaaladaha wararka, idaacadaha, sawir-qaadayaasha nooc kasta ay yihiin, websityada oo ka mid ah xirfadaha teknooloojiyada cusub.

Waxaad ka heli doontaan taariikhda qaaliga ah ee wariyeyaasheennii hore kuwooda geeriyooday iyo kuwooda noolba. Waxaa kaloo uu bloggan wuxuu kaloo fursad u noqon doonaa wariyaha dhallintayar ee u baahan gacan-qabasho iyo tilmaan si uu uga faaiideysto wariiyeyaashii waayaha soo joogay ee weli qaarkood xirfaddii ku jira, qaarka kalena iyagoo hawlgab ah doonaya in wax laga dhegeysto.
Wariyuhu wuxuu boggan ka baran dooaa casharro waxtar u ah xirfaddiisa kuwaasoo salka ku haya sida maanta warbaahintu u hormartay una shaqeyso, waxaan taas igala qaybqaadan doona aqoonyahanno, wariyeyaal ruugcaddaa ah ee Soomaali iyo dadyow kaleba ah.

Waxaan dhamaan xirfadleyda mehnaddan iyo kuwa jecelba ka codsanayaa iney ii soo diraan wax kastoo macaluumaad ah iyo sawirro ah si aan halkan ugu qoro uguna kaydiyo.  Farriintan waxay ku socotaa dhamaan magaca weriye,  cod, qoraal iyo muuqaallaba.

Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha ugu badan dunida ee waxyeellada loogu gaystay wariyaha Soomaaliyeed, tirada ugu badanna lagu dilay, waxay ka mid noqon doonaan taariikhda aan rabo in bloggan Horumarinta Afsoomaaliga  soo ururiyo.

Boggan waxaa leh wariyaha Soomaaliyeed dhallintayaro iyo kuwa waayo-araggaaba, wuxuuna qof kastaa oo xirfaddan ka soo shaqeeyay, iminkana ka shaqeeya uu ku yeelan doonaa bog uu isaga warramo, noogana sheekeeyo wixii uu soo maray iyo hadda wuxuu hayo

Mahadsanidiin

Cabdulqaadir Maxamed Mursal

No comments:

Post a Comment