Miyir dhawr arrimood oo aan kala dhib yarayn ayaa u sinmay; inay
dusha u ridato. Caynab oo ceebo waa shan af-maroojis eh ay sidaas dhaawiciisa
ku cid galiso. Inay halkaas uga dhaqaaqdo oo aakhiro ninba meeshii Eebbe u
qoray buu tagine ay adduunka ku waydo wiilka ay iyaba cindiga ku haysay isaga
iyo tuludiisa.
Aan dib kuu xusuusiyee akhriste hablaha Soomaalidu jecaylkooda
ragga uma muujin jirin xataa hadday u dhimanayaan. Waxaana taas kuu caddaynaya
xikmaddii oranaysay “Baroortu orgiga ka weyn” oo sida ay wariyaan
taariikhyahannada Soomaalidu ahayd, gabar nin la siiyey balse aan wali lala
aqal-gelin oo iyada oo ardaaga gurigooda fadhida aroos iyo dadab-galna roob da’
lagu ballansan yahay loo soo sheegay in dooxato uu ka mid ahaa ninkii la siiyey
la warjeefay.
Markay dhiilladaas maqashayna inta guriga gasada u gashay oohin
qabsatay. Waxaa u soo galay aabbeheed oo ku yiri: aabbe maxaad la ooyaysaa?
Iyana si fudud yay ugu jawaabtay aabbe soo ma ogid in diraacdii dhawayd orgigii
ina qaar-cas ahaa dawaca cuntay. Aabbaha oo hawsha gunkeeda garanaya ayaa inta dhoolla-caddeeyey
yiri: aabbe baroortu orgiga ka weyn.
Haddaba aan sheekadeenii dib ugu laabannee Miyir waxay go’aansatay
inay Caynab gacan-qabato, naftiisana badbaadiso. Caynab ma lahayn far
garaarisa, wuxuuna dangiigay halkii xalay ay aarka ku kulmeen oo aan geed
fiyowbi ku oollin. Waxay soo qaaday Caynab, waxayna keentay gurigii ay saaka
ariga ka ood-qaadday. Marka ay la soo wareegtay gurigooda waxaa arkay carruur
yaryar oo Miyir la dhalatay, balse waxay ku noqotay fajiciso iyo amakaag.
Waxay Caynab hoos dhigtay geed haraca oo guriga ku horyaallay,
waxayna ku qulaamisay barax ay khafiif uga dhigtay. Wax uu liqo iyo wax uu
qawlasha ka daadiyaba Caynab calooshiisii wax tage. Muddo yar kaddib waxaa
gurigii yimid Abti-doon oo xog-mooge ah, waxayse indhihiisu qabteen ninkaan
dhallinyarada ah oo aan hiih iyo haah midna lahayn ee geedka bilqan! Carruurtii
ayaa la soo booday iyada oo aan cidna su’aal waydiin; aabbe ninkaan Miyir baa
siday oo geedka soo dhigtay! Waxay ku noqotay layaab kale oo horleh balse Miyir
oo aan weedh kale sugin ayaa ka warrantay wixii maanta ay aragtay iyo inay
go’aansatay wiilkaan Soomaalinnimo iyo islaannimo inay u soo badbaadisay.
Abtidoon ayaa dul tegey ninkii dhaawaca ahaa, wuxuuna eegay meelaha
dhaawucu ka gaaray iyo sida uu u waxyeeleeyay bahalkii shaashka lahaa, wuxuuse
yiri; Miyirey wiilka magaranaysaa adigu?
Miyir ayaa ku jawaabtay aabbe ma garanayo, balse wuxuu iila
egyahay wiil geel dheelmataan ah xalay nala dulmaray aniga iyo hooyo oo ariga
mayracayna.
Caynab shan beri kaddib ayuu indhaha kala qaaday, wuxuuse garan
waayay meel uu ka yimid iyo meel uu joogo midna. Wuxuu arkay isaga oo tigtigay
oo meel kast ay kaga jiraan ulo dheer dheer oo lagu kabay iyo qolfo geedo kala
duwan oo dusha ka saaran, mayrax lagu duubay meelo jirkiisa ka mid ah. markii uu
soo miyirsaday wuxuu indhaha ku dhuftay Abtidoon oo dhiniciisa fadhiya oo bari
idaad meel dhaawac ah uga dhayaya. Caynab loo sheeg sida wax u dheceen, loogana
warran hawshii bilow ilaa dhammaad.
Bilo kaddib, Caynab waxaa laga furay kammihii, wuxuuna ku istaagay
addimihiisii, lixdiisii lixaadna waxay u wada caafimaadeen. Markii uu baansaday
oo gugii da’ay ayuu u soo ardaa-galay Miyir,
waxaana loo siiyey si sharaf leh, wuxuu yarad uga bixiyay 49 neef oo
geel ah, oo kala socota, faras baxdoy ah, xakiim iyo labadiisii shakadood, wuxuuna
noqday inan la yaal.
La soco qaybta 6aad
La soco qaybta 6aad
No comments:
Post a Comment