Kooxda 2°: falalka horkabeyaasha leh
Kooxdan waxay ka koobantahay falal tiradoodu aad u koobantahay,
haddana adeegsigoodu aad buu u badanyahay. Waxay leeyihin lifaaqyo
horkabe iyo dibkabeba ah oo isrogroga, waxayna isu rogrogaan qaabka
ugu qaddiimsan ee luqadda. Kooxdan waxaa ugu muhimsan shantan fal
ee hoos ku xusan: aqoo, aal, imow, dheh, ahaw.
Tus.:
Waxaa nimid marka ay iyagu yimaadeen.
Qofka aad taqaanaa waan kula aqaanaa.
Anigu shalay ayaan imid, idinkuna goormaad timaaddeen?
Xaggay yaallaan buugaagtu.
Ma xasuusantahay waxa aan ku niri ?
Falka shanaad oo ah ahaw wuxuu horkabe leeyahay amminka joogtada
oo keli ah. Tus.:
Waxaad tahay nin wanaagsan
(Falalkan isrogroggooda oo kaamil ah ka eeg bogagga shaxda hogatuska.)
5. Qurubyada (particles)
Qaybtan waxaa lagu qaadaadhigayaa qurubyo aan isbeddelayn oo
weerta gudaheeda ka kala ciyaara kaalimo kala duwan, waxayna kala yihiin:
horyaalayaasha, xiriiriyeyaasha, qurub diiradeedyada, iyo qurubyo cayima
nooca ay weertu tahay.
5.1 Horyaalayaasha (prepositions)
Waa qurubyo bartoodu tahay falka ka hore (halkaasoo ay ku
lifaaqmaan magacuyaallada dhimman oo layeelaha ah), waxay weerta
gudaheeda ku hayaan magaca aan yeelaha ahayn, yacnii horyaalkaas
la’aantiisa magacaas kama mid ahaan karo weerta. Horyaalayaashu waa afar:
u, ku, ka, la. Sida soo socota ayayna u shaqeeyaan:
a. Ku iyo ka
waxay isku xiraan falka iyo meesha fakaasi uu ka dhacayo. Tus.:
Cali wuxuu ka shaqeeyaa warshadda
Xasan suuqa ayaan ku arkay
- Ka waxaa kaloo loo adeegsadaa meel ka imaansho. Tus.:
Nin baa Gaalkacyo ka yimi.
Sidoo kale mawduuc laga hadlayo ayaa loo adeegsadaa. Tus.:
Axmed taariikhdiisa ayuu ka hadlay
- Ku waxaa kaloo loo adeegsadaa wasiilo. Tus.:
Bariiska qaaddada ku cun!
b. U waa horyaale 4 siyood loo adeegsado:
- hadaf ama ulajeeddo ayuu la xiriiraa. Tus.:
Wiilku wax buu u danleeyahay?
- ama jiho. Tus.:
Aadan dibadda ayuu u dhoofay.
- ama cid u samafalid. Tus.:
Maryan, wiilka shaah u kari!
- ama hab. Tus.:
Si wanaagsan u habay!
Si fiicaan u akhri!
c. La waa layeele tilmaama la jirid ama wadajir. Tus.:
Cali aabihiis ayuu la joogay.
Horyaalayaasha rugtoodu waa falka hortiisa, magaca ay la shaqeeyaanna meel
uma go’na. Haddii weer gudaheeda laga helo in ka badan hal horyaale waxay
ku wada kulmaan falka hortiisa5 , mararka qaarkood waxaa dhici karta in
magaca uu la xiriiro lagu wareero sidii loo fasiri lahaa, waxaa keliyah oo lagu
kala saari karaa xaaladda (context), sida weertan:
Axmed baa odayga wiilka guriga ugu geeyey
(yaa la geeyey, yaana loo geeyey?)
Weertan kale ee fudud:
5 Iskudhafka horyaallada iyo magacuyaallada dhimman ee layeelaha ah waxaad ka eegtaa
shaxda hogatuska.
Axmed baa qaaday buugaagta.
Haddii aan ku darno cidda loo soo qaaday iyo meesha laga soo qaaday
buugaagta waxaa soo baxaysaa weertan ballaaran:
Axmed baa Maryam uga qaaday buugaagta miiska.
Weertan waxay ka timid isku dhafka labadan weerood:
Axmed baa ka qaaday buugaagta miiska +
Axmed. baa u qaaday Maryam buugaagta
Horyaallada isku dhafan ama ku dhafan magacuyaallada layeelaha ah oo
kaamil ah waxaad ka eegtaa shaxda horyaallada iyo magacuyaallada.
La soco casharka 10aad
Diyaarintii: Prof. Cabdalla Cumar Mansuur & Annarita Puglielli.
No comments:
Post a Comment