Tuesday, December 13, 2016

Naxwaha Afsoomaaliga - Casharka 1aad

Qaybaha ugu muhimsan ee naxwaha afsoomaaliga
Prof. Cabdalla
Qaybaha ugu muhimsan ee naxwaha af-soomaaliga, oo looga
baahanyahay xagga sifaynta af-soomaaliga, oo caadiyan loo yiqiin “qaybaha hadalka”, waxay yihiin: magacyadacayimayaasha(determiners), magacuyaalladafalalka iyo qurubyada. Inta aan loo gudaggelin sifaynta qayb walba waxaa muhim ah in hoosta laga xarriiqo waxyaabaha qaarkood ee u gaarka ah ereyada af-soomaaliga.

Ereyada af-soomaaliga waxaa ka mid ah ereyo badan oo lagu magacaabi karo erey-saleedyo, yacnii waa ereyo aan weli naxwe ahaan caddayn waxa ay yihiin.

Erey-saleedyada waxaa laga heli karaa weerta dhaxdeeda iyagoo ah magac, kaasoo noqon kara yeele ama layeele (toosan/dadban), ama isagoo ah fal u
shaqaynayo khabar ahaan (predicate). Tus.:
qosol (erey-saleed)
Halkan qosol loogama baahna (waa magac)
Wiilku waa qoslay (waa fal)
caddayn (erey-saleed)
Caddayn baa lagaa rabaa (magac)
Waxaan caddaynayaa inaad shaqaysay (fal)
quusad (erey-saleed)
Iska ilaali quusadka (magac)
Inta aadan quusanin ayaan kula hadlayaa (fal)
Haddaba waxaa la doorbiday in qaamuuska laba jeer lagu qoro ereyada la
midka ah ereyga qosol isagoo magac ah iyo isagoo fal ah.
Waxaan halkan ku soo bandhigaynaa astaamaha guud ee ay leeyihin kooxnaxweedyada
ama qaybaha hadalka ee la xiriira ereyada af-soomaaliga.

1. Magacyada

Magacyadu waxay tilmaamaan dad, duunyo, shay, ra’yi, fal iwm sida:
nin, ari, buug, figrad, maanta, bixid iwm. Haseyeeshe waxaa loo sii kooxeeyaa
iyaga oo laga eegayo qaar ka mid ah astaamahooda la xiriira micnahooda,
madaama astaamahaasi ay muujinayaan qaabab sarfeed iyo weereed oo kala
duwan. 

Magacyadu waxay la socon karaan cayimayaal (determiners),
kuwaasoo dib loogu lifaaqo magacyada, sida aan ku arki doonno bogagga soo
socda.


1.1 Qaybaha magacyada
Guud ahaan magacyadu waxay u kala baxaan:

a. Magacyo gaar ah, kuwaasoo lagu aqoonsado qof ama shey gaar ah, sida:
Cali, Maryam, Moqdisho iwm.

b. Magacyo guud, kuwaasoo ah macgacyo aan cidna u gaar ahayn, sida:
geed, nin magaalo, duqnimo iwm, waxaana lagu lifaaqi karaa cayimayaal,
waxaana laga dhigi karaa wadar.

Magacyada guud laba qaybood ayaa loo sii kala saaraa:

magacyo cillanaad oo ay tilmaamayaan wax shanteenna dareemayaal
aanu dareemi karin sida: ra’yi, ceeb, run, jacayl, dadnimo iwm.
magacyo caadyaal ah oo tilmaamayaan wax nool ama shay la arki
karo oo la taaban karo sida: nin, guri, ari, geed iwm.
Magacyada caadyaalka ahi waxay u sii kala baxaan laba qaybood:

- Magacyo tirsama oo ah magacyo tilmaamaya dad ama shay la tirin
karo, sidaa darteed magacyadaas qaab wadareed ayay lahaan karaan. Tus.:
buug, guri, nin iwm.
afar buug ayaan akhriyey.
buugag baan kuu soo iibiyey.

Magacyo aan tirsamin waa magacyo tilmaamaya wax aan la tirin
karin sida: sonkor, biyo, caano, ciid iwm, sidaa darteed suurtaggal ma
ah in aan niraahno:* hal sonkor, * laba caano, *afar ciid iwm. Tus.:
*labo biyo ayaan rabaa (waa qalad)
biyo badan ayaan rabaa (waa sax).

Arrirtan ayaa ugu wacan in ereyadani aanay lahaan karin qaab wadareed. 
Waxaa kaloo ka mid ah magacyada aan tirsamin magacyo
kale oo aan tilmaamaynin qof ama neef xayawaan ah oo keliya,
laakiinsee tilmaamaya koox dad ama duunyo ah, oo loo arkayo sidii
wax midaysan ama urur ah, sidaa darteed lama raacsin karo tiro
wadareed, magacyadaasna waxaa lagu magacaabaa magacyo urur
waxaana ka mid ah: dad, dumar, ari, ido, caruur, geel iwm.Tus.:
*afar dad ayaan arkay (qalad)
dad badan ayaan arkay (sax)

Sida muuqata magacyadan lama raacsiin karo tiro wadareed, waxaase la raacsiin
karaa oo keliya ereyga “badan”, sidaa darteed waxay qayb ka yihiin
magacyada aan tirsamin, haseyeeshee qaab ahaan magacyadan waa la
wadarayn karaa iyagoo lagu lifaaqayo dibkabe wadareed oo iyaga u gaar ah
(–yaw), sida: dadyaw, geelyaw oo loola jeedo dad badan, geel badan

La soco casharka 2aad

1 comment: