Tuesday, December 13, 2016

Naxwaha Afsoomaaliga - Casharka 3aad

 Astaamaha guud ee magacyada

Prof. Cabdalla 

- Magacyada ku dhammaada -waxay ku wadaroobaan dibkabaha
-yaal, cayntuna dheddig ayay noqotaa. Tus.:
bare(ha) > barayaal(sha),
aabbe(ha) > aabbayaal(sha)

- Waxaa jira magacyo labeed oo ay ku wadaroobaan marka codkaca loo
durkiyo xagga shaqalka 2aad, cayntuna dheddig ayay noqotaa. Tus.:
dibi(ga) > dibi(da)
carab(ka) > carab(ta)

- Qaar ka mid ah magacyada ka soo jeeda af carbeedka waxay ku
wadaroobaan qaab wadareedka af carbeedka. Tus.:
darsi(ga) > duruus(ta)
macallin(ka) > macallimiin(ta)

Magacyada dheddig ee kelida ah

Magacyada dheddig waxay ku wadaroobaan hababka soo socda:
- Xitaa magacyada dheddigga ahi dibkabaha -ayay ku wadaroobaan,
cayntuna lab ayay noqotaa. Tus.:
kab(ta) > kabo(ha)
bad(da) > bado(ha)
habar(ta) > habr(ha)
gacan(ta) > gacmo(ha)2

- Magacyada dheddig ee kelida ah oo ku dhammaada -waxay ku
wadaroobaan dibkabaha -yo, cayntooduna lab ayay isu rogtaa. Tus.:

mind(da) mindiyo (ha),
shin(da) shiniyo (ha)
------------------------------------------------------------------
dhaxeeya waa la xadfaa, sidaasaana ereyga ku noqda saddex alalanle, wuxuu dib ugu
noqonayaa laba alanlennimadii hore.
2 Labada erey ee ugu dambeeya waxaaloo adeegsaday xeerka ku xusan tixraaca hoose ee hore.

899

- Magacyada dheddig ee kilida ah oo ku dhammaada -waxay ku
wadaroobaan dibkabaha -oyin, waxayna isu beddelaan magacyo lab.
Tus.:
waddo(da) > waddooyin(ka),
daawo(da) > daawooyin(ka)

2. Cayimayaasha (determiners)

Cayimayaashu waa koox u qaybsan afar qaybood markii laga eego
xagga waxqabadkooda micneed, yacnii kala qaybintoodu waxay la xiriirtaa
nooca xogwarran ee ay ku biirinayaan hadba magaca dibkabe ahaan loogu
lifaaqayo. Waxayna u kala baxaan: qodobo, tilmaameyaal, weyddiimo iyo
lahaansho. Giddigoodu waxay leeyihiin: qaab labeed oo ku bilaabanaya
xarafka -iyo qaab dheddigeed oo ka bilaabanaya -t, waxayna waafaqaan
hadba caynta magaca ay ku lifaaqmayaan. Cayimayaashu marna ma
wadaroobaan xataa haddii magaca ay ku lifaaqanyihiin uu yahay wadar.

2.1 Qodobbada

Qodobka oo dowrkiisu yahay in uu cayimo magaca laga hadlayo ayaa afaf
badani u adeegsadaan laba qaab: qodob wax cayima iyo qodob aan wax
cayimin. Af-soomaaliguse wuxuu leeyahay midka wax cayima oo keliya, sida
af carbeedka. Taasi waxay la micna tahay in magaca aanu raacsanayn qodob
uu yahay wax aan cayinnayn ama aan la aqoonin. Tus.:

Nin baa yimid (halkan qofka laga hadlayo lama yaqaan)
Ninka ayaa yimid (halkanse waa la yaqaannaa)

Qodobka soomaaliyeed qaabab kala duwan ayuu leeyahay: -ka iyo -kii oo ay
raacaan magaca labeed iyo -ta iyo -tii oo ay raacaan magaca dheddigeed.
Haddii lagahadluhu uu ka fogyahay qofka hadlaya ama uu yahay wax mar
hore laga hadlay waxaa loo adeegsadaa -kii/-tii, laakiin -ka iyo -ta kuma xirna
labadaa arrimood ee hore.
Qaabka qodobku wuu isbeddelaa, waxuuna ku xiranyahay hadba sida uu
yahay dhammaaka magaca lagu lifaaqayo3

--------------------------------------
3 Xeerarka aan halkan ku soo bandhigaynaa waxaa la wadaaga cayimayaasha kale ee ka
bilaabma -iyo -t.

900

Qodobka -ka wuxuu isu beddelaa: -ha, -ga, -a. Xaaladaha keena
isbeddelladaasina waa kuwan:
qodobka -ka wuxuu isu beddelaa -ha markuu raaco magac ku
dhammaada shaqalka -ama –o. Tus.:
kabka = kabaha,
qorka = qoraha

-k waxay noqotaa -marka ay raacdo magac labeed oo ku
dhammaada: -g, -w, -aa, -u, -ama –i. Tus.:
buuka = buuggaereka = ereyga,
gurka = guriga, dhurwaa +ka = dhurwaaga
hka = huga, qaboka = qabowga

-k waxay noqotaa -marka ay raacdo magac labeed oo ku
dhammaado: -h, -x, -q, -c, -kh. Tus.:
madaka = madaxa, raka =raha,
magaka = magaca, diika = diiqa,
tookh ka = tookha.

Qodob dheddigeedka -ta isna wuxuu isu beddelaa: -da ama -sha.
-t waxay noqotaa -marka ay raacdo magac ku dhammaada shaqalka
-ama -d, -c, -x, -h, -yhamsa (‘). Tus.:
marta = marada , bata = badda,
qodata = qodaxda, bata = bacda,
gallata = gallayda bu’ ta = bu’da

-t waxay noqotaa -sh marka ay raacdo magac ku dhammaada –l. Tus.:
uta = usha ita = isha
bi+ta = bisha dhata = dhasha

2.2 Dibkabayaasha tilmaamayaasha

Tilmaamayaasha, sida qodobbada, ayaa magaca gadaal looga lifaaqaa,
tiradooduna waa saddex, kala duwanaantoodu waxay la xiriirtaa masaafada u
dhexaysa hadlaha iyo waxa uu tilmaamayo. Masafadaas saddex meelood ayaa
loo kala saaraa:

2.2 Dibkabayaasha tilmaamayaasha

Tilmaamayaasha, sida qodobbada, ayaa magaca gadaal looga lifaaqaa,
tiradooduna waa saddex, kala duwanaantoodu waxay la xiriirtaa masaafada u
dhexaysa hadlaha iyo waxa uu tilmaamayo. Masafadaas saddex meelood ayaa
loo kala saaraa:


901

La soco casharka 4aad

No comments:

Post a Comment