Tuesday, December 13, 2016

Naxwaha Afsoomaaliga - casharka 5aad

 Magacuyaallada dhimman ee layeelaha ah
Prof. Cabdalla 

b. Magacuyaallada dhimman ee layeelaha ah iyaguna markooda laba qayb ayay u kala baxaan:

Kuwan hore ayaana adeegsigoodu badanyahay:

1° ke. I
2° ke. Ku
1° w.so Na
1° w.mi Ina
2° w Idin
3°ke.l/3°w Ø (ma laha)
Tus.:
Way idin arkeen
Waad na hagaajisay
Muxuu ku baray macallinku?

Sida muuqata qofka 3° ee kelida ama wadarta ah ma laha qaabka
magacuyaalka dhimman ee layeelaha ah, haddaba maqnaashihiisa waxaa loo
fasirtaa in uu yahay qofka 3°, qofka falka leh waxaa laga garan karaa waxa
laga hadlayo (context), sida weertan oo kale: way keeneen, yeeluhu wxuu
noqon karaa wadar lab ama dheddig ama waxyaabo aan nooleen.

Kuwa kalena waa kuwan:

1° ke. kay
2° ke. kaa
1° w.so kayo
1° w.mi keen
2° w kiin
3° ke.l/3° w Ø (ma laha)

Magacuyaalladan waxaa la adeegsadaa markii barta koox faleedyada
ay ku wada kulmaan laba magacuyaal dhimman.Tus.:
Wuu iga kaa weyddiiyay
Aan isku kiin sheego

c. Waxaa kaloo ka mid ah qaybaha magacuyaallada dhimman labo
magacuyaal kale: la iyo is.
La waa magacuyaal yeele oo aanu caddayn qofka loola jeedo, waa
qof-laawe (passive), falkuna wuxuu ula dhaqmaa sidii qofka 3° ee lab
oo kelida ah.Tus.:
Waa la xaday
Waa lagu arkay (lagu la + ku mu.2°ly.ke)

Is waa magacuyaal aan isbeddelin oo layeele ah, muujinayana in falku
uu ku noqonayo isla yeelaha ama wax la is weydaarsanayo.Tus.:
Wuu is dilay (fal noqod)
Way is arkeen (isdhaafsi).

3.3 Koox kale oo ka mid ah magacuyaallada ebyoon

Qaababka cayimayaasha (yacnii dibkabayaasha tilmaamaha, lahaanshaha
iyo weyddiimaha ee kor ku xusan) oo lagu lifaaqo magacyada, waxaa
loo adeegsan karaa si madaxbannaan, yacnii magacuyaal ebyoon ayay yihiin.
Magacuyaalladan waxay kaloo cayimayaasha uga duwanyihiin in ay leeyihiin
qaab wadareed oo aan u kala soocnayn lab iyo dheddig iyo arrima kale oo aan
mid mid u arki doonna:

a.    Magacuyaallo tilmaame

Magacuyaalladan laba arrimood ayay uga duwanyihiin dibkabayaasha
tilmaame. Waxay leeyihiin qaab wadareed iyo qaab 4° oo aan lahayn
dibkabayaasha tilmaame oo tilmaamaya wax meel shishe yaalla.

cayn 

dhawaan 

durugsan 

baallayn 

shishayn

lab
kan/ka
kaas/kan
keer
koo
dheddig
 tan/ta
taas/tan
teer
too
wadar = l. & dh.
kuwan
kuwaas
kuweer
kuwoo


Tus.:
Kuwaas baa ka yimid dibadda
Keer yimid maanta waa walaalkay
Waa tan mucallimadda cusub
Kani waa walaalkay



b.    Magacuyaallo lahaansho

Xitaa magacuyaallada lahaansho waxay u kala baxaan lab iyo
dheddig, waxayna leeyihiin qaab wadareed cayntiisu aanay u kala
soocnayn lab iyo dheddig.

qof 
lab 
dheddig 
wadar
1° 
 kayga 
tayda 
kuwayga
2° 
kaada 
taada a
 kuwaaga
3° l 
kiisa 
tiisa 
 kuwiisa
3° dh 
keeda 
teeda 
kuweeda
1° w.so 
kaayaga 
taayada 
kuwayaga
1° w.mi 
keenna 
teenna 
kuweenna
2° w 
kiinna 
tiinna 
kuwiinna
3° w 
kooda 
tooda 
kuwooda


Tus.:
Haddaadan baabuur wadanin kayga qaado
Ardadiinna kuwayaga ayaa ka firfircoon
Wallee ina ragow tala adduun taada uun ma aha


La soco casharka 6aad

No comments:

Post a Comment