Wednesday, December 14, 2016

Geerida Abwaan Maxamed Jaamac Kayd


Abwaan Kayd
Allaha u naxariistii waxaan maqlay geerida Abawaan Maxamed Jaamac Kayd oo ka mid ahaa ardaydii aan is barannay barisamaadkii.

Maxamed Jaamaca Kayd waxaan markii ugu horreysay isagu nimid dugsiga Xalane sanadkii 1973dii oo aan ka wada mid ahayn aradaydii soo dhamaysatay dugsiga sare oo sida nidaamkii kacaankii Oktoobar uu ahaa in ardayda soo dhammeysata dugsiyada sare ay galaan xeradaas si ay u qaataan tababar military. AUN kayd wuxuu ka mid ahaa ardaydii ka timid gobollada waqooyi, si gaar ahna waxaan ka sii wada mid ahayn horinta aan ka tirsanaa, waxaana aan ka sii wada mid ahayn ardayda kuwooda ugu firfircoon ee tartamada horimada kale markii laga eego farshaxan iyo fankuba.

Waxaanan weligey illaawin markii aan dib u xusuusto sanooyinkaas iyo xilliyadaas qiimaha lahaa, waxaanan weligey illaawin oo weli sidii filimkii iigu sii muuqda markii maalin ka mid ah maalmihii ugu horreeyay ee la soo galay dugsigii tababarka Xalane iyadoo ay horinteennu u fadhida nasasho oo ay Kayd iyo dhowr dhallinyaradii ka timid gobollada Waqooyi oo ay soo istaageen hortayada si ay noo maaweeliyaan, waxaanse la fajacnay markii ay Kayd iyo Kooxdiisii  horteenna ku jileen riwaayad gaaban oo aan hadal lahayn kuna saabsanayd nin sarkaal hoose ah iyo askartiisii waxa dhexmaray oo amar kala qaadasho ah. Waxaan aad ula yaabnay habkay wax u jilayeen, ma ahayn hab iyo nooc aan naqiinnay, waxayna noqotay in xeradii oo dhan ay la yaabeen, dib dambana uma arag dad sidaas wax u jila.

Markii aan tababarkaas soo dhammeysannay waxaan kala aadnay meelihii nalaku kala qoray, in kastoo aan iska warqabnay haddana si fiican uma wada xiriirin. Nasiib wanaag sannaddii 2002dii baan muddo dheer ka dib isku helnaymagaalada Nairobi ee dalka Kenaya innagoo ka wada hawlgelayna barnaamijkii GEEDKA NABADDA dadkuna ay badankii u yaqaannaa HAAMA DHAWR, waxay ii ahayd maalintaas maalin farxad iyo xusuus badan igu reebtay, waxaan isu helnay aniga iyo Kayd fursad aan isku wareysanno, ka dibna wuxuu Kayd ku laabtay magaalada Hargaysa.
Waa ninba meel u badi, saaxiibkey Maxamed Jaamac Kayd wuxuu magac weyn ku yeesha fanka, wuxuuna noqday hal-abuur dadku wada barteen, qiimeeyeenna hal-abuurkiisa wuxuuna ku caan noqday riwaayado iyo suugaan kala geddisan.

Marxuum Abwaan Maxamed Jaamac Kayd wuxuu ku dhashay magaalada Burco 1952kii ee gobolka Togdheer. Wuxuu noqday macallin wax ka dhiga jaamacaddii Lafoole, isagoo cilmiga suugaantana ku soo qaatay dalka Masaarida. Wuxuuna ka mid ahaa qorayaashii riwaayadaha ee hobollada Waaberi, kuna soo kordhiyo fikrado cusub iyo riwaayado intuba.

Allaha u naxariisto Maxamed Jaamac Kayd, samirna Allaha naga wasiiyo gaar ahaanna ehelkii iyo dhamaan aasxaabtiisii.

Cabdulqaadir Maxamed Mursal

No comments:

Post a Comment