Dibkabayaasha tilmaamayaasha
Prof, Cabdalla |
Tilmaamayaasha, sida qodobbada, ayaa magaca gadaal looga lifaaqaa, tiradooduna waa saddex, kala duwanaantoodu waxay la xiriirtaa masaafada u dhexaysa hadlaha iyo waxa uu tilmaamayo. Masafadaas saddex meelood ayaa loo kala saaraa:
cayn
|
dhawaan
|
durugsan
|
baallayn
|
Lab
|
-kan
|
-kas
|
-keer
|
Dheddig
|
-tan
|
-tas
|
-teer
|
Tilmaamyaashu waxay raacaan xeerarka isbeddel-codeeka ee aan ku soo
xusnay qaybta qodobbada, sida laga dareemaayo tusaalayaashan. Tus.:
qofka
|
lab
|
dheddig
|
1°
|
-kayga
|
-tayda
|
2°
|
-kaada
|
-taada
|
3° l
|
-kiisa
|
-tiisa
|
3° dh
|
-keeda
|
-teeda
|
1° w.so
|
-kaayaga
|
-taayada
|
1° w.mi
|
-keenna
|
-teenna
|
2° w
|
-kiinna
|
-tiinna
|
3° w
|
-kooda
|
-tooda
|
Gabdhahaas ayaa u socda dugsiga
Wiilkeer baa arday ah
2.3 Dibkabayaasha lahaanshaha
Xitaa dibkabayaasha lahaanshaha waxay u kala baxaan lab iyo
dheddig, waxayna muujiyaan waxa uu milkiiluhu leeyahay:
qofka lab dheddig
1° -kayga -tayda
2° -kaada -taada
3° l -kiisa -tiisa
3° dh -keeda -teeda
1° w.so -kaayaga -taayada
1° w.mi -keenna -teenna
2° w -kiinna -tiinna
3° w -kooda -tooda
Qaababkan lahaansho waxay ka koobanyihiin laba shay: dibkabe lahaansho
iyo qodob, sida dibkabaha kayga oo ka soo jeeda kay + ka.
Xitaa dibkabayaasha lahaanshahu waxay ku billaabmaan -k kuwooda labka
ahi, kuwa dheddigga ahina -t, sidaa darteed waxy raacaan xeerarkii
isqabadyada ee aan kor ku soo xusnay. Tus.:
buuggayga < buug + kayga
ardaydiisa < arday + tiisa
dalkeenna <dal + keenna
ushiinna <ul + tiinna
Ishiisa lagu arke
Ushiisa lagu dilaa
903
2.4 Dibkabayaasha weyddiinta
Waxaa loo adeegsadaa marka la weyddiinayo in la ogaado magaca
qofka yeelaha ama layeelaha ah. Dibkabaha –kee labka ayuu u gaar yahay, -tee
na dheddigga. Tus.:
dalkee < dal + kee
meeshee < meel + tee
saacaddee < saacad + tee
Buuggee baad akhrisay?
Ninkee baa yimid?
3. Magacuyaallada
Magacuyaalladu dhowr siyood ayay u kala baxaan.Waxaan ka
hadalkooda ku billaabaynaa magacuyaallada qofeed oo ay u kala baxaan:
magacuyaallo qofeed ee ebyoon iyo magacuyaallo qofeed ee dhimman.
3.1 Magacuyaallo qofeed ee ebyoon
Waxay matalayaan magacyada, weerta gudaheeda waxay ka qabtaan
kaalinta yeelaha iyo layeelaha, waxayna yeelan karaan weer faahfaahineed
(relative phrase) iwm. Tus.:
Iyadu dugsiga ayay aadday (yeele)
Cali iyada buu la hadlay (layeele)
Iyada oo caraysan baa timid
Anigu iyada oo taagan baan arkay
Inta badan waxaa ku lifaaqan qodobka -ka/-ta, sida aniga (ani + ka), mararka
qaarkoodna qodob la’aan ayay ahaan karaan, gaar ahaan marka lagu lifaaqayo
xiriiriyaha -na ama diiradeeyaha baa/ayaa. Tus.:
adiga < adi + ka
adna < adi + na
adigàa < adi + ka + baa
adàa < adi + baa
Magacuyaallada qofeed ee abyoon waxay ka koobanyihiin 8 qaab:
1° ke. ani-ga
2° ke. adi-ga
3° ke.l isa-ga
3° ke.dh iya-da
1° w.so anna-ga
1° w.mi inna-ga4
2° w idin-ka
3° w iya-ga
Tus.:
Macallinka aad aragtay waa taariikhyahan
Halka ay Maryan ku sugantahay baan (baa + aan) aqaanaa
Waxaynu rajaynaynaa in maamulahu uu dhakhsi ku yimaado
------------------------------------------------------------
4 Si loo muujiyo qaabka kooban ee magacuyaalka waxaa gaar looga bixiyey qodobka. Midda
kale ereyga so (soocan) waxaa loola jeedaa in qaabka aan/aannu la adeegsado marka lala
hadluhu uusan ka mid ahayn yeelayaasha, ereyga kale mi (mideeya) isna wuxuu tilmaamayaa
in ereyga aynu la adeegsado marka lala hadlaha uu ka mid yahay yeelayaasha.
Tus.:
Macallinka aad aragtay waa taariikhyahan
Halka ay Maryan ku sugantahay baan (baa + aan) aqaanaa
Waxaynu rajaynaynaa in maamulahu uu dhakhsi ku yimaado
------------------------------------------------------------
4 Si loo muujiyo qaabka kooban ee magacuyaalka waxaa gaar looga bixiyey qodobka. Midda
kale ereyga so (soocan) waxaa loola jeedaa in qaabka aan/aannu la adeegsado marka lala
hadluhu uusan ka mid ahayn yeelayaasha, ereyga kale mi (mideeya) isna wuxuu tilmaamayaa
in ereyga aynu la adeegsado marka lala hadlaha uu ka mid yahay yeelayaasha.
904
La soco casharka 5aad
No comments:
Post a Comment