Tuesday, December 13, 2016

Naxwaha Af-soomaaliga Casharka 7aad

Falalka

Waxaanu halkaan ku soo koobaynaa sifaynta sarfaha hodanka ah ee
falalka af-somaaliga, ha ahaato xagga isrogrogga iyo xagga farcamidda.
Dhismaha aasaasiga ee qaababka falalka af-soomaaliga intooda badani waa
sidatan:

          I                                 II                          III                             IV
Salka ereyga                Salkordhiye                 Qof                  Isrog.(amminka)


Salka ereyga
Waa unugga matilaya micnaha ereyga. Waxaana ka mid ah falalka
sida: cunqorxirdil iwm. Dhammaan sal-faleedyada fal-gudbayaasha iyo falmagudbayaasha
ee aan lahayn lifaaqyo (yacnii dibkabe la’aan ah) waxay ka mid yihiin kooxda isrogrogga 1°.
Sida aan dib ugu arki doonno xitaa salka ereyga wuxuu noqon karaa mid ka
kooban sal iyo dibkabe, sida falalka asalkoodu ka soo jeedo magac: duqcarro
iwm oo markii lagu lifaaqo dibkabaha -ow ay noqonayaan falal. 

Tus.:
Duqow < duq + ow
Carrow < carro + ow
micnihii magacyadan waxaa loo rogay micna aan kii hore ka duwanayn,
laakiin leh qaab faleed.

II Salkordhiye

Waa wax markii lagu lifaaqo salka uu ereyga ku kordhiyo micna
dheeraad ah, isagoo beddelaya xataa tirada kaqaybgalayaasha hawsha, sida aan
ka dareemayno weertan:

Koobku waa jabay

Weertani waxay leedahay hal magac oo yeele ah, falkuna waa fal-magudbe,
weerta:

Maryan koobka way jabisay

waxaa ku jira labo magac oo kala ah yeele iyo layeele, falkuna markan waa
fal-gudbe. Haddaba sal-faleedka jab oo ah fal-magudbe ka tirsan kooxda
isrogrogga 1° waxaa lagu kabay salballaariyaha -is oo ka dhigay fal-gudbe oo
ka tirsan kooxda isrogrogga 2°.

III – Qof

Waa shayga muujinaya iswaafajinta falka iyo qofka ah falaha weerta:
 (Iyadu) way cuntay                cun ]               [ ]                             [ ay ]
sal                    waaf. qf 3°dh              isrog. tagto
(Annagu) waan cunnay          cun ]              [ ]                             [ ay ]
sal                    waaf. qf 1°w               isrog. tagto
(Isagu) wuu cunay                   cun ]             Ø                                 ay ]
sal                    waaf. qf 3°ke              isrog. Tagto

IV – Isrogrogga

Isrogroggu waa shayga muujinaya falka amminkiisa (tense), muuqaalkiisa
(aspect) iyo habkiisa (mood). Iskudhafka lifaaqa iswaafajiyaha qofka iyo
amminku wuxuu soo saaraa 5 qaab oo kala duwan, laakiin waxaa loo
adeegsadaa 8 nooc magacuyaal oo kala duwan. Arrintaasna waxaa tusaale
ahaan aan ka arkaynaa falka cun isrogroggiisa amminka joogtada iyo tagtada
ah:

qofka

tagto
joogto
1 ke
 (Waan)
cun – Ø – ay
cun – Ø – aa
2 ke
 (waad)
cun – t – ay
cun – t – aa
3 ke. l
 (wuu)
cun – Ø – ay
cun – Ø – aa
3 ke.
 (way)
cun – t – ay
cun – t – aa
1 w. so
 (waan)
cun – n – ay
cun – n – aa
1 w. mi
 (waynu)
cun – n – ay
cun – n – aa
2 w
 (waad)
cun – t – een
cun – t – aan
2 w
 (way)
cun – Ø – een
cun – Ø – aan


Sida muuqata waa eber (Ø) lifaaqa qof qofka 1°ke, 3°ke.l; 3°w; lifaaqa -twaxuu
u gaar yahay qofka 2°ke, 3°ke.dh, 2°w; lifaaqa -n- isna waxaa u gaar
yahay qofka 1°w. Lifaaqyadan waxaa lagu sii lifaaqaa dibkabaha isrogrogga
falka tagtada oo ah -ay ama -een, marka falku uu yahay joogtana waxaa lagu
lifaaqaa -aa/-aan. Dabcan, isrogrogyada noocyadoodu way badanyihiin oo
kuma eka oo keliya midka la xiriira amminka aan tusaale ahaan kor ku soo
muujinnay, laakiin waxaa jira kuwa kale oo la xiriira muuqaalka (aspect),
habka (mood) iyo xataa marka falku yahay qaab diidmo ah (tusaalooyinka la
xiriira isrogroyadan waxaa laga helayaa shaxda isrogrogga falalka).

La soco casharka 8aad

Diyaarintii: Prof. Cabdalla Cumar Mansuur & Annarita Puglielli.

No comments:

Post a Comment