Tuesday, December 13, 2016

Naxwaha Afsoomaaliga Casharka 6aad

 Magacuyaallo lahaansho
Xitaa magacuyaallada lahaansho waxay u kala baxaan lab iyo
dheddig, waxayna leeyihiin qaab wadareed cayntiisu aanay u kala
soocnayn lab iyo dheddig.

qof
lab
dheddig
wadar
1° 
kayga
tayda
kuwayga
2° 
kaada
taada
kuwaaga
3° l 
kiisa
tiisa
kuwiisa
3° dh 
keeda
teeda
kuweeda
1° w.so 
kaayaga
taayada
kuwayaga
1° w.mi 
keenna
teenna
kuweenna
2° w 
kiinna
tiinna
kuwiinna
3° w
kooda
tooda
kuwooda

Tus.:
Haddaadan baabuur wadanin kayga qaado
Ardadiinna kuwayaga ayaa ka firfircoon
Wallee ina ragow tala adduun taada uun ma aha

c. Magacuyaallo aan cayinayn

Magacuyaalladan waxay tilmaamaan qof ama wax aan
cayinayn oo magaciisa aan la aqoon, waxayna noqon karaan yeele ama
la yeele, waxayna leeyihiin qaab wadareed.
Xitaa qodobka kii/tii waxa loo adeegsan karaa magacuyaal ahaan
marka la doonaayo in la qariyo qof magaciisa.

lab 
dheddig
wadar
ku 
tu 
kuwo
koo 
too
kuwo
kii 
tii 
kuwii
mid
mid
kuwo

Tus.:
Tu aan la aqoon baa timid
Mid baan halkaas ku arkay
Ku aan la aqoonin ayaan halkaas ku arkay
Kuwo dibadda ka yimid ayaan ka maqlay
Kii baa yimid

d. Magacuyaallo weyddiimeed

Magacuyaallada soo socda waxaa la adeegsadaa oo keliya
marka la doonayo in la ogaado qof ama shey magaciisa kaasoo yeele ama
layeele noqon kara:

lab 
dheddig
wadar
kee 
tee 
kuwee
kuma 
tuma 
kuwama
yaa 
yaa 
kuwee

Tus.:
Kee baa kula quman?
Waa tuma midda soo socota?
Yaa kuu sheegay warkan?
Kuwee baa kula fiican?
Tumaad aragtay

La soco casharka 7aad
Diyaarintii: Prof. Cabdalla Cumar Mansuur & Annarita Puglielli.

No comments:

Post a Comment