Tuesday, December 13, 2016

Naxwaha Afsoomaaliga Casharka 10aad

Xiriiriyeyaal

Qurubyadan hawshooda aasaasiga ahi waa xiriirinta ereyada ama
weeraha. Xiriiriyeyaasha ugu muhimsan iyo waxa ay kala qabtaan waxaa ka
mid ah:

iyo
Xiriiriyahani wuxuu isku xiraa magacyo, magacuyaallo iyo tirooyin.
Tus.:
Cali iyo Maxamed waa walaalo
Aniga iyo adiguba waan aragnay
Labaatan iyo shan sano ayuu jiraa

na
Waxay isku xirtaa laba weerood, siiba marka ay kala leeyihiin yeele ama
fal kala duwan, weerta labaad ereygeeda koobaad ayayna isku lifaaqdaa.
Tus.:
Cali bariis buu cunay Jaamacna baasto
Guriga ayaan aadayaa waana seexanayaa
Waan tagayaa adiguna?

oo
Xiriiriyahan siyaabo kala duwan ayaa loo adeegsadaa, inta ugu
muhimsanina waa kuwan:
- Iskuxiridda labo weer tebineed oo ebyoon ama labo weer amar. Tus.:
Awees waa wiil dheer oo cas
Geeddi oo dhowaan yimid baa keenay alaabta

Soo orodoo ii kalay!
- Iskuxiridda laba fal oo isku mar la qabtay. Tus.:
Anigoo soo socda baa Cali ii yeerey

ee
Xiriiriyahanna siyabo kala duwan ayaa loo adeegsadaa:
- wuxuuna isku xiraa laba weerood. Tus.:
Amed ma seexan ee Ubax baa seexatay
Daah ha cunee
Aan seexannee, nalka naga dami!
- Waxaa kaloo loo adeegsadaa orah magaceed (nominal phrase)
gudaheeda. Tus.:
Dukaanka dahabka ee Caasho ayaa dhow

-se
Waa xiriiriye lid oo isku naba weerta dambe ereygeeda koobaad sida aan
ku soo aragnay –na. Tus.:
Faarax wuu tagay Geeddise wuu seexday
ama/mise
Labadan xiriiriye waxay isku xiraan labo erey ama labo weerood oo kala
duwan. Mise weer weyddiimeed ayaa loo adeegsadaa, amana weer aan
weddiin ahayn.Tus.:
Cali guriga ayuu jiraa ama shaqada
Yaad doonaysaa, Cabdullaahi mise Saciid?

laakiin/haseyeeshee
Labadan xiriiriye, inkastoo aan ahayn qurbyo, haddana hawshoodu kama
duwana waxa ay qabtaan xiriiriyeyaasha kale, sida xiriiriyaha ee ayay u
muujinayaa micno iska soo horjeeda. Tus.:
Calasow wuu yimid laakiin kuma arkin
Saynab way timid haseyeeshee kuma arkin

5.3 Qurub diiradeedyada (focus marker)

Qaybtan waxay ka koobantahay: baa iyo ayaa. labadan qurub oo isku
si loo adeegsado waxay diiradda saaraan magaca ay ka dambeeyaan ama ay ku
ag dhowyihiin, hawshooduna waxay tahay in ay muujiyaan in magacaasi uu
yahay mid sida warka cusub ee la rabo in loo gudbiyo dhageystaha ama
akhriyaha, Tus.:
Cali baa ka yimid Afgooye

(weertan waxaa laga dareemayaa in horey loo ogaa in laga yimid Afgooye,
warka cusubse wuxuu yahay in Cali uu yahay qofka yimid oo ah yeelaha
weerta, weertaa waxay jawaab u tahay weyddiinta ah: yaa ka yimid Afgooye?)
Qurubyadan marka ay diiradda saarayaan layeelaha waxay ku dhafmaan
magacuyaallaka dhimman oo yeelaha ah.Tus.:
Gabadhu Cali bay (baa+ay) aragtay

Gaar ahaan marka la hadlayo qurubkan wuxuu ku lifaaqmi karaa magaca:

Calaa (Cali + ayaa) yimid

Waxaa kaloo qurub diiradeedyada la halmaala ereyga waxaa. Ereygan
hawshiisu kama duwana midda ay qabtaan labada qurub ee aan kor ku soo
xusnay, laakiin dhaqan gaar ah ayuu leeyahay marka laga eego xagga
weereynta, maxaayeelay magaca uu diiradeynaayo wuxuu u wareejiyaa weerta
dhammaadkeeda.Tus.:
Aadan wuxuu arkay faras cad
(Aadan faras cad ayuu arkay)


La soco casharka 11aad
 Diyaarintii: Prof. Cabdalla Cumar Mansuur & Profs. Annarita Puglielli.

No comments:

Post a Comment