Tuesday, December 13, 2016

Naxwaha Afsoomaaliga - Casharka 2aad

Astaamaha guud ee magacyada 

Prof Cabdalla


a. Caynta: lab iyo dheddig

Caynta magaca, gaar ahaan marka aan qodob raacsanayn, waxaa lagu
gartaa codkaca iyo dhammaad yara kala duwan ee ay leeyihiin
magacyada qaarkood, dib baanse uga faalloon doonnaa arrintaas.
Magacyada labeed
Waxaa ka mid ah: nin(ka), ari(ga), miis(ka), gabay(ga), fal(ka) iwm.
Magacyada labeed waxaa lagu aqoonsadaa codkaca (tone) oo ku dhaca
shaqalka ka horreeyo midka ugu dambeeya, magacyada dheddigna
shaqalka ugu dambeeya ayaa codkacu ku dhacaa. Sidaa darteed aad
ayay u badanyihiin magacyada mataanaha ah, oo kala duwanaanta
codkacooda uun lagu kala sari karo micnaha kala duwan ee ay kala
leeyihiin labada magac oo lab iyo dheddig kala ah sida kuwa soo socda:

L
Dh

ínan (ka)
inán (ta)
ceesáan (ka)    
ceesaán (ta)
dálab (ka)       
daláb (ta)
shílin (ka)        
shilín (ta)

Si loo kala saaro caynta magacyada mataanaha ee hal alanlaha ah,
yacnii hal shaqal oo keliya leh, waxaa jira hab codayn kale oo lagu kala
saaro, waa nooc kale oo shaqalka loogu dhawaaqo: mid culus iyo mid
fudud. Bal isku daya in dhawaaq ahaan aad ku kala saartaan caynta
ereyadan mataanaha ah:

L (shaqal culus)
Dh (shaqal fudud)

ur (ka)
ur (ta)
gar (ka)
gar (ta)
dul (ka)
dul (sha)
tuur (ka)
ttuur (ta)
fool (ka)
fool (sha

Magacyada dheddigeed
Waxaa ka mid ah: naag(ta), bad(da), beer(ta), cunid(da). Waxaa kaloo
dheddig ah magacyada ku dhamaada -ama -intooda badan, sida:
dhalo(da), aragti(da), bari(da), xero(da), jago(da), mindi(da) iwm.

b. Tirada: keli iyo wadar
Magacyada kelida ah malaha qaab ama lifaaqyo gaar ah, waxayna
tilmaamaan dad, duunyo, shay iyo fal, sida: guri, gacan, dal, dhagax,
nin, rati, qarin iwm.
Si magacyada looga dhigo wadar waxaa jira xeerar kala duwan oo ay
kala leeyihiin magacyada labka iyo kuwa dheddigga.

Magacyada labka ee kelida ah
Waxay ku wadaroobaan dibkabayaal kala duwan:
- Magacyada hal alanlaha ah waxay ku wadaroobaan dibkabaha -
shibbanaha ugu dambeeya ee magaca.Tus.:
dal(ka) > dalal(ka),
af(ka) > afaf(ka),
miis(ka) > miisas(ka)

- Magacyada ka kooban in ka badan hal alan intooda badani waxay ku
wadaroobbaan dibkabaha -o, cayntooduna dheddig ayay isu rogtaa. Intaa
waxaa sii dheer in dibkabuhu siyaabo kala duwan uu ugu lifaaqmo
ereyga:
Haddii magac lab oo kelida ah uu ku dhammaado: bdnlr, waxaa
labalaabma shibbanaha ugu dambeeya, cayntiisuna dheddig ayay isu
beddeshaa. Tus.:
sacab(ka) > sacabbo(da),
wadaad(ka) > wadaaddo(da)

Haddii magacu uu ku dhammaado: sqcfxwaxaa -wadareedda
iyo xarfaha ku dhammaado ereyga la dhex dhigaa xarafkan -y-. Tus.:
dugsi(ga) > dugsiyo(da),
magac(a) > magacyo(da)

Qaar ka mid ah magacyada laba alanllaha ah oo ku wadarooba -o
waxay lumiyaan shaqalka 2aad, sidoodii hore ayayna laba alanle1 u
ahaanayaan, cayntuna isma beddesho. Tus.:

jilib(ka) > jilbo(ha),
garab(ka) > garbo(ha),
ilig(ga) > ilko(ha)

899 
--------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------


1- Arrintani waa xeer guud oo loo adeegsado markasta oo la arko erey dhismihiisu uu ka
koobanyahay shi+sha+shi+sha+shi+sha (shi = shibbane, sha = shaqal); shaqalka gaaban ee u

No comments:

Post a Comment