بسم الله الرحمن الرحيم
Taariikhda Saxaafadda Soomaaliyeeyd
Taariikhda Saxaafadda Soomaaliyeeyd
![]() |
C,M,Mursal |
Wax badan ayaan ku hamminayay inaan mar uun bilaabo meel
kayd u noqota taariikhda wariyaha Soomaaliyeed xilli kastaa ha joogee. Kaddib
markii ay dad badan oo Soomaaliyeed oo waayo-arag ah ay igu dhiirrigeliyeen in
la helo, lana ururiyo taariikhda wariyaha Soomaaliyeed oo aan maanta lahayn wax
raad ayuu maanta Alle ii suurtageliyay inuu i waafajiyay inaan abuuro boggan
cusub ee ururindoona kana warrami doona taariikhda wariyaha shalay iyo maanta.
Waxaan ka dheregsannahay iney wariyeyaasha Soomaaliyeed
kuwoodii hore ay wax badan ku soo
kordhiyeen guud ahaan warbaahinta Soomaaliyeed, haddii ay noqon lahayd
ereybixinnada cusub ee Afsoomaaliga, asluubka iyo qaabka hawlaha wariyaha laga
doonayo haddii ay idaacad, telefiishan ama wargeysyo.
Haddii Alle idmo waxaan bloggan ku uruindoonnaa dhammaan
wariyeyaasha ku shaqeeya xirfadaha kala geddisan sida: Kuwa ka shaqeeya
qoraallada iyo wargeysyada, wakaaladaha wararka, idaacadaha, sawir-qaadayaasha
nooc kasta ay yihiin, websityada oo ka mid ah xirfadaha teknooloojiyada cusub.
Waxaad ka heli doontaan taariikhda qaaliga ah ee
wariyeyaasheennii hore kuwooda geeriyooday iyo kuwooda noolba. Waxaa kaloo uu
bloggan wuxuu kaloo fursad u noqon doonaa wariyaha dhallintayar ee u baahan
gacan-qabasho iyo tilmaan si uu uga faaiideysto wariiyeyaashii waayaha soo
joogay ee weli qaarkood xirfaddii ku jira, qaarka kalena iyagoo hawlgab ah
doonaya in wax laga dhegeysto.
Wariyuhu wuxuu boggan ka baran dooaa casharro waxtar u ah
xirfaddiisa kuwaasoo salka ku haya sida maanta warbaahintu u hormartay una
shaqeyso, waxaan taas igala qaybqaadan doona aqoonyahanno, wariyeyaal
ruugcaddaa ah ee Soomaali iyo dadyow kaleba ah.
Waxaan dhamaan xirfadleyda mehnaddan iyo kuwa jecelba ka
codsanayaa iney ii soo diraan wax kastoo macaluumaad ah iyo sawirro ah si aan
halkan ugu qoro uguna kaydiyo.
Farriintan waxay ku socotaa dhamaan magaca weriye, cod, qoraal iyo muuqaallaba.
Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha ugu badan dunida ee
waxyeellada loogu gaystay wariyaha Soomaaliyeed, tirada ugu badanna lagu dilay,
waxay ka mid noqon doonaan taariikhda aan rabo in bloggan Horumarinta
Afsoomaaliga soo ururiyo.
Boggan waxaa leh wariyaha Soomaaliyeed dhallintayaro iyo
kuwa waayo-araggaaba, wuxuuna qof kastaa oo xirfaddan ka soo shaqeeyay,
iminkana ka shaqeeya uu ku yeelan doonaa bog uu isaga warramo, noogana
sheekeeyo wixii uu soo maray iyo hadda wuxuu hayo
Mahadsanidiin
Cabdulqaadir Maxamed Mursal
Waad ku mahadsantahay shaqada aad biloowdey, waana kaa warsugeynaa?
ReplyDelete