![]() |
Yuusuf M. Xayd |
1. Waxaan arkay aqoonyahano badan oo ku mashquulsan su’aasha
ah Soomaalidu xagay ka timi? Waxaa kale oo jirta in dadyow kale isku haystaan
taariikhdoodi. Dadka kale intay taariikhdoodi xafideen bey kuwo la balihiyay ku
darsanayaan.
2. Dhulka taariikhdu ku magacawdo ‘PUNT’ iminka waxaa
sheegta oo dugsiyadooda laga dhigaa: Yemen, Eretria, Ethiopia, iyo Sudan. Muddo
dhow waxa laga yaaba in Kenyana sheegato. Markii taariikhda Soomaaliyeed dad
kale sheegteen, waxaa laynaga dhaadhiyay inaan la aqoon meel aan ka nimi.
Waxaan dhaafiweynay su’aasha ah Soomaalidu xagay ka timi?
3. Taarikhda waa la kala xadaa, waa la kala booba, waana la
abuurtaa. Sheekada dadka Maraykanka aad u wada aaminsanyihiin ee sannad walba
ay xusaan November 24keeda ee Thanks Giving lagu magacaabo waxaa la leeyahay ma
dhicin ee waa la abuuray.

W.Q. Yuusuf M. Xayd
La soco qaybta 2aad
Mahadsanid Macallin Mursal!
ReplyDeleteYusuf Xayd