Naxwaha Af-soomaaliga Casharka 7aad (Falalka)

Waxaanu halkaan ku soo koobaynaa sifaynta sarfaha hodanka ah ee
falalka af-somaaliga, ha ahaato xagga isrogrogga iyo xagga farcamidda.
Dhismaha aasaasiga ee qaababka falalka af-soomaaliga intooda badani waa
sidatan:

          I                                 II                          III                             IV
Salka ereyga                Salkordhiye                 Qof                  Isrog.(amminka)


I - Salka ereyga
Waa unugga matilaya micnaha ereyga. Waxaana ka mid ah falalka
sida: cun, qor, xir, dil iwm. Dhammaan sal-faleedyada fal-gudbayaasha iyo falmagudbayaasha
ee aan lahayn lifaaqyo (yacnii dibkabe la’aan ah) waxay ka mid yihiin kooxda isrogrogga 1°.
Sida aan dib ugu arki doonno xitaa salka ereyga wuxuu noqon karaa mid ka
kooban sal iyo dibkabe, sida falalka asalkoodu ka soo jeedo magac: duq, carro
iwm oo markii lagu lifaaqo dibkabaha -ow ay noqonayaan falal.

Tus.:
Duqow < duq + ow
Carrow < carro + ow
micnihii magacyadan waxaa loo rogay micna aan kii hore ka duwanayn,
laakiin leh qaab faleed.

II - Salkordhiye

Waa wax markii lagu lifaaqo salka uu ereyga ku kordhiyo micna
dheeraad ah, isagoo beddelaya xataa tirada kaqaybgalayaasha hawsha, sida aan
ka dareemayno weertan:

Koobku waa jabay

Weertani waxay leedahay hal magac oo yeele ah, falkuna waa fal-magudbe,
weerta:

Maryan koobka way jabisay

waxaa ku jira labo magac oo kala ah yeele iyo layeele, falkuna markan waa
fal-gudbe. Haddaba sal-faleedka jab oo ah fal-magudbe ka tirsan kooxda
isrogrogga 1° waxaa lagu kabay salballaariyaha -is oo ka dhigay fal-gudbe oo
ka tirsan kooxda isrogrogga 2°.

III Qof

Waa shayga muujinaya iswaafajinta falka iyo qofka ah falaha weerta:
 (Iyadu) way cuntay                [ cun ]               [ t ]                             [ ay ]
sal                    waaf. qf 3°dh              isrog. tagto
(Annagu) waan cunnay          [ cun ]              [ n ]                             [ ay ]
sal                    waaf. qf 1°w               isrog. tagto
(Isagu) wuu cunay                   [ cun ]             Ø                                 [ ay ]
sal                    waaf. qf 3°ke              isrog. Tagto

IV Isrogrogga

Isrogroggu waa shayga muujinaya falka amminkiisa (tense), muuqaalkiisa
(aspect) iyo habkiisa (mood). Iskudhafka lifaaqa iswaafajiyaha qofka iyo
amminku wuxuu soo saaraa 5 qaab oo kala duwan, laakiin waxaa loo
adeegsadaa 8 nooc magacuyaal oo kala duwan. Arrintaasna waxaa tusaale
ahaan aan ka arkaynaa falka cun isrogroggiisa amminka joogtada iyo tagtada
ah:

qofka

tagto
joogto
1 ke
 (Waan)
cun – Ø – ay
cun – Ø – aa
2 ke
 (waad)
cun – t – ay
cun – t – aa
3 ke. l
 (wuu)
cun – Ø – ay
cun – Ø – aa
3 ke.
 (way)
cun – t – ay
cun – t – aa
1 w. so
 (waan)
cun – n – ay
cun – n – aa
1 w. mi
 (waynu)
cun – n – ay
cun – n – aa
2 w
 (waad)
cun – t – een
cun – t – aan
2 w
 (way)
cun – Ø – een
cun – Ø – aan


Sida muuqata waa eber (Ø) lifaaqa qof qofka 1°ke, 3°ke.l; 3°w; lifaaqa -twaxuu
u gaar yahay qofka 2°ke, 3°ke.dh, 2°w; lifaaqa -n- isna waxaa u gaar
yahay qofka 1°w. Lifaaqyadan waxaa lagu sii lifaaqaa dibkabaha isrogrogga
falka tagtada oo ah -ay ama -een, marka falku uu yahay joogtana waxaa lagu
lifaaqaa -aa/-aan. Dabcan, isrogrogyada noocyadoodu way badanyihiin oo
kuma eka oo keliya midka la xiriira amminka aan tusaale ahaan kor ku soo
muujinnay, laakiin waxaa jira kuwa kale oo la xiriira muuqaalka (aspect),
habka (mood) iyo xataa marka falku yahay qaab diidmo ah (tusaalooyinka la
xiriira isrogroyadan waxaa laga helayaa shaxda isrogrogga falalka).

La soco casharka 8aad

Diyaarintii: Prof. Cabdalla Cumar Mansuur & Annarita Puglielli.

2 comments:

  1. Afka ama Af-Soomaaligu waa hodan balse dowadlad iyo dad baanu lahayn. Dadka Soomaaliyeed waxay dib ugu laabteen casrigii jaahiliga ee Islaamka ka hor. Ruuxa Soomaaliga waa qof u dhashay, u nool, una dhimanaya Qabiil.

    ReplyDelete
  2. Asc waa ku salaamay Prof. Cabdalla waa kaaga mahadcelinayaa dadaalkaagii horeiyo kan aad hadda fursada siisay bulshada Soomaaliyeed waxaan ku weydiin rabay

    hadey jiraan xarfo eray asal soomaali ah oo ku dhamaado xarafka M J KH K oo aan ka soo jeedin carabi ama wadamo kale sida bam
    Mahadsanid











    ReplyDelete