Waxaa si wadajir ah u diyaariyay:
Cabdullaahi
Cabdi Cabbaas iyo
Cawaale Xuseen
Cabdi
Qaybta 2aad
Mar kale ayuu Macallinkii Abwaanadu awoodiisa halabuur
si’aan aad u jeclaystay ugu muujiyey beydadkan aad ka dhadhansan karto ”Isa
Seegga Hummaag” nooca loo yaqaano ee halabuuraha luxdani ku tuso
iska-hor-imaadka ama kaafka iyo kala dheerida u dhexeeya laba shay tabartood
ama taagtood si uu tusaale u siiyo dadka markaa dhagaysanaya.
Waa Maroodi Cadhoole ah oo gaajooday dabadeed damcay inuu
isagoon jiifka ka kicin daaqo, laacayna
geed hamash ah oo caleen badani kasoo laalaado oo uu hoos galabeedkiisa jiifay. Geedkaas oo ka baxay badhtamaha xidhkii caanka ahaa ee Way Tol’ay. Wuxuu laxaad iyo itaal lahaa iyo wixii gaajo
haysay wuu ka quustay mar qudha inuu hiigo laamihii hodanka ku ahaa caleenta
curdanka ah. Inuu
sarjoogsado oo uu qummaati u gaadhana wuu ka wahsaday. Isagoo
dhareerinaya ayuu saa u jaleecay dabadeed hunguri-juqjuqay.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”geed walba in gubtaa
hoos taala.” Hangarale ay Hangaraaraca isku bah yihiin ayaa isna
heeladkaa ka dhawaa waxaana sida Maroodiga haysay gaajo xun. Geedkii uu
ka quustay ninkii duurjoogta ugu shin-u-dhaladsanaa ayuu Hangaralihii hamiyey
inuu laan rudho isagoo waliba axmaqnimo ku tuhmaya Maroodiga.
Wuu hanqaloocsaday saa wuu gaadhi waayey. War ha la
i badhi-gantaalo ayuu yidhi saa wixii xammaarato aaga joogay ayaa isugu yimid oo baaciyey saa wuu gaadhi
waayey. Habas is yar qolofodhinaya oo markaa isaga la weynaa oo wuxuu
arkay dhinacaa taagan, war Habas bal isku day adigu? Habasna kac oo
boodyoo inuu geedkii saro wuu ka quustay.
Sheekada noocaa ah ee aanan cadli u samayn karin haddii
aan tiraab ku gudbi is idhaahdo ayuu Macallinku afar beyd oo gaaban laakiin
gabay dheer ku abtirsada kusoo gudbiyey. Bal akhri oo yaadan fajicin
balaaqada ku jirta.
- Maroodiga hurdaa geedka, uu jiifo
hadhaciisa
- Hiyigiisu daaq buu jeclaa, taana hidin
waaye
-
Hanqaloocsay oo gaadhi waa, xiid haraadanuye
-
Kaasaay Hangaralihii dhulkiyo, Habasna laaceene
Dhaqanka iyo asluubta ayuu inagu dhansiinayaa
macanaha hodanka ah ee
Af-Soomaaliga siduu
isaguba sheegay.
Maahmaahda labaad ee khusaysa hangaraaraca
waa "Hangaraarac
lug uma dhutiyo."
Hangaraarucu wuuna fudud yahay oo laf iyo jiidh midna ma laha, wuuna lugo badan yahay hase ahaatee
lugahaasi aad ayey u jilicsan yihiin oo way dhib yartahay inay kolba mid ama
labo ka go’do. Lugtii dhacdaa waxay Soomaalidu ku qiyaastay inuusan waxba
u noqonaynin markaa ayey maahmaahdaa kala soo baxeen. Waxaa maahmaahdan
la isticmaalaa marka qofku waxyeelo gaadhay yaraynayo si uu uga soo qaado inaan
intaasi waxba yeelaynin inuu kasoo kabtana aysan waqti dheer ku qaadan doonin.
Haddaba waxba yaanan hadal kugu daalinin ee, dhaqanka Soomaaliyeed sida uuna reer guuraaga iyo miyiga uga maarmin
ayuusan duurka iyo duurjoogtana uga
maarmin. Waxaan qormaddan kuugu soo bandhigaynaa magacyada haadda godanka
Soomaaliyeed ku dhaqan ama ku dhaqnaan jirtay iyo geedaha ka baxa ama ka bixi
jiray isla godankaas. Waxa laga yaabaa haaddan qaarkeed inay u hijrootay
dhulal kale, geedaha qaarkoodna
nabaadguureen oo aysan haatan ka
bixin dhulkii:
Haadda
Abooto Yaxaas
Babow
Balanboolo
Baqalyo
Bogcad
Boqonloow
Boor lab
Buli
Ciiro
Cirsankayeedh
Ciyoow
Curcuri
Daadwad
Daa'uus
Digiiran
Diridiri
Dhawdhawley
Dhigloow
Dhulwas
Durdur
Faadumo lo'ley
Fiin
|
Fiidmeer.
Galaydh
Gili
Gilingil
Gorgor
Goroyo
Guumays
Guuguule
Haad
Geel
Haawaycad
Haawaymadoow
Habas
Haray
Haraydhalacad
Hilaac
Horog
Tuke
Tunbuli
Uurarweyn
Himili
|
Hud-Hud
Huluq
Jirri
Juglay
Kabaray
Khayre
Kooragu
Kuraykanixis
Mandad
Odaygeedgal
Qanbaroow
Qolay
Qudun-quuto
Qunbulaa
Xidinxiito
Xusgal
Xuunsho
Yaryareey |
Afsoomaaligu waa Af yaab leh, waxaana dareemi kara Hodantimadiisa Dadka Shisheeye ee Afka bartay laakiin Innaga ku dhalanay Nasiib darro ma garan.
ReplyDeleteCajiib badanaa afkeennu.
ReplyDeleteWaa af hodan ah waxaa erayadiisa lagu qiyaasaa inay gaaraan soddon milyan oo eray
Cajiib badanaa afkeennu.
ReplyDeleteWaa af hodan ah waxaa erayadiisa lagu qiyaasaa inay gaaraan soddon milyan oo eray
Runtii ayaan uga helay waxaanse rajaynayaa in magacyada haadda haddiiaad ku soo dari kartaan muuqaaladooda, dhammaan inta gacanta ka gaysatay qaab qoraalkan quruxda badan aad ugu mahdinayaa, siyaada wacan..
ReplyDeleteWaan rajayneynaa haddii Alle idmo, dadka oo dhanna waxaan ka codsnaynaa iney iyaguna wixii ay hayaan iney nala soo tiigsadaan.
Deleteaadbaad u mahadsantiin aqoonyahaniinta nala wadaagay hodantinimada afkeena, balse HudHud waa Afcarabi soomaali Guuguule ayaa lagu yidhaahdaa mida kale waxa jira Haad badan oo kale sida yaryaro, uurcas,billi, shimbiro laaye, baas, xidinxiito, dahabo dhalaala, dhawdhawle, IWM
ReplyDelete