Waxaa si wadajir ah u diyaariyay:
Cabdullaahi Cabdi Cabbaas iyo
Cawaale Xuseen Cabdi

Waxaa dhaqanka ummad walba qeyb libaax ka ciyaara deegaanka iyo qaabka uu u rakiban yahay,
xayawaanka duurjoogta ah iyo nimcoolayda, haadda samadaa kore heehaabta, iyo
dhamaan bii’ada inteeda kale. Muddo gaaban ka hor, dhulka Soomaaliyeed wuxuu hoy u ahaa
xayawaan iyo haad aad u tiro badan oo isagu jira nooc walba oo ku noolaan kara
duruufaha geyiga Soomaaliyeed.
Maroodi ilaa Hangaraarac inta u dhaxaysa noocii la
doonaba wuxuu ahaa hortaa ka gal. Maahmaahaha, gabayada, dhaantada,
heesaha, googaalaysiga, caraatanka iyo noocyo badan oo kale oo murti,
madadaalo, iyo maamuus dhaqameed kale leh ayaa lagu qotomiyaa bii’ada iyo
noolaha la falgala.
Tusaale ahaan bal Maroodiga iyo Hangaraaraca aan xusnay aan midba maahmaah macno
weyn oo ka mid ah kuwa ugu caansan maahmaahaha Soomaaliyeed ka soo
qaadano. Waxay yidhaahdaan ”Maroodigu
takarta saaran ma arkee ka kale ta saaran buu arkaa.” Waxay Soomaalidu
maahmaahdaa isticmaashaa marka nin ceebtiisu dacyaal tahay uu qof kale mid ka
muuqata farta ku fiiqo. Maroodi iyo takar bal farqiga u dhaxeeya
day! Bal
eeg cibbaarada ku dheehan maahmaahda iyo xikmadda Af-Soomaaligu leeyahay ee
laga dheegan karo
Abwaan Cabdullaahi Macallin Dhoodaan waa kii isagoo
maahmaahdaa qalbiga ku haya gabayga mariyey beydkan aan is idhi beyd la miisaan
ah gabayga hor iyo dib toona wuu ku yaryahay. Intuu maahmaahdii dhinaca
kale u rogay ayuu yidhi isagoo Xamarna takar kasoo qaaday, Soomaali Galbeedna maroodi kasoo
qaaday:
Takartaa
maroodiga liqday yaan, soo tuf leeyahayee
Waa Beyd takhayulka iyo gundheerida ku jirtaa caajis
galiso maskaxda beyd-gaabka, damac
iyo jamashana ku riddo maskaxda hal-abuurka yaqaana gabayga iyo godadkiisa.
Xusuuso in abwaanka maahirka ahi mar walba arki og yahay
beydka qotada dheer isla marka uu arkana uu qiro macnaha beydka siddii Sayid
Maxamed Cabdille Xasanba u jantay beydkii laga soo wariyey Nuur Jiir Ibraahin
ee ahaa:
Feedhaha
miyaan uga qablamay, siddii libaax qoodh ah
Waxaa la wariyey in Sayid Maxamed yidhi haddii Nuur
Jiir maanta noolaan lahaa, oo intuusan odhan
beydkaa fursad aan kaga gato heli lahaa 100 halaad iyo baarqabkoodii iyo 100
farasba waan u huri lahaa.
Ha layaabin gacan furnaanta Sayidka maxaa yeelay deeqsi wuxuu ahaa gacantiisa
bidix aanay ogaanin waxa ta midig bixinayso siduu isaguba isu sifeeyey; wax
walba waw huraayaa ninkii, ii walaal noqone. Wuxuu kaloo ahaa
siyaasi hal-murtiyeedka oo dhan in loo tiiriyo isagana laga wariyo jeclaa.
La soco qaybta 2aad
Mahadsanidiin Mudanayaal. Inta kale aad baan ufahmay laakiin Gabayga dhoodaan meesha aad tiri: ...Intuu maahmaahdii dhinaca kale u rogay ayuu yidhi isagoo Xamarna takar kasoo qaaday, Soomaali Galbeedna maroodi kasoo qaaday.. Armay tahay Itoobiya ayuu Maroodiga ula jeeday waayo Soomaaliyadii yarta ahayd (sida Takaryta) ayaa liqday Itoobiyadii weynayd (sida Maroodiga).. Haduu macno kale meesha ku jirana waan jeclaan lahaa in aad noo fasirtaan. Mahadsanidiin.
ReplyDeleteTakar maxaa la dhahaa abwaan
ReplyDeleteWaa gendi xoolaha qaniina, waxaad eegtaa maahmaahda Soomaaliyeed ee oraneysa: Maroodi takarta saaran ma arkee, ta kaluu arkaa.
Deletemahadsanid ..howl adag baad umada uhaysaaa ..ajir eebee hakaaa siiyi
ReplyDeleteACWWW Dhammaantiin waad ku mahadsan tihiin sida aad noola wadaagteen mowduucan, midda kale waxaan jeclaan lahaa inaad noo soo sheegtaan haddii aad kala kulantaan sidii aad faalladiinna amaba su`aalihiinna aad halkan ugu soo qori lahaydeen. Mahadsanidiin
ReplyDelete