Maxaan ka qaban karnaa qaladaadka higgaadda?


Qaybta 1aad

Prof, Cabdalla
Qaladaadka higgaaddu, inta badan, waxay ku yimaadaan feejignaan yarida xagga qoraha.
Waxyaabaha arriintaas looga gudbi karo waxaa ka mid ah in la raaco laba arrimood oo aan Soomaalidu u ahayn caado: 1)  Qofka marka uu wax qorayo waxaa loo baahan yahay in mar ama laba jeer, uu si foojigan dib ugu akhriyo qoraalkiisa. 2) In la barto lana caadaysto adeegsiga qaamuuska, gaar ahaanna marka la diyarinayo qoraal rasmi ah.

Runtii, ma jiro cid si ilduuf ah ama si kale aan qalad uga dhacayn (ma gafe waa AIlaah),  laakiin dadaal baa loo bahan yahay. Waxaan halkan tusaale ahaan u soo qaadanaynaa qoraal uu nin qoraa ah, oo qaddarin iga mudan, af Soomaaligiisuna heer sare yahay iyo wixii uu ka ilduufay in aad ila aragtaan.

1) Ereyada ama xarfaha casaanka ahi waa kuwa uu ka ilduufay qoraaga.  2) Ereyada aan ku asteeyay xiddigta (*) ma waafaqsan xeerka adeegsiga xarfaha waaweyn “capital letters”. Sida aan ka wada warqabno, xarfaha waaweyn waxaa loo adeegsadaa xarafka billaowga ah: a) ereyga lagu billaabo qoraalka; b) ; joogsiga kaddib ereyga lagu billaabo qorista ; c) ereyada cinwaannada; d) ereyga hore ee qof hadalkiisa ka mida ah, sida: ...waxay tiri: “Ma garan”; e) magacyada gaarka ah (Cali, Afrika, UK ..)iwm.

Prof. C. C. Mansuur marka hore waan ku *Salaamaya (salaamayaa), marka xiga waxa aan aad u soo dhaweynayaa sida weyn oo aad iskugu mashquulisay arrintan iyada ah, oo aan filayo in *Dad badan ay ka *Faa’iddi (faa'idi) karayaan, *Ustaad Mansuur intaasi ka dib waxa aan ahay *Qoraa' ku xeel dheer *Wacyi galinta arrimaha *Bulshada, waxa aan aadka u *Jeclahay ayaa waxa ay tahay, in *Wax badan ay *Bulshada ka bartaan qaab qoraalka *Farta Soomaaliga oo la wada moodaba in *Farta Soomaaliga sida la doono loo qoran karayo!

Sidaasi darteed ayaa waxa loo baahan yahay, in xoogga la saaro *Khaladaadka jira sidii loo hagaajin lahaa, aniga gaar ahaan waxa aan aruuriyay *Khaladaad jira oo *Dadka inta badan aysan u arkin *Wax *Khalad ah, aniga oo *Tusaale ka raadinin meel kale, WARGALINTAN (wargelin) Kor ku *Xusan ayaa u qoran qaab sidii la rabay aan aheyn
Kolleyba aniga Wargalinta (wargelinta) sidan ayaan u qori laha:- WARGELIN:-

Dhammaan Asxaabta ku tixan Casharrada Brof (Prof.) Cabdulle[1] (Cabdalla) Cumar Marsuur, oo aadkana u daneyneya *Casharradda Qoraalka iyo Naxwaha Af Somaaliga ayaa waxa kale oo ay ka daalacan karaan bogga aan ugu talagalnay oo *Cinwaankiisu yahay Horumarinta Afka Soomaaliga adiga oo gujinaya link-igan (AF-SOOMAALIGA.BLOGSPOT.COM) si * Casharradu ay u keydsamaan *Qofki rabana in markaasi uu la socdo uusan uga kala lumin.
Fadlan wixii faallo ama Su`aal ah, boggaasi ayaad ku dhaafi kartaa.




[1] Nidaamka ku habboon in loo qoro magacyada gaarka ah, dib baan uga faalloon doonnaa, hadduu Alle idmo.

6 comments:

  1. Waad ku mahadsantahay in aad tusaalahan na la wadaagtay.

    ReplyDelete
  2. WAXA AAN XEER U HAYAA LABABAABMADKA TIBIXDA QODOBKA AH OO WAAFAQSAN XEERAR ILAA HAATAN JIRA:[GOL] HIGAAD-DA: LABALAABMADKA TIBIXDA DHEXE WAA KU TIIQTIIQSI..U FIIRSO KUWA LA MIDKA AH! XEER

    ReplyDelete