Tuesday, January 24, 2017
Monday, January 23, 2017
Midab aan la doorin iyo quruxi hablihii hore u daa
Quruxdii dumarkii Soomaaliyeed ee qarniyo hore iyo siday u ilaalin jireen wajigooda, qiimaha uu lahaa iyo caafimadka uu haystay.
Dumarkan ayaa ahaa kuwo cuna cuntooyin ay ka helaan nafaqo kala duwan jidhkoodu, sida shuurada, digirta iyo caanaha, oo dhammaantood jidhka u fiican. Dumakan ayaa ahaa kuwo marsada waxyaabo ay ka mid yihiin: Huruuda, cusburka, labeenta caanaha, shunburada, timirta, burcadka iyo qasalka.
Dumarkan ayaa ahaa kuwo waqti qudha wax mariya wajigooda, waqtigaasoo ah markay tagayaan meel sida aroosyada ama iyaga la aroosayo.
Dumarkan ayaa qabay fikir ah hadii jidhka mar walba wax la mariyo inuu dheeha sare ka qaadmayo. Hadii aad u fiirsado fikirkaa ay qabeen waQtigaa aanay haysan daryeel badan ama aanu waqtigu u saamixin qurux dabiici ah, lakabka sare ee jidhka kaasoo loo yaqaano (Epidermis) wa jidhka haddii ay dhibato soo gaadho unugyada ka hooseeya, ka bacdi uu wajiga dumarku ka xumado ama wax kasoo bax baxaan.
Dumarkan ayaa ahaa kuwo qurux kala midaba leh, se gabadh kastana midbkeedu lafta ka dhalaali jiray, waxayna ahaayeen kuwa aanay ku soo degdeign waxyabaha hadda ku soo degdega dumarka manta sida : (wrinkles ama ageing skin) gabowga maqaarka wajiga .
Dumarkan ayaa ah dumar jidhkoodu caafimad qabo ama aad arki kartid iyagoo gaboobay, jidhka wajigooda oo wali is haysta oo aan xoog u jilcin, dhibatana waligood soo gaadin finan iyo wax kale toona. Dumarkan ayaa ahaa kuwo leh midabbo kala duwan: casaan, maarriin, marriin dhalaal xiga, iyo madoow.
Waxaan aan had iyo jeer eega ama u fiirsada dadka gaboobay wajigooda, malin maalmaha ka mid ayaan suaal waydiiyay islaan aad wayn, islaantan ayaa ah mid aan lahayn haba yaraatee wax loo yaqaano (wrinkles), ama waji layn layn leh oo soo dhac dhaca. Arrintan ayaa iga yaabisay, waxaan ku idhi hooyo maxad marsan jirtay markaad yarayd ama hadaba, waxay iigu jawabtay Liindhanaan, timir, iyo qasil. Se hada qurbahan waxan marsada badhar, jidhkeedan ayaa ah mid caafimad qaba laftana ka dhalaalay!
Haddaba, habloow ma is waydiiseen markaad gaadhaan xiligan wajigiinnu noocuu noqon doonaa?
Hablaha manta jooga horta waa isku wada midab qudha, waxaad mooddaa inuu dabar go`ay midabkii Soomaliyeed, marriin iyo madoow. Haddaba, isku wada midab ha la ahaadee dhibaato intee le`egna way soo gaadhaysaa jidhkan?
Runtii farqiga u dhexeeya quruxdaa hore iyo ta manta waxa weeye, dhibaatooyinka ku dhaca dumarka manta jooga wajigooda sida: jidh wax diidaya (sensitive skin) finan cas-casaan ah, kuwo madmadoow ah (red spots, acne iyo blackheads) jidhkaa dumarkaa hore intan mid may lahaan jirin, kaliya waxay laahaan jireen haaro markay uurka leeyihiin ku dhaca, kuwaaso markay dhalaana burcadkoodu ka gooyn jiray.
Dumarkan manta jooga runtii kama fakaraan aayaha jidhka danbe, halka ay kuwaa hore aad u ilaalin jireen ayaha jidhka wajigooda.
Habloow haddaba , waxa fiican in aynu is waydiinno, dhibatadan badan ee dumarka wajiga kaga dhacaysaa maxaa sababaya? Waxyabaha aan kor ku soo sheegay oo dhan baa ka mas`uula, dhibtani waxay ka imanaysa unugyada jidhka ka hooseeya markay dhibato soo gaadho, ayaa jeermis dhalanaya kaasana u soo booday dibadda wajiga.
Waxaan qabaa haddii la iska daayo waxan la marinyo jidh caafimaad qaba, ama waqti yar maraya, in aanay dhibaato u timaaddeen wajiga.
Hablaha dhallinyarta ah ee wadankii jooga waxan kula dardaarmaya intii aan waxba marsan inay fadlan iska ilaaliyaan waxa la marsanayo waliba ay ku jiraan wax loo yaqaano (mercury liquid: Diana cream,dermovate and Fasco herbal), walalo waxa jirta xili jidhkiinnu fitiimiin soo daayo oo aad ka helaysaan qurux dabiiciya oo ah tii Alle idiin abuuray, haddii aad cuntaan cuntooyinka khudaarta ah.
Waxan la marsanayo waxa jirta da’ loogu tala galay inuu qofku isku yareeyo ama isku qurxiyo se marka ay marsadaan hablo soo kacaya, ma ogtihiin inaad jidhkiinna duullaan ku tihiin, waliba aad dhibaato soo gaadhsiinaysaan unugyada difaaca jidhkiinna?
Waxaad mooddaa midabadeenii kala duwanaa inay madheen, ama anay jirinba dad kala duwan wajigoodu, runtiina qurux maaha midabka cad ee dadkii wada yeesheen, quruxdu wa jidhka caafimaad qaba ee dhalaalkiisana wata, hablihii markay dambas iyo casaan wada noqdaaan quruxi ka tagtay dumarkii Somaaliyeed?
Waxaa fiican in laga hortago oo hablaha soo kacaya loo sameeyo wacyi galin si loo soo celiyo quruxdii hore ee qiimaha u lahayd jidhka dumarka.
La soco qaybta 2aad
Amina Mohamed
Holistic therapist & skin specialist
tipstechniquesskin@hotmail.comMonday, January 9, 2017
Caynab Kaarshe iyo Miyir Abtidoon (Qaybta 5aad)
Miyir dhawr arrimood oo aan kala dhib yarayn ayaa u sinmay; inay
dusha u ridato. Caynab oo ceebo waa shan af-maroojis eh ay sidaas dhaawiciisa
ku cid galiso. Inay halkaas uga dhaqaaqdo oo aakhiro ninba meeshii Eebbe u
qoray buu tagine ay adduunka ku waydo wiilka ay iyaba cindiga ku haysay isaga
iyo tuludiisa.
Aan dib kuu xusuusiyee akhriste hablaha Soomaalidu jecaylkooda
ragga uma muujin jirin xataa hadday u dhimanayaan. Waxaana taas kuu caddaynaya
xikmaddii oranaysay “Baroortu orgiga ka weyn” oo sida ay wariyaan
taariikhyahannada Soomaalidu ahayd, gabar nin la siiyey balse aan wali lala
aqal-gelin oo iyada oo ardaaga gurigooda fadhida aroos iyo dadab-galna roob da’
lagu ballansan yahay loo soo sheegay in dooxato uu ka mid ahaa ninkii la siiyey
la warjeefay.
Markay dhiilladaas maqashayna inta guriga gasada u gashay oohin
qabsatay. Waxaa u soo galay aabbeheed oo ku yiri: aabbe maxaad la ooyaysaa?
Iyana si fudud yay ugu jawaabtay aabbe soo ma ogid in diraacdii dhawayd orgigii
ina qaar-cas ahaa dawaca cuntay. Aabbaha oo hawsha gunkeeda garanaya ayaa inta dhoolla-caddeeyey
yiri: aabbe baroortu orgiga ka weyn.
Haddaba aan sheekadeenii dib ugu laabannee Miyir waxay go’aansatay
inay Caynab gacan-qabato, naftiisana badbaadiso. Caynab ma lahayn far
garaarisa, wuxuuna dangiigay halkii xalay ay aarka ku kulmeen oo aan geed
fiyowbi ku oollin. Waxay soo qaaday Caynab, waxayna keentay gurigii ay saaka
ariga ka ood-qaadday. Marka ay la soo wareegtay gurigooda waxaa arkay carruur
yaryar oo Miyir la dhalatay, balse waxay ku noqotay fajiciso iyo amakaag.
Waxay Caynab hoos dhigtay geed haraca oo guriga ku horyaallay,
waxayna ku qulaamisay barax ay khafiif uga dhigtay. Wax uu liqo iyo wax uu
qawlasha ka daadiyaba Caynab calooshiisii wax tage. Muddo yar kaddib waxaa
gurigii yimid Abti-doon oo xog-mooge ah, waxayse indhihiisu qabteen ninkaan
dhallinyarada ah oo aan hiih iyo haah midna lahayn ee geedka bilqan! Carruurtii
ayaa la soo booday iyada oo aan cidna su’aal waydiin; aabbe ninkaan Miyir baa
siday oo geedka soo dhigtay! Waxay ku noqotay layaab kale oo horleh balse Miyir
oo aan weedh kale sugin ayaa ka warrantay wixii maanta ay aragtay iyo inay
go’aansatay wiilkaan Soomaalinnimo iyo islaannimo inay u soo badbaadisay.
Abtidoon ayaa dul tegey ninkii dhaawaca ahaa, wuxuuna eegay meelaha
dhaawucu ka gaaray iyo sida uu u waxyeeleeyay bahalkii shaashka lahaa, wuxuuse
yiri; Miyirey wiilka magaranaysaa adigu?
Miyir ayaa ku jawaabtay aabbe ma garanayo, balse wuxuu iila
egyahay wiil geel dheelmataan ah xalay nala dulmaray aniga iyo hooyo oo ariga
mayracayna.
Caynab shan beri kaddib ayuu indhaha kala qaaday, wuxuuse garan
waayay meel uu ka yimid iyo meel uu joogo midna. Wuxuu arkay isaga oo tigtigay
oo meel kast ay kaga jiraan ulo dheer dheer oo lagu kabay iyo qolfo geedo kala
duwan oo dusha ka saaran, mayrax lagu duubay meelo jirkiisa ka mid ah. markii uu
soo miyirsaday wuxuu indhaha ku dhuftay Abtidoon oo dhiniciisa fadhiya oo bari
idaad meel dhaawac ah uga dhayaya. Caynab loo sheeg sida wax u dheceen, loogana
warran hawshii bilow ilaa dhammaad.
Bilo kaddib, Caynab waxaa laga furay kammihii, wuxuuna ku istaagay
addimihiisii, lixdiisii lixaadna waxay u wada caafimaadeen. Markii uu baansaday
oo gugii da’ay ayuu u soo ardaa-galay Miyir,
waxaana loo siiyey si sharaf leh, wuxuu yarad uga bixiyay 49 neef oo
geel ah, oo kala socota, faras baxdoy ah, xakiim iyo labadiisii shakadood, wuxuuna
noqday inan la yaal.
La soco qaybta 6aad
La soco qaybta 6aad
Sunday, January 8, 2017
Muuqaalka quruxda badan ee geela Soomaalida.
Daawo barwaaqada iyo muuqaalka quruxda
badan ee geela Soomaalida. (Daawad Kismaayo)
Wednesday, January 4, 2017
Midab aan la doorin iyo quruxi hablihii hore u d`aa
Quruxdii dumarkii Soomaaliyeed ee qarniyo hore iyo siday u ilaalin jireen wajigooda, qiimaha uu lahaa iyo caafimadka uu haystay.
Dumarkan ayaa ahaa kuwo cuna cuntooyin ay ka helaan nafaqo kala duwan jidhkoodu,
sida shuurada, digirta iyo caanaha, oo dhammaantood jidhka u fiican. Dumakan
ayaa ahaa kuwo marsada waxyaabo ay ka mid yihiin: Huruuda, cusburka, labeenta
caanaha, shunburada, timirta, burcadka iyo qasalka.
Dumarkan ayaa ahaa kuwo waqti qudha wax mariya wajigooda, waqtigaasoo ah
markay tagayaan meel sida aroosyada ama iyaga la aroosayo.
Dumarkan ayaa qabay fikir ah hadii jidhka mar walba wax la mariyo inuu
dheeha sare ka qaadmayo. Hadii aad u fiirsado fikirkaa ay qabeen waQtigaa aanay
haysan daryeel badan ama aanu waqtigu u saamixin qurux dabiici ah, lakabka sare
ee jidhka kaasoo loo yaqaano (Epidermis) wa jidhka haddii ay dhibato soo gaadho
unugyada ka hooseeya, ka bacdi uu wajiga dumarku ka xumado ama wax kasoo bax
baxaan.
Dumarkan ayaa ahaa kuwo qurux kala midaba leh, se gabadh kastana midbkeedu
lafta ka dhalaali jiray, waxayna ahaayeen
kuwa aanay ku soo degdeign waxyabaha hadda ku soo degdega dumarka manta
sida : (wrinkles ama ageing skin) gabowga
maqaarka wajiga .
Dumarkan ayaa ah dumar jidhkoodu caafimad qabo ama aad arki kartid iyagoo
gaboobay, jidhka wajigooda oo wali is haysta oo aan xoog u jilcin, dhibatana
waligood soo gaadin finan iyo wax kale toona. Dumarkan ayaa ahaa kuwo leh midabbo
kala duwan: casaan, maarriin, marriin
dhalaal xiga, iyo madoow.
Waxaan aan had iyo jeer eega ama u fiirsada dadka
gaboobay wajigooda, malin maalmaha ka mid ayaan suaal waydiiyay islaan
aad wayn, islaantan ayaa ah mid aan lahayn haba yaraatee wax loo yaqaano
(wrinkles), ama waji layn layn leh oo soo dhac dhaca. Arrintan ayaa iga
yaabisay, waxaan ku idhi hooyo maxad marsan jirtay markaad yarayd ama hadaba,
waxay iigu jawabtay Liindhanaan, timir, iyo qasil. Se hada qurbahan waxan
marsada badhar, jidhkeedan ayaa ah mid caafimad qaba laftana ka dhalaalay!
Haddaba, habloow ma is waydiiseen markaad gaadhaan
xiligan wajigiinnu noocuu noqon doonaa?
Hablaha manta jooga horta waa isku wada midab qudha, waxaad mooddaa inuu
dabar go`ay midabkii Soomaliyeed, marriin iyo madoow. Haddaba, isku wada midab
ha la ahaadee dhibaato intee le`egna way soo gaadhaysaa jidhkan?
Runtii farqiga u dhexeeya quruxdaa hore iyo ta manta waxa weeye,
dhibaatooyinka ku dhaca dumarka manta jooga wajigooda sida: jidh wax diidaya
(sensitive skin) finan cas-casaan ah, kuwo madmadoow ah (red spots, acne iyo
blackheads) jidhkaa dumarkaa hore intan mid may lahaan jirin, kaliya
waxay laahaan jireen haaro markay uurka leeyihiin ku dhaca, kuwaaso markay dhalaana
burcadkoodu ka gooyn jiray.
Dumarkan manta jooga runtii kama fakaraan aayaha jidhka danbe, halka ay
kuwaa hore aad u ilaalin jireen ayaha jidhka wajigooda.
Habloow haddaba , waxa fiican in aynu is waydiinno, dhibatadan badan ee
dumarka wajiga kaga dhacaysaa maxaa sababaya? Waxyabaha aan kor ku soo
sheegay oo dhan baa ka mas`uula, dhibtani waxay ka imanaysa unugyada jidhka ka
hooseeya markay dhibato soo gaadho, ayaa jeermis dhalanaya kaasana u soo booday
dibadda wajiga.
Waxaan qabaa haddii la iska daayo waxan la marinyo jidh caafimaad
qaba, ama waqti yar maraya, in aanay
dhibaato u timaaddeen wajiga.
Hablaha dhallinyarta ah ee wadankii
jooga waxan kula dardaarmaya intii aan waxba marsan inay fadlan
iska ilaaliyaan waxa la marsanayo waliba ay ku jiraan wax loo yaqaano (mercury
liquid: Diana cream,dermovate and Fasco herbal), walalo waxa jirta xili
jidhkiinnu fitiimiin soo daayo oo aad ka helaysaan qurux dabiiciya oo ah tii
Alle idiin abuuray, haddii aad cuntaan cuntooyinka khudaarta ah.
Waxan la marsanayo waxa jirta da’ loogu tala galay inuu qofku isku yareeyo
ama isku qurxiyo se marka ay marsadaan hablo soo kacaya, ma ogtihiin inaad
jidhkiinna duullaan ku tihiin, waliba aad dhibaato soo gaadhsiinaysaan unugyada
difaaca jidhkiinna?
Waxaad mooddaa midabadeenii kala duwanaa inay madheen, ama anay jirinba
dad kala duwan wajigoodu, runtiina qurux maaha midabka cad ee dadkii wada
yeesheen, quruxdu wa jidhka caafimaad qaba ee dhalaalkiisana wata, hablihii
markay dambas iyo casaan wada noqdaaan quruxi ka tagtay dumarkii Somaaliyeed?
Waxaa fiican in laga hortago oo hablaha soo kacaya loo sameeyo wacyi galin
si loo soo celiyo quruxdii hore ee qiimaha u lahayd jidhka dumarka.
La soco qaybta 2aad
Amina
Mohamed
Holistic therapist &
skin specialist
tipstechniquesskin@hotmail.com
Subscribe to:
Posts (Atom)

